“Haddii Somaliland ka qayb-gasho Shirka London ee Kooxaha Somalia, waxa la gudboon shacabka Somaliland sidii ay u Badbaadin lahaayeen Qaranimadooda” – WARSAXAAFADEED, Ururka UK.SLC

“Habeenkii ay taariikhdu ahayd 29 Jan 2012, waxa Shir khadka Telefonka (Teleconference) yeeshay Guddidda fulinta ee Ururka UK. SLC. Shirkaas waxaa laga wada hadlay “ Shirka Kooxaha  Soomaaliya loogu qaban doono   23Feb.2012  dalka UK”

Dood dheer ka dib waxay  Guddida fulinta ee Ururka Uk.SLC, isku raaceen qodobadan hoos ku xusan:-

1.     Waxaa caddaan ah in  Shirka  23 Feb London lagu qaban doono .aan wax dan ahi ugu jirin Somaliland,marka si dhab ah loo eego Ajandaha shirkaas(eeg lifaaqa hoose ),waxaa  cadaan ah in habka loo fadhiisan shirka,ay Somaliland dhexda ugu jiri doonto kooxaha Soomaaliya isku haya,Tusaalle “Kuraasta lagu fadhiisan doono waxaa Bixi ka xigi doona Somaliland Ururka  Ehlu suna wa jamaaca,midigtana waxaa ka xigi doona maamulka Galmudug”,runtii wax aad iyo aad loola yaabo.

2.     Waxaanu cod dheer ugu baaqaynaa   Golayaasha sharci deginta/Xisbiyada  iyo Xukuumada Somaliland in aanay la habsaamin mowqifka ay ka taagan yihiin Shirka kooxaha Soomaalida  loogu qaban doono London 23 Feb 2012.

3.     Waxaanu la socodsiinaynaa Golayaasha Somaliland  in dulqaadii ka sii dhamaanayo, guud ahaanba Shacabka reer Somaliland gudaha iyo dibadaba,la habsaamida mowqifka Golashaayasha Somaliland,waxaa ka dhalan ,dhib weyn,oo aan loo baahneyn xilligan,maareeynteeduna adkaan doonto.

4.     Waxaanu soo dhoweynayaa ,si buuxdana uga qayb galaynaa  qaban qaabada  BANAAN BAXA ay wadaan Qurba jooga reer Somaliland,kaas oo lagu diidan yahay ka soo qayb galka Somaliland ee Shirka  23 Feb London loogu qabanayo kooxaha Somaliland.

Ajandaha Shirka London :-

Security: sustainable funding for the African Union Mission in Somalia (AMISOM), and support for Somali security and justice sectors
Political Process: agreement to what should succeed the transitional institutions in Mogadishu in August 2012 and the establishment of a Joint Financial Management Board
Local Stability: a coordinated international package of support to Somalia’s regions
Counter-terrorism: renewed commitment to tackle collectively the terrorist threat emanating from Somalia
Piracy: breaking the piracy business model
Humanitarian: renewed commitment to tackling Somalia’s humanitarian crisis
International coordination: agreement on improved international handling of Somalia issues