Hagardaamo (Maanso): W/T: Abwaan Oday

abwaan odayWaa maanso ka hadlaysa tahriibka oo la yidhaahdo ( Hagar-Daamo) waxay soo baxaday 2008 waxayna ka hadlaysaa Dhibaatada ay u badheedhaan Dhalinyaro fara badan oo ka Tahriibatay, Dheelmatay (Suudashay) Dhulkooda hooyo, Una horseeday dhaygag iyo Dhabanahaysi ba’an

waxaana iska hadalaya nin Tahriibay oo sooo waaya arakay wuxuu la kulamayana ka sheekayanaya Hagardaamooyinkii iyo Hadimooyinkii uuu la kulmay, Waxanay ku Bilaambataa sida tan

 

Waxaan hibanayaa wali,

Hiirtaanyadii iyo,

Halistii igaadhoo,

Rag hawaalihiis iyo,
Wuxuu hadimo soomaray,
Ayuu hadall ku sheegaa,

 

Hadaan hayjad Galay bari,

Inaan heedhe Sheegoon,

Dadweynaha Hortoodi  iyo ,

Dhalintaa Habawdee ,

Habaqankeedu Yeedhee,

Habka xeedho Weyntii,

Isu kala hufeysee,

Ku idlaatay haadan,

Ayaan Haatan waaniyo,

Hawraar Ku dayayaa,

Dad hugoogii Tuuro,

Harggo miidhan Yeesho,

Ruuxii u haad gala,

Warankooda hagarka ah,

Halbawlaha ku gooyoo,

Waaxyahooda hudufiyo,

Nabar miidhan heeroo,

Herer oogadeediyo,

Ku nool hamahaasaa,

Hayaankii ku beegmoo,

Hayeeshee dhib oo idil,

Ka hagoogtay dheegaw,

 

Soodaan haadaan galay,

Saxaraha hanfanayee,

Wixii nolol haweystaa,

Bari hore ku hoobteen,

Hadhka maalin weyntii,

Hanfi aad ukul iyo,

Bacad Baa hadheeyoo,

Hooy aad Ku nasatiyo,

Hilin aad kuToostaba,

Midna lagama Hela ’oo,

Bahalaha hall Qaadiyo,

Yey baaba hurudoo,

Haday ilo ku saaraan,

Kuu soo hirdamayoo,

Hutuqdaa ka baydhaba,

Midkaloo ka halisaa,

Hareertaada joogtee,

Hayaankaasi sodaan,

Horre aan u dhaaffee,

 

Waxaan hilinka haystaba,

Liibiya halkay tahay,

Sheeda dheer ka halacsaday,

Waxaan maalintoo hira,

Hogog la isku rida iyo,

Ka dhex heesa haadaan, .

Habeenkiisa oo idil,

Waxaan socod ku haylamo,

 

Dhaxanti iyo habaaskaa,

Diirkayaga hoosi iyo,

Dhabanada hareeraha,

Haara aan go’ayn iyo,

Hundus Miidhan yeeloo,

Hadii Gaajo hoortiyo,

Cudur kugu Haleelaba,

Meelaan hooyadaa Jirin,

Dhibtaan la heshiiyaa,.

 

Waxaa la isla hubiyaa,
Hadba meesha huguntee,

Ku hafeefanaysee,

Luqadii halkaasiyo,

Saw hadalkii ima dhibin,

 

Nin habaabay baan’ee,

Doonidii hadaan helay,

Bada soo hubaashii,

Badhtankeeda uma hooyan,

 

Naaraha Halcanayaa,

Isku Hagagar mahoo ,

Hanfigiyo dhibkoodiyo,

Holacooda Guduhuba,

Isku heer Ma joogoo,

Waxaan hawla Soo maray,

Waan wada Hilmaamoo,

Tan dusheeda Haysee,

I hehaabinaysaa,

Hiyigaygii qaadoo,

Haday Nololi wacantahay,

Nafta waan haleeyoo,

Huudhigaan dulsaarnaa,

Hareerihii ku yilbaa,

Dufaan haleeloo,

Wadihii Is hiifyoo,

Haadiyoo u yeedh yeedh,

Naakhuude Halsiyo,

Qaatuleeno hadhayoo,

Hadal aad u kululiyo,

Ficil aan haboonayn

Orad haabta buu yidhi,

Kii iga horreeyaa,

Hebal soo tilmaamoo,

Ka dag huudhiguu yidhi,

 

Halkeebuu u daadagi !!!!?

Hoos wuxuu u yuusaba,

Hada diiday buu yidhi,

 

Waa rag soo harheermoo,

Sida horarka oo kale,

Kolna haabaneynine soow,

Haraati kulul iyo,

Hirdi lala wareeriyo,

Feedh Hugtaakagama dhigin,

Waxaa hiidu yeedhaba,

Naftu way ka haadee,

Saw kaasi muu hoyan,

Hilbihiisiyoo qudha,

Bada hiimsaheeda,

LaguHiigayaayo,

Idil habarDugaagii,

HawadaasiJoogaa,

Hawdiisa yeedhiyo,

Humaagiisa garanoo,

Dhuuxiyo hilnaantii,

Kala heensan dabadeed,

Hanadkii is waalana,

Midiyahaa haliilee,

Hamuuntootudu ba’antaa,

Lagu haligaayoo, ]

Waxa lagu Hed goyaa,

Heedha waaRasaastee,

Hawl iyo dhibaatiyo,

Hagardaamadaan maray,

Hadal laguma koobee,

Sheekaba humsiimiyo,

Waxay heedha leedahay,

Meel lagu hagaajee,

Waxaan Hanad ku leeyahay,

 

Halaq iyo Abeesiyo,

Haw badheedhinHadaan,

Naxdin iyo hayaay iyo,

Habaar walaadi waligaa,

Waxba Heego curatiyo,

Haw malayn Gudgude roob,

Hutuq iyo Waxyeelana,

La iskuma horseedee,

Ubadkaaga ha udhigin,

 

Dabhirkiisu muuqdaa,

Kuma haqab tiraayee,

Dad hayaamay socodkiyo,

Dad huleelay waa horoo,

Diintii hufnayd iyo,

Hidii wacanaa iyo,

Ka Habaabay dhaqankii,

Waxba sacabka haw tumin,

 

ABWAAN: Cabdirisaaq Maxamed Cabdilaahi (ODAY)