Hadhwanaagnews ma shabakad wareed baa mise Guddaafad xashiish

Saxafigu iyo saxaafadu waxay leeyihiin Ethics ay raacaan,isla mar ahaantaana ka ilaaliya deel qaafka iyo meel ka dhaca.
Markay arintu sidaas tahay maxaa ku kelifay in wariyayaasha qaar ay isla kacaan oo ay miyir doorsoomaan marka wax laga sheego Siilaanyo iyo xukuumadiisa.
Maqaalka uu qoray wariye muniirka hadhwanaag waxay ceebaynaysaa isla mar ahaantaana ay meel ka dhac ku tahay mihnadda saxafanimo ee uu sheeganayo, waxaa taas ka sii daran maamulka hadhwanaag ee soo galiyey maqaalkaas ay ka muuqato badawnimadu iyo dacafnimadu.
Wariye Muniir oo ay engiriiska soo galisay gabadh islaameed oo ku soo qaxaysay xaas, iyadoo qofkaas dumari ka soo qaxaysay hudheelkii Dahab shiil ee uu ka shaqayn jiray muddo laga joogo 3 sanno, ayaa u muuqda nin  dawakhsan oo stress badani haysto, isla mar ahaantaana cuqdad u qaaday dad gaar ah sida beesha uu ka soo jeedo Siciid Sulub, horana maqaalo noocan oo kale ah uga soo qoray Ambassodor Cawil.
Ku dheeraan maayo faalada wariye muniir laakiin waxaa iska cad in ay la qabto hadhwanaag maadaama oo fikirkiisii ay ku soo qoreen dhinacii wararka, waxaanse ku soo koobayaa in hantaataciisa ayna waxbaa yeelayni hogaamiyayaasha UDUB, taariikh been ahna aan la rumaysanayn. Siciid Sulubna la yaqaano inuu yahay nin ka sharaf badan xagxagashada waiye muniir iyo noociisa oo kale.
Mukhtar Ducale