Hadidaadda Xukuumadda Siilanyo Ay Ku Hayso Saxaafada Madaxa Banan: W/Q: Khadar Jirde

 UGU HORAYN WAXA AAN HALKAN  KA SALAAMAYA  SAXAAFADA MEELKASTA OO AY KU SUGANTAHAY.

 HADII AAN FIKIRKAYGA U SOO  gonda-dego;

khadarWaxa aynu wada ognahay in xoriyatul qawlkuii saxaafada  madax  banan ku naalonaysay laba iyo labaatankii  sano ee soomaaliland jirtay. In ay xukuumada maanta talada haysa ugu bedeshay dil xadhig iyo cabudhin  aan kala go.alahayn. iyada oo aynu wada  in ay xukuumadu  tahay tii  ku  ololaynaysay  in badan kuna dhaliili jirtay xukuumadii  madaxwayne daahir Riyaale kaahin in ay xoriytul qawlkii saxaafada madaxa banan ay ku tumanaso . hadaba waxa aan odhan karaa  intii uu xukumada daahir Riyaale hogaaminayay weli saxaafadu lamay kulmin mid lamid ah ka ay manta ku hayso saaxaafada xukuumada maxawyne siilanyo ee ah xadhiga dilka caga juglaynta,  hadaba waxa aynu wada ognay oon qofna manta daah kasaarnayn in ay saxaafadu tahay takeliya ee manta aduunka kala wada haday tahay mid dumineed iyo mid dhismeba hadii aynu damoono bariga dhex wixii ka dhacay  waynu ognay in ay saxaafadu  kow ka ahayd, waxa hadaba dhaqankeena ku cusub  oo  laba iyo labaatankii ee Somaliland jirtayba aan wadankeena  ka dhicin  in sifihii argagixisada ama dhaqankii al.shaab in rag xukuumada ka tirsani  intoy afkasoo duubteen  ay soo weerareen xarun kamida xarumaha saxaafada madaxa banan gaar ahaan  xarunta wargayska hubaal taasina Somaliland u may ahayn caado ee waa waxa cusub  oo xukuumada axmed siilanyo  la kowsatay, hadaba waxa laga yaaba in ay sedex boqol oo  cajelodod ay kor u dhaafayaan  hadaldii uu madawayne daahir Riyaalekaahin  ku  eedayn jiray  ee uu lahaa Axmed siilanyo saxaafadii  ayuu cabudhinayaa oo ku tacadiyaya ina Riyaale iyad oo aynu arkayno waxa ku dhacaya saxaafada manta,  hadaba waxa aan leeyahay  ma waxay  doonayaan in la dhagasiiyo cajeledihii laga duubay xukumada xiligii ololaha,(waxa  lagu ducaystaa ilaahayow afka yaga iyo dhegahayagu yaanay ismaqli waayin)

 

  • Waxa aan u soo jeedinayaa xukumada hidii aanay iyadu falkan qayb  ka ahayn  waa inay cadaalada si dhakhso  ah  u hor keentaa cida ku lugta leh falka argagixiso  ee loo gystay wargayska Hubaal

Qalinkii: By: Khadar Jirde Axmed