“Haddii Mashruucan Maalgashi Sidii General Energy Eex Iyo Qaraabo Loo Bixiyo…” Cali-guray

Hargeysa (SL.Post) Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee  xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed  Yuusuf (Cali Guray),   ayaa ka hadlay go,aankii ay golaha wakiiladu ku ansixiyeen heshiiska dekeda Berbera ee ay xukuumadu u gudbisay.

 

 

 

 

Cali Guray a  ayaa ku baaqay in mashruucan maal gashi ee dekeda Berbera laga ilaaliyo musuq maasuqa, eexda iyo cadaalada darada kuwaas oo uu tilmaamay inay saamayn taban ku yeelan doonaan, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waa arin aad u wanaagsan in Golaha Wakiilladu ogolaado in heshiis lala gali karo shirkada DP World, runtiina wax aan ku raaco golahaas dhawryo tobanka sanadood joogaa waa mashruucaan maalgashiga dekeda ee ay ogolaadeen, waana markii ugu horaysay 25-ka sanadood ee aynu jirnay ay dekeda Berberi hesho maalgashi caalami ah, sababta oo ah waxaynu nahay dal yar oo aan la aqoonsanayn oo marka xeerarka caalamiga ah la eego aanay shirkado badan aaminayn, shirkadihii maraykanka ahaa ee halkan baatroolka ka qodayey ee maal gashaday ayaan dib inoo soo eegin.”

 

 

 

 

Sidoo kale Cali Guray oo ka hadlaya heshiiskan ayaa soo jeediyey arimo uu sheegay inay muhiim tahay in laga  ilaaliyo mashruucan waxaanu yidhi  “Haddii mashruucan maalgashi laga midho dhaliyo oo aan sidii mashruuci General Egergy  aan musuq-maasuq, eex, qaraabo kiil iyo   si aan cadaalad ahayn loo bixiyo qandaraasyada oo aanay wixii hore  inagu soo noqon  oo mashruucan la ilaaliyo, wuxuu noqon doonaa mashruuc aad u wanaagsan waanan ku faraxsanahay.”

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa