“Haddii Uu Goluhu Diido Heshiiska DP World, Wax Dambe Oo Aanu La Saxeexanaynaa Ma Jirto” Wasiirka Madaxtooyada

Hargeysa  (SL.Post)  Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in Xukuumadd ahaan Golaha Wakiillada ka dalbanayaan inay ansixiyaan heshiiska isticmaalka Dekeda Berbera ee ay la soo galeen shirkada DP World.

 

 

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo mudanayaasha Golaha Wakiillada u jeediyay khudbad uu ku faah-faahinayay heshiiska ay Xukuumaddu la gashay shirkada DP World.

 

 

 

“Golaha Waxaanu ka codsanaynaa inuu anisixiyo heshiiska oo ay nagu taageeraan, haddii uu Goluhu  diido heshiiska DP World sabab aanu u sii wadnaa  looma baahna. Sidaa darteed waxaanu u aragnaa inaanu Golaha horkeeno nuxurka heshiiska , waxaanu dhawraynay golahan haybadiisa,waayo waa gole sharci dajineed oo inaad anisixyaan oo nagu taageertaan ayaanu doonaynaa, xaqna waxaad u leedihiin inaad diidaan iyo inaad taageertaan.” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi.

 

 

 

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi  “Heshiiskani wuu ka duwan yahay Xeerarka golaha soo mara, Xeerarka golaha soo mara maalin walba waanu soo gudbinaa oo nidaam ayaynu leenahay oo goluhu wuxuu xaq u leeyahay inuu wax ka bedelo oo wax ku daro, wax ka saaro oo wax ka celiyo. Heshiiskani waa mid aynu la galnay shirkad ganacsi oo iyaduna faa’ido doonayso inaguna qaran ahaan aynu faa’ido doonayno, Golahana waxa u furan inuu nagu taageero heshiiskan, waayo golahani maaha ka gor-gortanka la galay DP World, anagaa gorgortanka la gelayna oo waa shaqadii Ummaddu noo dhiibatay.” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi

 

 

 

“Waxa idiin furan (Golaha Wakiillada) inaad diidaan, haddii la diido halkaasu ku hadhay oo wax dambe oo aanu la saxeexaynaa ma jirto Shirkada DP World oo iyagana sidaasaanu ugu sheegnay . Sidaa darteed sababtaasaanu nuxurka hordhaca ah ee heshiiskani ka kooban yahay idinku keenay.”

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo.

 

 

Somaliland post.Hargeysa