Hal-doorka Haweenka: Faadumo Siciid Ibraahin (1aad) W/Q Siciid Gahayr (Hargeysaawi)

Faadumo Siciid

13/06/2011-ka ayaan curiyay tix magaceedu yahay Hal-door, oo aan ku xusay dhacdooyin iyo dad mudan ah oo door weyn ugu jira Somaliland kala ahna siyaasiyiin, saxafiyiin, guurti, haween, ganacsato, aqoonyahan iyo qaybo kale, taas oo laba ku ahayd gabayga Hal-maal la yidhaahdo ee Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan “Hal-deeq” ku xusay goobo, gooro iyo diricyo muhiim ku ahaa halgankii SNM…

Haweenka aan ku carrabbabay tixdaas oo door ahaa waxa ka mid ah: Edna Aden Ismaaciil, Faadumo Siciid Ibraahin, Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, Ayaan Maxamuud Cashuur iyo kuwo kale oo intuba kaalin muuqata ka qaatay horumarka iyo koboca Somaliland

Faadumo SiciidHalyeeygu xusuus leh gaara

Qofkaan hagran ciidda hooyo

Bulshadu ma halmaanto goorna

Hal-doorka gardaadshay uunka

Intuu ka haleelo maanku

Hal-maal ku labee boggiisa

Haween waxtarlaanu leennay

Hayaan dhinacooda giijay

Cusbital huqda lagu daweeyo

Ednaa hindisiha ku keentay

Berbera cilmi lagu habaayo

Barbaar hibaloo la muujo

Hantaaq dibadyaal la ciidmo

Hormoodnimo Faadumaa leh

Habayn bandhig loo han waynyay

Horseedka Ayaan Cashuur dhe

Markuu dal-sankii hiqleeyay

Halaagga dhirteenna gaabshay

Degaan Shukri baa u hiil ah

Gu’gii 2010 ayaan is-weydiiyay “Qoraalladan reer Somaliland sameeyeen waxa ay ku xusaan inta badan rag keliya… Miyaanu waddanku lahayn dumar ku habboon in sooyaalku dhigaal-keydiyo doorkooda?”.. Garaadku ii sheeg markiibay inay jiraan haween waxtarkoodu ifayaa.. Judhiiba Edna Aaden Ismaaciil ayaan ugu tegay cusbitaalkeeda Hargeysa si aan wareysi uga qaado laakiin waxa ii sheegtay inaanay haynin kansho (fursad) xog-bixineedna ayna ku fooggan tahay hawl. Anoo niyadsan, yoolkaygiina ka gun-gaadhay ayaan laabtay.

Dabayaaqadii 2011-ka ayaan aaday Xafiiska Ur urka ODHA (Organization for Development and Humanitarian Affairs” oo ay Guddoomiye ka tahay Marwo Faadumo Siciid Ibraahin oo waxqabadyadeeda i soo jiitay ay ka mid yihiin aasaaska jaamacadda culuumta badda ee Berbera, Xarunta Darbijiifka Hargeysa iyo dhiirrigelinta ciyaaraha fudud gaar ahaan orodka oo ay dhallinyaro ugu qabatay dalka, qaarna ay Jabuuti u kaxaysay.. Hiyigu wuxuu damacsanaa inaan la yeesho wareysi sooyaal.. Marwo Faadumo si gobanimo leh ayay u guddoontay soo-jeedintaydii. Ballan ayaanu qabsannay, waxaanan la yeeshay wareysi maqal iyo muuqaal ah oo ay duubayeen Agaasimaha Somaliland Space Channel C/Raxmaan Cismaan Cumar (Xaaji) iyo Liibaan Maxamed Axmed.. Gudbinta xogtan waan la daahay.. Waayo bilawgii sannadka 2012-ka ayaa waxa igu dhacay xanuunka macaanka (diabetes) oo jidh go’ iyo hanjab ii horseeday markuu igu ugubka ahaa, eegga iyo gunaanadkii 2012-kaba  waan ka ladanahay.

Aan  toos u ibo-furo maqaalkayga’e, Faadumo Siciid Ibraahim oo  hadda ah Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID), magaca hooyadeed waa  Cadar C/Laahi Cabdi  waxa ay ku dhalatay miyiga Oodweyne taariikhdu markay ahayd 1961-kii, amintaas waxa uu aabbeheed deggenaa dalka Ingiriiska, hooyadeedna waxa ay ku negayd ama joogtay Berbera oo ay ka xanuunsatay sidaas aawadeedna waxa ay u baxday miyiga gaar ahaanna deegaanka Gobolka Daadmadheedh oo ay Faadumo Siciid bah ayeydeed yaalleen si ay u dal-doorsato, hawo cusub iyo caano-geelba u hesho, caafimaadkeedana loo baxnaaniyo.

Waxa ay la dhalatay laba wiil iyo  laba gabdhood oo ay iyadu ku shan tahay uguna weyn tahay. Magacyada walaaleheed oo isugu xiga sida ay u kala da’ roon yihiini waa kuwan:

  • Maxamed Siciid
  • Sucaad Siciid
  • Cali Siciid iyo
  • Farduus Siciid

Kolkii ay jirtay 2-3 sanno ayaa ay  Faadumo Siciid u wareegtay ama waalidkeed u qaadeen dalka Ingiriiska, kobtaas oo ay ka bilawday waxbarasheeda barbaarinta (kindergarden) iyo dugsiga hoose oo ay ku qaadatay iskuul magaciisu yahay Bil quent.. Maadaama oo aanay tacliinta Britain lahayn dugsi dhexe waxa ay u ku biirtay dugsiga sare oo ay dhammaystay gu’yaalkii u dambeeyay 1970-nadii.. Waxa la kala doorransiiyay inay gasho college hordhac u ah Jaamacadda iyo inay sii joogto dugsigeeda 2 sanno si ay u qaadatay billad ama maamuus u dhigma heer macallin, waxaanay doorbidday inay qaadato shahaadada la heerka ah bareyaasha. Si toos ah uma ay gelin Jaamacadda, markii ay af-meertay cilmiga dugsiyada waxa ay 1979-kii ku aqal-gashay magaalada Muqdisho, caasimadda waddanka Soomaaliya oo ay isku guursadeen Alle ha u naxariistee Dr Idiris Ibraahin Cabdi oo ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland oo sannadkii la dhaafay xanuun ku soo booddo ah..

La Soco… Qormada 2aad haddii Alle idmo

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista (ERA)

saedmgahair@hotmail.com

Facebook: Saeed Mohamoud Gahair