Hadimooyinka Siyaasadeed Ay Gaystaan Qaar Kamida Ah Masuuliyiinta Gobolka Awdal Ma Waxa Lagu Raaligalinyaa Beelo Gaar Ah?

Maamulka Gobolka Awdal ayaa la tacaalaya dhibaatooyinka iyo hagardaamooyinka ay gaystaan qaar kamid ah shaqaalaha Xafiiska Gobolka Awdal , Xafiiska Badhasaabka Gobolka Awdal marna ma noqon mid awoodiisa maamul ay muuqato , sanadihii badanaa ee Nidaamka maamulka Somaliland ka hano qaaday Gayigan iyo Maamuladii kala dambeeyey .

Badhasaabka Gobolka Awdal waxaa mar walba ka magac dheeraa , gudoomiyaha degmada Borama , taasi waxaa keenay maamul jilicsanaan iyo saraakiisha ka hoos shaqaysa oo ay aad u liitay aqoontooda shaqo , tooda cilmiyeedna ay tahay mid aan dhaafsanayn dugsi dhex iyo sare una baahan tababro la xidhiidh maamul wanaaga iyo inay kordhiyaan aqoontooda.

Badhasaabkii hore ee Gobolka Awdal Cabdoo Aayir ayaa mudadii u maamulka ka ahaa Gobolka Awdal waxaa u ka talaabsan kari waayey , Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Awdal ee hore iyo Xoghayaha Gobolka Awdal, Labdan Masuul ayaa iyagu ku sifoobay labo masuul oo yeeshay booska shaqo ee loo egmaday kadib markii ay muddo dheer halkaasi ka shaqaynayeen lana shaqaynayeen maamulo dhawr ah oo is babadaly, labadan masuul ee midi booska baneeyey ayaa is dhaafsan jiray gacmaha, miinooyinka kacdoon ee aanu maamulka gobolku ka talaabsan kanrin aasi jiray si ay danahooga gaaraka ugu fushadaan.

Badhaasaab ku xigeenka Gobolka Awdal ee shaqada hada baneeyey waxaa u aaminsaanaa in uu ku fadhiyey kursigii beesha ciise ku lahayd degmada iyadoo aanay beesha ciise ku lahayn wax kursiya Gobolka madaama degmooyinkii ay ku magacawnaayeen la hoose geeye Gobolka Salal, halka Xoghayaha Dawlada hoose ee Borama lagu maamusay mansabkan, beelaha kale ee HABARCAFAAN ee uga mudnaa kursigan ay quudaraynayaan in ay maalin uun qabtaan booskan shaqo.

Xoghayaha Gobolka Awdal dadiisa oo yar iyo khibradiisa shaqo oo gaaban waxay dhaxalsiisay in uu samaysto cadaw siyaasadeed oo badan oo anu lahayn farsamadii iyo hubkii u ku maarayn lahaa, badhasaab Ramaax oo mudo ka yar 5 bilood jooga Gobolka Awdal ayaa isaga iyo xoghayaha, dildilaac dhexdooda yaala banaanka laga dheehan karaa taasi mid lamida ah waxaa qabay sadexdii badhasaab ee ka horeeyey Ramaax oo dhamaantood xoghayaha ku sifeeyey siyaasi aan qaan gaadh ahayn.

Su aasha meesha taalaa waxay tahay waa kuma shaqsiga lagu badili doono xoghaya Gobolka Awdal, maadaama xanta suuqa iyo majaalista lagu gorfeeyo siyaasada gobolku ay odorosayaan in u soo dhamaaday axdigii xoghayaha Gobolka Awdal, Dadka qaar ayaa farta ku fiiqaya in booska la siin doono qof kale oo ka tirsan beesha XEEBJIRE , halka ilo siyaasadeedyo odorosa arimaha gobolku ay sheegayaan in jilib kale oo HABARCAFAAN ah loo qoondeeyey booskan.

Tani waxay dadbadan ku keentahay in ay is waydiiyaan waa maxay sobota ay seeftu u qaadaysaa xoghayaha Gobolka isla markaan ay horay ugu qaaday Gudoomiye ku xigeenku gobolka, jawaabta ayey dadbadan la soo deg degayaan iyagoo odhaanaaya, hanaankii shaqo ee Xafiiska Gobolka oo baabay, is qab qabsi loo maaro waayey oo ka jira xafiiska iyo hanti loogu talo galay in gunno loo siiyo diwaangalinta madaniga oo la waayey taasina ay sobob u noqotay in loo mudo dheereeyey wakhtigii ay ku soo dhamaan lahayd diwaan galintaasi iyo sidoo kale waxay intaasi ku dareen siraha xafiiska Gobolka oo baxa, cuqaasha iyo salaadiinta oo si joogta ah loo la socodsiiyo wixii soo gaadha xafiiska gobolka Awdal ,

Kuwaasi iyo kuwo kale oo badan ayaa loo aanaynaya masuuliyiinta ka hoos shaqaysa Gudoomiyaha Gobolka Awdal gaar ahaan xoghayaha Gobolka, waana ta keeni karata ama keentay in masuuliyiintaasi ku waayaan booskooda shaqo.

Qore: Cusmaan Cali Warsame.

suxufi1993@hotmail.com