“Haddii Qaranku Garto In Xilka La Iga Qaado Waa La Iga Qaadi Karaa, Laakiin…”

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan , ayaa jawaab ka bixiyay eedo uu u jeediyay Wasiirkii hore ee Maaliyada Xuseen Cali Ducaale (Cawil), kaas oo sheegay in Guddoomiyaha Guurtidu uu u dhaqmayo sidii qof tartan kula jira madaxweynaha.Saleebaan

Guddoomiyaha Guurtiddu waxa uu  sheegay inuu  Madaxweyne Siilaanyo ku ixtiraamayo hoggaaminta dalka, waxaanu tilmaamay in Guurti ahaan ay ku dhaqmaan raadadkii  uu uga tagay Guddoomiyihii hore  ee aqalka odayaasha Marxuum-Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sh. Madar.

“Waxay ila tahay haddii qaranku uu garto in xilka la iga qaado dee waa la iga qaadi karaa, laakiin Nin meelahaa ka hadlay dhagaysan maayo,  una jawaabi maayo, tallaabadii Sheekh Yuusuf Sheekh Ibraahim Sheekh Madar ka tegay  ee Guurtidu lahayd waanu wadnaa. Waanan ku taaganahay Waddadii,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Guurtidda oo shalay u waramay Telefishanka STAR.

Guddoomiyaha Guurtida oo la weydiiyay in eedaha uu Cawil Cali Ducaale  u jeediyay ay ka mid ahaayeen in uu ku hawlan yahay aasaaska xisbi siyaasadeed islamarkaana loolan ka dhexeeyo Madaweynaha, waxa uu ku jawaabay “Waar xisbina ma furan, da’deediina ma joogo,  Axmed Siilaanyo waa Madaxweynihii qaranka waanan ku xurmaynayaa, isaguna inuu ku xurmeeyo weeyaan.”

Somalilandpost.net