Hala Joojiyo Hagardaamaynta Shaqada Golaha Deegaanka Caasimadda

Waxa salaan mudan Madaxweynaha Qaranka Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Iyo masuuliyiinta kale ee heeganka ugu jira sidii loogu shaqayn lahaa shacabka Somaliland.

Waxa digniin mudan shakhsiyaadka u guclaynaya hagardaamaynta shaqada qaranka iyagoo qas galinaya habsami u socodka shaqada, isla markaasna dabino u soo xidhaya masuuliyiinta heeganka ugu jira shaqada qaranka Somaliland.

Waxa muddooyinka dambe soo ifbaxayey dabino loo xidhay hogaanka golaha deegaanka caasimadda hargaysa, kaas oo loogu soo marmarsoonayo xilka qaadis loogu hanjabayo maayar ku xigeenka caasimadda hargaysa Md Maxamed Cabdilaahi Uurcade.

Arrintani waxay ku salaysantahay aargudasho ay wadaan rag xilalkii ay hayeen laga qaaday kuwaas oo wakhtigii loo igmaday ka dhamaaday, waxaanay golaha deegaanka caasimadda  kula soo galgasheen qas iyo xaalad abuur.

Waxay adeegsanayaan xubnaha beeshooda kaga jira golaha deegaanka caasimadda oo aad u tiro yar, waxaanay diyaariyeen woxooga kharash ah oo loogu talogalay in lagu soo qabto xildhibaanada wixii lasoo laaluushi karo.

Arrintan aan ka hadlayaa waa arrinta ka taagan golaha deegaanka caasimadda hargaysa oo muddooyinkan dambe ay soo ifbaxayso wax lagu sheegay khilaaf balse ay rag la garanayo oo uu faysal cali waraabe ka mid yahay daaha dabadiisa ka hagayaan.

Ujeedada ugu wayn ee ay ka leeyihiina waa sidii ay u khalkhal galin lahaayeen habsami u socodka shaqada golaha deegaanka caasimadda oo muddooyinkan dambe si fiican loo arko waxqabadkooda.

Waxa layaab leh raggan isku bahaystay beelnimada ee uu daaha dabadiisa ka hagayo ninkaas aan kor kusoo sheegay oo gocanaya xilkii uu hayay oo ka dhamaaday, colaadna u qaaday maayer ku xigeen caasimadda hargaysa.

Axmed Xuseen Xidig

Macasalaama@hotmail.com