Hal-abuur Yaasmiin Maxamed Kaahin oo Marti ku ah Barnaamijka Hereri iyo Hargeysa

Yaasmiin Maxamed Kaahin, Waa hal-abuur curisay suugaan tirabadan, sidoo kale waa qareen sharci oo bulshada u adeegta. Yaasmiin, waxay hal-abuurtay maansooyin tayo badan, tiradooduna aannay yarayn. HIIL BAAN U BAAHNAHAY waxay ka mid tahay masrixiyaddaha ay qortay Yaasmiin, waa masrixiyad ka hadlaysa sida uu afka soomaaligu ugu baahan yahay hiil iyo gurmad bulsheed.

 

Barnaamijka Hereri Iyo Hargeysa, oo telefishanka Universal ka baxa, qaybtii isniintii ina dhaaftay ee 17kii-10-2015 ayey Yaasmiin Maxamed Kaahin marti ku tahay, Halkan ka daawo muuqaalka barnaamijkaas:

https://www.youtube.com/watch?v=bVj7-KG1d4A&feature=youtu.be