“Haddii La Doonayo Jiritaanka Jaamacadda Tallaabo Ha Laga Qaado Ninka Dhibaatada Ku Ah Ee CADAAD” Guddoomiye Gaas

Hargeysa, (SLpost)- Guddomiyaha Jaamacadda Hargeysa Prof.  Cabdi Xuseen Gaas,ayaa  iska difaacay eedo loo jeediyay kuna tilmaamay qaar aanay waxba ka jirin  iyo gef shaqsi ah oo laga galay.Guddoomiyaha Jaamacadda

Waxaa kale oo uu ka hadlay sababta dhibaatada Jaamacaddu u soo noq-noqotay oo uu ku eedeeyay in uu masuul ka yahay  Madaxa Kulliyadda Sayniska ee Jaamacadda Hargeysa Prof. Axmed Maxamed CadaadIyo Madaxa Kulliyadda Ganacsiga Prof.  Kayse Cali Geeddi.

Guddoomiye Gaas  waxa uu intaa ku daray in labadaa Hormuud ay Jaamacadda ku yihiin caqabad aanay ka shaqayn karayn.waxaanu ku dooday  in eedaymaha loo jeediyay ee Musuq maasuq  dhammaantood lagu waayay isla markaana uu yahay masuulka kaliya ee xil  haya ee shirkado caalami ahi ay baadhitaano ku sameeyeen  oo waliba kala duwan kuwaas oo caddeeyay in aanu samayn wax musuq maasuq ah. Waxaanu sidaasi ku sheegay waraysi uu shalay khadka Telefoonka ku siiyay wargeyska DAWAN.

Ugu horrayn Guddoomiye Gaas oo aanu waydiinay waxa uu ka leeyahay eedaha musuq maasuq ee loo jeediyay,ayaa ku jawaabay “Horta eedayntaa Musuq maasuqu waa mid aanay waxba ka jirin horena  waa loo caddeeyay marar kala duwanna baadhitaano caalamiya ayaa la igu sameeyay oo waxaan ahay haddii aanan khaldanayn  masuulka kaliya ee shirkado caalami ah oo khuburro ku ah hababka wax loo baadhaa ay baadhitaan ku sameeyeen oo kala ah mid Ingiriiska degan iyo mid Kenya Degan,waxaanay markaa igu eedeeyeen in aan ku kacay hab  qabiil oo aan shaqaalaha ku qoranay taasina waxay meesha ka baxday markii kombaniga Kenyaanka ah oo ay ku jiraan dad Soomaali ahi uu yimi ee ay baadhitaan rasmi ah ku sameeyeen qaabka aanu u qaadano shaqaalaha Jaamacadda waxaanay ka bilaabeen baadhitaankooda sida aanu dadka ku qaadano iyo in aanu naadino oo markaanu naadino cidda u soo tartanta  hadana  aqoon iyo khibrad lagu kala saaro oo ay sifo sharci ah oo waafaqsan habka shaqaalaynta ku soo baxaan cidda aanu qaadanaynaa taasina waxay gabi ahaanba ka saartay  meesha wixii ay sheegayeen ee ahaa in aan qabiil cid ku qortay waana la waayay qof kaliya oo aan iskay u shaqaaleeyay oo suuq madaw ah.
Anigu qabyaalad  ma aqaano dalka Maraykankana waxaan uga imi in aan dalkayga iyo dadkayga u shaqeeyo laakiin dhibaato iyo mushkulad qof wada  marka la is yidhaahdo tallaabada ku habboon ha laga qaado qabiil hoosta kala soo  baxaya oo waji reereed arinta u rogaya ayaa jirta.”

 

Guddoomiyaha oo aanu waydiinay sababta ay u soo noqnoqotay dhibaatada Jaamacadda Hargeysa iyo waxa xal looga  gaadhi kari waayay,waxaanu yidhi “Rabshadda Jaamacadda waxaa wada oo masuul  ka ah ninka  Cadaad la yidhaahdo oo ah nin dhibaato badan oo Jaamacadda caqabad ku ah.  ninka la yidhaahdo Cadaad oo illaa xiligii Cigaal mushkiladdaa waday oo illaa berigaa Cigaal ku yidhi la ima eryi karo laakiin aakhirkii markii dawladdii Cigaal dhibaatadiisa ay aragtay la eryay, anigu  markii aan imi Maraykan ayaan ka imi oo aan shan iyo soddon sannadood   joogay  anigoo bil jooga ayaan imtixaan ku imi oo  la iga dhex doortay dadkii u tartamay qabiilna la iguma keenin reerna ima keenin aqoontayda ayaa I keentay oo la igu qaatay nin qabiil yaqaanana ma ihi, markii aan bil joogay ninkaa Cadaad la yidhaahdaa weerar ayuu igu qaaday oo dacwad ayuu Madaxweynaha iiga gudbiyay uu leeyahay ninkan waalan eed Maraykan ka  keentay Jaamacaddii isbedel ayuu ku samaynayaa is bedelkaasina ma soconayo haddii aanaan ku raacin annagoo Macalimiintii ah.  Halkaa markay arrintu maraysay waxaa ka fadhiistay  Hoggaanka Jaamacadda waxaanay ku yidheehdeen   meesha annaga ayaa ka masuul ah ninkanna annagaa shaqada u diranay hawl ayaanu wadaa ee la shaqee, markaa halkaas ayuu dagaalka igaga bilaabay waana ninkii raggii iga horreeyay ee iga aqoonta badnaa ee  ay ka midka ahaayeen Dr. Bulxan meesha ka saaray ee qabiilka ugu dhuuntay.

Markaa ninkaas ayaa Jaamacadda jiritaankeeda caqabad ku ah sii joogistiisuna waxay Jaamacadda iyo qarankaba ku tahay mushkilad sababta oo ah boodhka Jaamacadda ayaa markii hawshiisu nagu badatay ka  fadhiistay  waxaanay eegeen wixii uu igu soo  eedeeyay iyo baadhitaanadii labada shirkadood  ee  caalamiga ahi ay ka soo saareen natiijada baadhitaankii la igu sameeyay oo ka dhashay hab qabiilkii uu igu eedeeyay iyo lacag uu sheegay in aan musuq maasuqay markaa ka dib ayaan anigu  idhi ma shaqaynayo illaa wax la igu caddeeyo taana labadaa shirkadood ayaa caddeeyay kadibna waxay guddigu yidhaahdeen kulan ayaynu isugu imanaynaa, waxaanan ku kulanay  Ambassador Hutel oo la nagu dhegaystay natiijadii baadhitaankana lagu soo bandhigay markii sidaa wax walba loo  caddeeyay haddana halkii kumuu joogin ee waxaa uu sameeyay kicin iyo abaabul dambe oo uu ka dhex bilaabay Jaamacadda gudaheeda. waxaana dhacday 17 June in jaamacadda oo shaqadii ka socoto oo wefti caddaan ahi nala joogo in arday uu soo abaabulay ay bilaabeen dagaal iyo weerar ay ku soo qaadeen Maamulka iyo Macalimiinta waxaa dhaawacyo kala duwan la soo gaadhsiiyay Mahdi Cismaan Buuri oo ka mid ah Guddiga Jaamacadda,  waxaa waxyeelo la gaadhsiiyay Wasiir Xuseen Axmed Caydiid iyo dad kale oo aad u badan.”

“Arrintaa markii aanu booliska u gudbinay ciddii geysatay  oo aanu illaa 9 arday aanu magacyadoodii iyo sawiradoodiiba u gudbinay illaa xeer ilaalinta laakiin qoladaa hore cidina wax tallaabo ah kamay qaadin,maalintaa rabshada dhacday waxay ceeb ku ahayd qaranka oo dhan oo waxaa Jaamacadda ku sugnaa oo nala joogay Wefti Caddaan ah oo markii labadii Askari ee Jaamacadda Joogay ay rasaas rideen  taasoo waddanka ka bixinaysa sawir  khaldan oo ammaan darro ah. Waxaana cidda sababtay ee masuulka  ka ihi waa ninka la yidhaahdo Cadaad iyo Kayse Cali Geedi oo meesha (Jaamacadda) markii dhibaatadooda xad dhaafka ah la arkay laga eryay oo la yidhi ma tegi kartaan aniga iyo Cabdisalaan Yaasiin-na nalagu yidhi is casilaadiina la idinkama aqbalayo ee shaqada sii wada,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa.

Waxaanu intaa ku daray isagoo hadalkiisa sii watay  “Markii la yidhi afar bilood Jaamacadda ma tegi kartaan  Guddoomiyaha iyo ku xigeenkuna hawsha way sii wadayaan, marka aad dhamaysataan afarta biloodna guddiga u kaalaya ayay  halkii kumay joogin ee Jaamacadda iska yimaadeen oo ay ka dhex bilaabeen woxoodii iyo kicintii ardayda oo ay kooxo abaabuleen aniguna  waxaan  ku idhi dee amarkii la idinkaga joojiyay ayuun baanu haysanaa ee haddii  amar dambe soo baxayna waraaq  ii keena haddii kalena ka baxa Jaamacadda waanay diideen in ay u hoggaan samaan amarkii laga soo saaray ee afarta bilood lagu gaanaxay.”

 

Waxaa  kale oo uu ka hadlay Guddoomiye Gaas rabshadii ugu dambaysay ee Jaamacadda ka dhacday,tirada dadka loo qabtay,cidda ay ku eedaynayaan masuuliyadda falkaa iyo sababta Jaamacadda ay u xidheen.

“Maalintan ugu dambaysay waxaa dhacday dhibaato ka mid ah kuwii uu ninkaa Cadaad la yidhaahdaa Jaamacadda ku hayay waxaanu abaabul ku kiciyay  qaar ardayda ka mid ah oo falalkii gaadiidka lagu jajabiyay ee Jaamacadda lagu bur buriyay ku kacay waxaanay boolisku qabteen oo ay hayaan illaa  19 qof kuwaas oo qaarkood sheegay in uu jiray qorshe abaabulan oo sabab u ahaa dhibaatada dhacday.

Markii  aanu  aragnay  halista ammaan ee Jaamacadda ka taagan oo ay dhigtaan lix kun  oo arday isla markaana ay ka hawl galaan 300 oo shaqaale ah,  xilkuna annaga na saaran yahay waxaa khasab noqotay in Jaamacadda aanu xidhno inta arrinteeda meel la saarayo ee ammaankeedu sugmayo,  imika imtixaankii waa la boobay oo waxna  waa la googooyay waxna suuqa ayuu galay.berrito(maanta ayay boodhka Jaamacaddu kulan isugu imanayaan oo ay arrinta ka shirayaan. Markaa waxaan ka war sugaynaa go’aanka ka soo baxa guddiga sare ee Jaamacadda.”

Source: DAWAN