“Hadii baarlamaanku yeesho laba gudoomiye waxa suurta gali karta in laba madaxweyne la sameeyo..”Guddoomiye Cirro

Hargeysa(SLpost)-Gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiramxaan Ciro oo dagaakii gacan ka hadalka ahaa kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hadii golaha wakiiladu uu yeesho laba gudoomiye dalkana loo samayn doono laba madaxweyne.

Gudoomiyaha ayaa sida oo kale shacbiga ka raali galiyay dagaalkii gacan ka hadalka ahaa ee golaha ku dhexmaray isaga oo iyo ku xigeenkiisa oo uu ku tilmaamay mid isticmaalaya awood aanu lahayn, waxaanu isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi“Shacbiga reer Somaliland iyo golahaba waxaanu ka raaligalinaynaa waxii ka dhacay golaha maanta ee ahaa sharcidarada, golahu waxa uu ku jiray hawlmaalmeedkiisii caadiga ahaa waxaana socday doodii xeer hoosaadka, mooshin ayaa la keenay waxaanuna marinay sharciga, waanu akhrinay ujeedadii mooshinka iy mudanayaashii soo qorayba, hasa yeeshee golahu waxa uu leeyahay xeer hoosaad oo waanu ku dabaqnay waxaanu tilmaaamayaa mooshin la keenay kalfadhigan in aanu isla isagii la soo celin karin, qodobka 43 faqrasiisa labaad oo ahayd ( lama furi karo mooshin hadii arinta uu ka hadlayaa uu golahu ka dooday isla kalfadhigaas), lataliyaha sharciga waanu u gubinay isaguna sidaas ayuu sheegay, lama diidin mooshinka ee waxaanu nidhi waxa uu anasax yahay in la keeno kalfadhiga kale,laakiin waad arkayseen khasab ayaa la doonayay in lagu mariyo golaha oo ah sharci daro, waxaad arkayseen gudoomiye ku xigeenkii koowaad oo awood aanu lahayn isticmaalaya, shirgudoonka waxa gudoomiya gudoomiyaha marka uu joogo, bal marka aan maqanahayba ha gudoomiyee maanta waad arkayseen waxa uu halkaas ka samaynaayay waxay ila tahay waxuu kaligii ku yahay maaha.”
waxa uu Cirro ku ganay madaxweyne Siilaanyo“Hadii sharci daro lagu socdo oo uu baarlamaankii yeesho laba gudoomiye waxa suurta gali karta in laba madaxweyne la sameeyo.”

 

Hargeysa Somaliland

Somalilandpost