Hal-doorkii Xisbiga UCID oo maanta Shaaciyey Qodobbo ay ku saleeyeen sababahay Xisbiga uga diga-rogteen iyo magacyada Xubnaha 47 xubnood + (SAWIRO)

Hargeysa, (SLpost)- 47 xubnood oo hore uga tirsanaa hal-doorkii xisbiga UCID ayaa si wada-jir ah daboolka uga qaaday inay si rasmi ah isaga casileen xubnimadii Xisbiga UCID isla markaana ay aqbaleen natiijadii ka soo baxday dacwaddii hortaallay maxkamadda sare ee Dalka.

Warsaxaafadeed ay soo saareen xubnahani ayaa u dhignaa sidan:-

DSC09195“Maanta oo taariikhdu tahay 26/09/2011 waxaan shirkan jaraaid u qabanay in aanu kaga hadalno qodob hoos ku qoran

Maanta oo taariikhdu tahay 26/09/2011 waxaan shirkan jaraaid u qabanay in aanu kaga hadalno qodob hoos ku qoran:-

  1. In aan cadayn ka bixino lacagta faysal yidhi waalayga dhacay ee baryahan saxaafadu qaadaa dhigaysay, xafiisyo dhawr ah qayla dhaanta gaadhsiiyay dhawaana shir jaraaid ku qabteen xubno sheegtay in ay xisbiga ka mid yihiin xisaabaatkana aan waxaba ka aqoon.
  2. Waxaa la majaro habaabiyay go’aankii ka soo baxay 11/09/2011 Maxkamada Sare ee distooriga ah ee ku saabsanaa dacwadii Xisbiga Cadaalada iyo Dareyeelka (UCID) ka dhaxaysay.
  3. Maanta oo taariikhdu tahay 26/09/02011 sacaduna tahay ————– waxa si rasmi ah xilalkii iyo Xubinimadii ay ka hayeen Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka (UCID) iska casilay 47 xubnood oo ka tirsan oo ah hormadii 1aad. Kuwaas oo ka kooban:-

–          Hogaankii sare ee xisbiga markii laga reebo gudoomiyaha ku meelgaadhka ah Eng, Faysal Cali Waraabe.

–          Waxaa iska casilay xubinimadii iyo xilkii fulinta 22 xubnood iyo 6 hogaanka sare oo isugeen ah 28 xubnod o fulinta halkan ku magacaaban.

–          waxaa iska casilay xilkii iyo xubinimada UCID xubno ka tirsan golaha dhexe oo ka kooban 19 xubnood oo ka tirsan G/dhexe.

Qodobka 1aad: Daadafaynta lacagta uu sheegtay Gudoomiyaha ku meelgaadhka Eng, Faysal

Waxaa baryahan dambe saxaafada ku badnayd cambaarayn aan loo-meel dayin oo lagu sheegayo lacag faysal uu leeyahay oo lala baxay xisaabaadka xisbiga ku lahaa banigiga dhexe iyo xawaalada Almustaqbal; waxaanu u cadaynaynaa cid kasta oo dhawaaqaasi gaadhay inaanu warkaasi wax ka jirin iyo sida loo dhigayba. Hay’adaha xisaabaadka aanu ku lahayna aanay ahayn kuwa sharci daro iyo habkii loogu talagalay mid aan ahayn wax ku bixiya; waxaan ka raaligalinaynaa aflagaadada lagula kacay ee xaqiiqada ka fog.

  • Cadayntii lacagtaas: lacagta xisaabaadkaad ku dhacday waxaa iska leh xisbiga UCID ee maaha wax shakhsi leeyahay, waxaana mudadan dambe u xilsaarnaa Gudoomiye ku Xigeenka 1aad Md, Aadan Maxamed Mire Waqaf lacag ka saarida oo loo igmaday, wixii xisaab celin ah iyo wixii qoraal ahna iyo cadaymo wax laga helayaa xisbiga iyadoo waafaqsan habkii iyo nidaamka loo dajiyay lagana raad raaci doona.

Lacagtaas waxay naga soo gashay kabka ay dawladu ku taageerto Xisbiyada Qaranka waxaanay ku dhacdaa xisaab No: 283 ee laanta labaad ayadoo Somaliland shilin ah kadibna waxaa loo badalaa lacag adag (hard currency) oo lagu shubo xisaab number 1744 ee xawaalada Almustaqbal. Lacagtaas ay labada ku kala sheegeen marna Dollar marka kalena Somaliland shilin waa lacag qodha oo wadartoodu noqonayso US $7000, waxayna ku baxdaa mushaharka shaqaalaha kirooyinka xafiisyada adeega xafiisyada sida stationary, laydhaka, biyaha, telephonada , media-ha iyo xafladaha/ martiqaadyada…….  IWM

Taasi oo xisaabcilinteedii loo gudbiyay cidii ay khusayso, lacagtii bishii july iyo August waxay ugu jirtaa xisaabta Xisbiga xisaab lambar 283 lacagtaas oo soo dhacday intii khilaafku jiray oo aanu awood u lahayn ka saaristeeda waxaanu ka doorbidnay in aynu sideedi hore u taalo maadaama khilaaf jiray waaan wax raadkeedina yaalo bangiga dhexe.

Maadaama wixii xisaab Celina aan xisbiga u soo gudbinay waxaa dhinaca kale iswaydiintu tahay gudoomiyaha ku meelgaadhka ah Eng, Faysal in sidoo kale wixii xisaab Celina u soo bandhigo xisbiga mudadii uu xilka hayaay iyo bilaha dambe ee lacagta ku jirto bangiga.

Qodobka 2aad : Turjumaada qaldan ee laga bixiyay Go’aankii Maxkamadda Dastuuriga ah:

Markii arintu cakirantey ee khilaafku faraha ka baxay waxa hogaankii ku meel gaadhka ahaa ee Xisbiga UCID isaga oo la tashanaya Guddida Fulinta, Guddiyada Gobolada iyo laamaha dibedda ee xisbiga arrintii u gudbiyeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka kana codsadeen inay sugaan sharciyadda iyo cidda lagala xidhiidhayo arrimaha xisbiga UCID.

Komishanku wuxu markaas arrinta isu dhaafiyey Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka isagoo u arkey inay tahay hay’adda xaqa u leh ka garniqida iyo go,aan ka gaadhista qadiydaha noocan  oo kale ah.

Anagoo xaq-dhowaryana dastuurka iyo garsoorka dalka waxanu ku waafaqnay Komishanka in maxkamadu noqoto halka lagu kala-baxayo. In kastoo isku dayeen odayaal guurti ah oo reeraysan ay noo yimaadeen kana gun gaadhi waayeen, markaas waxa xisbigu ku adkaystay in lagu go’o xukun maxkamadayd si loo kobciyo oo loo aqoonsado in aynu Qaran nahay sidaa awgeed la ixtiraamo Hay’adaha Qaranka.

Waxay ahayd, tusaale u noqosho iyo casharo dastuuri ah oo ummaddu inay barato waajib tahay; waxay kaloo ahayd in aan hawlaha siyaasadda iyo madaniga midna loola cararin geed hoostii oo aanu dhaqanku go’yn ee uu ka garnaqo garsoorka dalku, dhmaanteen aamino si loo koriyo awooda iyo kalsoonida waaxda garsoorka, arintaasina taariikhda Somaliland ayey ku xardhanaan doontaa.

Go’aanka Maxkamadu Riday

Sidaad kala socoteen qalabka warbaahinta ha noqdo TV, Radio, wargeys ama shabakada wararka go’aanka maxkamadu qodobadiisa ugu muhiimsan waxay u dhacay sidan:-

  1. In la diiday dacwadii labada dhinac iyo go’aamadii is khilaafsanaa ay soo saareen dhinacyadii is hayey.
  1. 2.    Waxay go’aamisay in dhamaan hey,adaha Xisbiga UCID ee lagu doortay shirweynihii 2aad ee Xisbiga 27/06/2006 ay muddo dhaaf yihiin jiritaanka xaaladooda qaanuuneedna ay tahay mid ku-meel gaadh ah inta laga qabanayo shirweynaha Xisbiga.
  1. Waxay maxakamaddu go,aamisay in shirwaynihii xisbiga lagu qabto mudo 3 bilood gudahood oo ka bilaabanta maalinta go,aanka lagu dhawaaqayo oo ah 11/9/2011 , waxaanu shirweynuhu ka koobnaana doonaa xubnihii ka qayb qaybgaly shirweynaha 2aad intii ka nool.
  1. Qaban qaabada shirweynaha waxa loo raacayaa xeerka Xisbiga .
  1. 5.    Waxa maxkamdu amartey in Xubnaha Fulinta iyo Golaha dhexe Gutaan waajibkooda sharci una hawl galaan qabashada shirwaynaha 3aad si loo ilaaliyo jiritaanka qaanuuneed ee xisbiga

Waxanu halkan bulshada uga cadaynaynaa in aan Faysal Xisbigii UCID loo xukumin sida uu meel kasta kaga dabaaldegay ee kaga faanay, kuna majaro habaabiyey bulshada sidaasna uu ku yahay gudoomiye ku meelgaadh ah labada bilood iyo badh ee uga hadhsan waqtigii maxkamada u qabtay in uu shirwaynaha qabsoomo.

Haddii go’aankaas sidiisa loo raaco Shirwaynahaas dadka xaqa u leh inay qabtaan ama ka qayb galaan 95% waa xubnaha halkan fadhiya iyo inta taageersan ee ku maqan dibadda iyo gobolada. Waxa dhinaca Faysal xaq u leh inay shirkaas ka qayb galaan isaga iyo xubno kale oo noqonayaan 5% tirada golaha dhexe ee wakhtigaas.

Shirkaas waxa ka qayb geli wixii ka nool dadkii ka qayb galay shirweynihii 2aad ee 2006 oo keliya liiskoodina lahayo balse aanay noqonayn dad hore leh oo imika la soo uruuriyo. Taas oo gaf ku ah 5 sanadood oo dib loo celiyay xisbiga balse qasab ah in loo hogaansamo go’aanka Maxkamadda dastuuriga.

Maxkamada Sare iyo Xeer ilaaliyaha Guud waajib baa ka saaran dabagalka iyo hirgalinta go’aanka maxkamadda.

Qodobka 3aad Go’aanka Xisbigu qaatey

Iyadoo ay sidaa tahay oo sharciyadii xisbigu naloo sugay. Hadana, kadib markii aanu derisnay ee talo-wadaag gelinay ee qiimaynay waxa ay naga sugayaan taageerayaasha xisbigu, aragnayna dareenka iyo yuhuunta bulshada oo noo han wayn waxanu go’aansanay:

  1. Inaan aqbalo go’aanka maxkamadda dastuuriga
  2. In sii jiitanka murankani keeni karo khalkhal nabadgelyo, isku dhac walaalo ma huraan ah iyo ka faa’iidaysi inta neceb nabada iyo xasiloonida Somaliland.
  3. In aan magacii iyo taariikhdii suubanayd ee bulshadeeno ku barteen xubnahan mudadii 10-ka sano ahayd lagu tirtirin muran aanu qayb ka nahay.
  4. In hankii, taageeradii iyo himiladdii xubnaha xisbigu u qabeen bulshada Somaliland aan lagu ciidayn jiitanka muran aan cawaaqibtiisa dambe la ogayn.

Annaga oo tixgelinayna asbaabaha kor ku qoran, waxaan go’aansanay haddii aanahay xubinihii hogaanka UCID oo ka maqan yahay Faysal Cali Waraabe iyo xubnaha Guddida Fulinta inaan maanta oo isniin ah taariikhduna tahay 26/9/2011 aannu iska casilnay xilalka kala ah Hogaanka Xisbiga, Guddida Fulinta, Golaha Dhexe iyo xubnimadii Xisbiga UCID.

Go’aankan waxaanu tudhaale uga dhiganay bulshada gacalka wada dhashay ee ku dhaqan geyigan Somaliland. Waxanu magacii liinbaxay uga gurney Faysal oo kaligii sheegtay lahanshiyihiisa.

Dhaamaan Xubnihii Fulinta, Xubnihii Golaha Dhexe, Gobolada, laamaha dibedda, dhamaan taageerayaashii Xisbiga UCID iyo shacbiga Somaliland waxaannu u sheegaynaa inaan dhawaan shaacin doono ku dhaawaaqida urur siyaasadeed cusub oo maalmahan soo socda soo gabagabayn doono wada tashigii aanu ku hawlanayn

Magacyada Xubnaha Golaha Dhexe

No Magac Xilkii Xisbiga
Adan Maxamed Mire Waqaf Gudoomiye ku xigeenka 1aad

1

Axmed Xuseen Fagfagaash Gudoomiye ku xigeenka 2aad

2

Xassan xuseen Maxamed (codyare) Gudoomiye ku xigeenka 3aad ahna afhayeenka xisbgia

3

Mohamed Rashiid Sh Xasan Musharaxii madaxweye ku xigeenka xisbiga

4

Muuse Xaaji Maxamed Guuleed Xoghayha Guud ee Xisbiga

5

Ku xigeenka xoghayha guud

6

Fadumo Cali Madar Xoghayaha arrimaha debeda

7

Cabdilaahi Siciid Ismaaciil Xoghahaha abaabulka iyo wacyigelinta

8

Mohamed Abdulaahi Uurcade Xubin Gudida Fulinta

9

Cabdiraxman Jamac ducale Xoghayaha Beeraha

10

khadija Xaaji Ismaaciil Bandare Ku xigeenka Xogahayaha arrimaha debeda

11

Maxamed Xasan Dirir Xoghayaha maamulka iyo qorshaynta

12

C/raxmaan Cismaan Calin (Dheere) Xogahayha Difaaca iyo nabadgelyada

13

Cabdiraman Cisman Jamac Xoghayha maaliyada ee xisbiga UCID

14

Huseen Adan Ali (Asad) Xoghayha Arrimaha Siyaasada

15

Prof, C/raxamaan Xaaji Salaax Wakiilka xisbiga ee gobolka Sool

16

Axmed Muumin Seed Habane Wakiilka xisbiga ee gobolada Awdal iyo Salal

17

Cabdilaahi Axmed Daamur Gudoomiyaha gobolka Sanaag

18

Cismaan Afgaab Nuur Gudoomiyaha gobolka Togdheer

19

Abiibakar sh Xuseen meecaad Gudoomiyaha gobolka Awdal

20

Salax muxumed idiris (Shine) Gudoomiyaha gobolka Hargeysa

21

Abokor Cige Faahiye Gudoomiyaha Xisbiga ee UK

22

Cali Maxamuud Ducaale Gudoomiyaha xisbiga ee Sweden

23

Abdiqaadir Axmed Cabdi Gudoomiyaha garabka dhalinyarada heer qaran

24

Mustafe ismacil kanadi Gudoomiyaha Londan

25

Ahmed Abdi Ciise Xogahayha Iskaashiga Caalamiga

26

Nasir Maxamuud Yusuf Gudoomiyaha Canada

27

Mustafe Axmed Maxamed Xudur Xubin Gudida Fulinta

28

Naasir Xaaji Cali Shire Xubin Gudida Fulinta

29

Amir Salax Bare Cabdi Xubin Gudida Fulinta

30

A/ Shakur Ibrahin Diiriye Gudoomiyaha Bartamaha iyo Waqooyiga UK

31

Dr, Sahal Cabdi Maxamuud Xubin Gudida Fulinta

32

C/laahi Axmed Madar Xubin Gudida Fulinta

33

Farax Maxamed Cabdule Dheere Xubin Gudida Fulinta

34

Xuseen Maxamed Cige Xubin Gudida Fulinta

35

Saleban Dahir Dogox Xubin Gudida Fulinta

36

Axmed Cabdilaahi Cawaale G/Dhexe

37

Cabdicabdilaahi Ibrahin G/Dhexe

38

Cali Axmed Cali G/Dhexe

39

Amina Abdi Jama G/Dhexe

40

Abdishakur Sheekh Cali jawhar G/Dhexe

41

Mustafe  Abdilaahi Adan G/Dhexe

42

Abdilahi Hassan Amay G/Dhexe

43

Asha Husien Maraykan G/Dhexe

44

Mahamed Faarah Abdulaahi (iidle) G/Dhexe

45

Dr. Maxamud Maxamed Cabdillahi G/Dhexe

46

Cabdiraxaman Yusuf Cartan G/Dhexe

47

Ibrahin cabsiye jumca G/Dhexe

UCID-ey maca Calaamadaada Nabadeey”

DSC09212DSC09211DSC09210DSC09207DSC09203DSC09193

———————————————————————————————

Somalilandpost.net

Hargeysa Office

Hassan Omar

Xasan@somalilandpost.net