Haddii ay Somaliland Kula Dhuuqi Karto Sierra Leone Furaha Internetka (Internet Domain), Sidoo Kalena Ha Kula Dhuuqdo Furaha Taleefanka (Country Code) Iyo Heesta Qaranka (National Anthem)

 

Wixii aad mashaqaaba wixii kale ka daran oo waxaad is odhanyasaa ma adigaa waalan mise Caddan baa laga heesayaa? Waa meel soke Caddaniye waxaad is odhanaysaa malaha Antarctica iyo qaaradda baraflayda ah ayaa laga heesayaa. Dr. Cabdi Weli Suufi Jibriil oo ah Wasiirka Boosaha, Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda oo saddexda magac ee wasaaradiisa la is daba dhigayba iska yihiin kuwo waraabe taaga oo aan midna wax gacan ah oo ay dawaladdi ku haysaa aanay jirin, sababta oo ah wax booso ah oo loo diro Adduunka ama inooga timaadaa ma jirto. Maamulihii shirkadda Daallo ee Colaad ayaaba horraantii 90kii sameeyay boos yar oo iska macquul ahayd oo inta loo sameeyay xafiis la keeno laguna ururiyo waraaqaha oo Hargaysa ku yaalay marka ay xaddi gaadhaanba la soo saari jiray diyaaraddii Daallo ka dibna Dubai inta la keeno halkaa lagaga soo dhajin jiray tikidhadda (Stamps) iyadoo loo kala diri jiray wadamadda ay ku kala socdaan sidaana ay igu soo gaadhi jireen anigoo Holland joogga iyadoo waraaqdaasi ka timi Hargaysa. Dhako ayay ahayd, ha iloobin waa mudo ku siman 30 sanno ku dhawaad ka hor. Ma is tidhi xilligaas ayay Somaliland hore u socotay oo ay maanta dhaantay?

Tikniyoolajiyad iyada haba soo qaadin oo Wasiirka ayaa la waydiin Tikniyoolajiyadda Somaliland farsamayso ama ay gacan ku hayso, wax ay gacanta xukuumadda Somaliland ku hayso oo Isgaadhsiin ah ma arag, cid sheegaysaana ma jirto haddii aanay u jeedin inta ay shirkaddaha gaarka loo leeyahay sida kuwa Telefoonnadu ay hayaan. Allay lehe saddex magac oo waraabe-taag ah iyo Wasiir waraabe-taag ah iga dheh.

Dr Cabdi Weli Sheekh Suufi waxaanu ku wada qadaynay miis bishii January 2017kii, waxaanu ka wada qayb qaadanay martiqaad naloo fidiyay isaga iyo labo nin oo kale. Ka dib waxaan la soo qaaday bal inuu ii fududeeyo inaan arko Muuse Biixi Cabdi waa uu ka meeraystay sida caadadda u ah kuwaa ka ag dhowdhow dhamaantood. Waxa ay ilaashadaan danta khaaska ee iyaga u gaarka ah waana halka ay reer Somaliland ka yidhaahdaan wuu iga dhacay. Wax uu meeraystaba waan kala hadhi waayay oo waxaan ku idhi waxaa ii muuqata bidhaantii aqoonsigan 30 ka sanno idinku noqday laf dhuun ku taagan ee aan idin tilmaamo ee ninka meesh danbaaba ii gee oo waxaad tidhaahdaa bal “ Ninkan warayso waxa uu tibix ka hayaa halka aqoonsigii lagu sheegay oo baadhid cilmi ayuu sameeyay oo arrinkaa ku saabsan.”

Meeraysigu waa sifo aan ku arakay isaga iyo kuwo kale oo aan hore ula kulmayba, Waxaan kala garan waayay in uu ka baqanayo sida carruurta iyo inuu ilaashanayo (Title) ka yare ee uu ugu xaadiro mushaharka kuna sito magac wasiir wax ma tare ah. Ka dib haddalkii markii uu gu’i waayay ee aan ku celceliyay kuna adkaystay bal inuu iskaaya tuso ninka madaxwayaha ah ayuu aakhirkii is yidhi la kaalay marmarsiiyo aad iska furfurto, kuye “Agaasimayaashii ayuu magacaabayaa oo uu ku mashquulsan yahay kala hufidooda oo waa mashquul.” Xilligaasi waxa ay ku beegnayd bishii labaad (2018) intii uu Muuse Biixi Cabdi xilka la wareegay oo taasi ayuu gabood ka dhigtay inkastoo ay ahayd marmarsiiyo jaban oo aan qof caqli leh loo sheegi karin. Markaas waxaan ku go’aan qaatay mar haddii kuwii wax ka maqnaayeenba aanay u heelanayn in wax lala qabto oo dalka iyo dadka wax la taro, maxaa ku lulaaya Laangadhe ayaa aan hoos isula faqay oo aan ku soo gaabsaday, kuna idhi Wasiir cidhib barako leh ku dhufo hawshaasi idinka ayaa kitaabo ugu dhaartay oo ay dushiina tahaye.

Saddex sanno oo kaamil ah ka dib waxaa soo muuqday Cabdi Weli Suufi Jibriil iyo waraaq uu bishii hore ee January 2021 u qoray Wasiirka Warfaafinta ee Sierra Leone oo uu kaga codsanayo bal inay Somaliland u ogolaato inay Sierra Leone la isticmaasho furraheedda Internetka (Internet Domain). Sierra Leone waxa ay dhacdaa Galbeedka Afrika xorriyaddeedana waxa ay qaadatay 1961, waa sanad ka dib tii Somaliland ee ay iska lumisay.

Haddaba Wasiirkaa waxma ogaha ah waxa aanu ogayn in aanay Sierr Leone noqonayn Somaliland oo xataa haddii ay u ogolaato aanay suurta gal ahayn oo Furraha Sierra Leone ee Internetku (internet Domain ) uu yahay qayb ka mida madaxbaanidda dalkaasi. Ha is waydiiyo wasiirku halka ay jaan iyo cidhib dhigtay madaxbanaaniddii uu qarankani qaatay 60 sano ka hor? Hana is waydiiyo oo kale 30 sanno oo kale waxa ay xukuumadda uu ka tirsan yahay iyo kuwii ka horeeyayba ugu guul daraysteen, waxa mar labaad loogu guulaysan waayay in aqoonsi caalamiya loo helo gobanimaddii ay SNM ku guulaysatay soo dhicinteedda oo ku beegnayd January 1991kii.

Wasiir haddii aad istustay inaad dalkaa yaree Sierra Leone furaha Internadkeedda (Internet Domain) la wadaagi karto kolkaa istus inaad kula dhuuqi karto furaha taleefankooda lagu soo galo ama (Country Code-ka) iyo waliba Heesta calankeedda ee (National Anthem-ka) iyo waliba Kuriga ay UN ku leedahay ilayn waadigaa kaagii lumiyay 60 sanno ka hor 30 sanno ka dibna ku guulaysan waayay inaad Adduunka ku qanciso inaad mar labaad noqotay dal Madaxbanaane Intaa aan soo taxayba waxa ay qayb ka yihiin astaanta iyo qaranimadda dalka Sierra Leone inay kaa marti galiso qaranimadeedda waa wax aan caqliga alayn.

Su’aalsha idin hortaala adiga iyo madaxweynaha iyo inta hogaanka u ah dadka reer somaliland waa in aad meel ku sheegtaan madax banaanida Somaliland iyo sidii dalkan aan waxba loogu soo dawari lahayn ee waxa ay garta ugu leeyiihiin adduun waynaha loogu soo dhicin lahaa? Ma aha in amaano loo raadiyo. Waa na isla su’aalshii aan ku idhi jawaabteeda aan talo idinka siiyo, si loo suggo madaxbanaani qarankani dib u helo 60 sanno ka dib tii uu lumiyay,

Gollaha wasiiradda xukuumadda aad ka tirsan tahay Madaxwayaheedda iyo madaxwayne ku xiggeenka kolna table tennis, turub iyo dubnad kula ciyaaraya ilaaliyaashiisa, waydii halka uu ka bidhaamayo aqoonsi buuxa oo caalamka ay Somaliland ka hesho kuna yeelato fure Internet (Internet Domain), fure telefoon. Haddase waxaad tahay qayb Somaliya ka tirsan, suurta galna kuuma’aha inaad isticmaasho astaan qaran oo dal kale leeyahay ha noqdo Sierra Leone ama qaran kale oo Caalamka ka mid ah. Fahanna u yeelo siyaasadda iyo sida ay u shaqayso, haddii kale waxaagu waa iga gee iyo ruwaayaddii Radiyaha ee Canaad Nuur ama ruwaayaddii Aw-Bustaale oo Ismaaciil Cabdi ( Basbaas) ku matalayay Sheekh caalim ah isagoon Alif garanayn aakhirkiina ku danbeeyay dhamaadkii ruwaayadda in lagu oriyo oo hadal loogu soo gaabiyo “Beenaale Buufiye.” Waxa kaliya ee Somaliland u hadhayna waa inay tidhaahdo SL ayaa loo soo gaabiyaa Somaliland sidoo kale Sierra Leone ee Sierra Leone saaxiib iiga durug kursigaaga qaramada midoobay (UN-ta) aad ku leedahay aan kugula fadhiistee kaygii aan kaa hor qaatay 1960kii meel aan kaga waramo ma garanayee taasi weeye Somaliland haddii aad rumaysanayso iyo haddii kaleba Dhulkeena Nimcaa Fadhidoow.

Qore: Cabdi Muxumed
cabdimuhumed60@gmail.com