“Haddaanay jirin cid u badheedha oo carqaladaysa, anigu waxaan aaminsanahay doorashadu way qabsoomaysa” Md Cabdiraxmaan Cirro.

LONDON (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay inuu kalsooni ka qabo inay wakhtigii loogu talo-galay ku qabsoomayaan doorashooyinka la qorsheeyey inay dalka ka dhacaan sannadka soo socdo dabayaaqadiisa.

Guddoomiye cirroGuddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay inay  Xisbi mucaarad ahaan ku qanacsan yihiin qaabka loo wado diyaar-garowga qabsoomidda doorashada balse waxa uu shuruud uga dhigay haddii aanay xukuumaddu ku kicin muddo-korodhsi ay u badheedho inay ku siyaadsato muddo-xileedkeeda.

Md Cabdiraxmaan Cirro waxa kale oo uu ka hadlay aragtidii la xidhiidha go’aankii golaha deegaanka magaalada Sheffield ku taageen qadiyadda gooni-isu-taagga Somaliland, isaga oo dhinaca ka hadlay sababtii uu uga qayb-gali waayey kulankaas maadama uu ku sugan yahay dalka Ingiriiska oo uu booqasho ku joogo wakhtigan.

Md Cabdiraxmaan Cirro oo waraysi dhinacyo badan ka hadlaya oo uu siiyey telefishanka SOMSAT oo xaruntiisu tahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxa uu ka hadlay faa’iidada Aqoonsiga Golaha deegaanka Sheffield u leeyahay qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland, waxaanu sheegay inay Xisbi ahaan door-baaxad leh ka geysteen tallaabadaas.

“Waxa mudnaanta kowaad leh inay Somaliland noqoto dal la aqoonsan yahay oo caalamka ka mid noqda. Markaa arrin kasta oo badhi-taaraysa gooni-isu-taagga Somaliland, xisbigu wuu taageersan yahay, waanu ka hawl-galay. Markaa Golaha deegaanka magaalada Sheffield iyo dadkii ka shaqeeyeyba, waxaan isleeyahay ciddii doontaaba ha sheegatee, arrin Somaliland ah bay ahayd, waxaanan rumanaysanahay in masuuliyiinta iyo taageerayaasha Xisbiga Waddani ee magaalada Sheffield ay qaybta ugu muhiimsan arrintaa ku lahaayeen,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sida ay aragti ahaan ula muuqato go’aanka ka soo baxay Golaha deegaanka Sheffield.

Guddoomiyaha oo fasirayay qaabka ay ahmiyad ahaan ula muuqato  tallaabadan, waxa uu yidhi, “Waa magaalo ka tirsan waddan dunida miisaan ku leh, laakiin warbaahinta inay gasho, in Somaliland arrinteeda laga hadlo, in ictiraafkeeda laga hadlo, in dadka kale ee aan Somaliland ahayn, gaar ahaan dadka Ingiriisku, ay ugu yaraan dareemaan waddanka Somaliland iyo Cid u hadlaysa, arrintaasina muhiimaddeeda ayay leedahay, laakiin dawladda Ingiriiska ayay ku xidhan tahay inay Somaliland ictiraafto iyo in kale.”

Waraysi Guddoomiye Cirro siiyey Telefishan ay daawadeyaashu si fool-ka-fool ah  u weydiinayeen su’aalo la xidhiidha Arrimaha siyaasadda dalka ee dhinacyada Golaha Wakiillada iyo xisbiga WADDANI, ayaa mid ka mid ah daawadayaashii barnaamijkaas ka qayb-galay khadka telefonka ku weydiiyey sababta uu uga qayb-gali waayey kulankii ay golaha Deegaanka magaalada Sheffield ku go’aamiyeen inay aqoonsadeen Somaliland. Guddoomiye Cirro oo su’aashaas ka jawaabayey, waxa uu yidhi, “Arrintaas Sheffield ka dhacday waa mid ay Somaliland leedahay, ciddii doontaaba ha sheegato, xisbiguna dadkii ka shaqeeyey wuu ka mid yahay, hawlaha qaranka hawl ka mid ah uunbaan ku maqnaa maalintaas, weftiga intii kale ee ila socotayna way ka qayb-galeen, aniguna hawlo kale oo Somaliland leedahay ayuun baan ku maqnaa, laakiin guud ahaan arrintii halkaas ka soo baxday waanu taageersannahay, waxaananu jecelnahay xisbi ahaan inaanu horseed ka noqonno qadiyadda gooni-isu-taagga Somaliland.”

Dhinca kale, Md Cabdiraxmaan Cirro waxa uu ka hadlay kalsoonida ay xisbi mucaarad ahaan ku qabaan qabsoomidda doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan, waxaanu yidhi, “Wakhti laga wer-wero doorashadii inay dib u dhacdo ma joogno oo sannad iyo dheeraad ayaa ka hadhsan. Doorashadii u dambeysay ee dalka lagu qabtana diiwaangelin la’aan baa lagu qabtay oo mad-madow badan baa ka soo baxay. Markaa waxa sharcigu tilmaamayaa in diiwaangelin la sameeyo doorashada ka hor, lana dhammaystiro lix bilood gudahood, markaa guud ahaan arrintaas waa laga shaqeeyey, diiwaangelinta cod-bixiyeyaashana waxaanu rejaynaynaa inay bilaabato bisha Sagaalaad oo ay dhammaato bisha laba iyo tobnaad ka hor ee sannadkan.”

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Waddani, waxa uu tilmaamay inay doorashooyinku wakhtigooda dib uga dhici karaan haddii xukuumadda talada dalka haysaa ka badheedho muddo-kordhin baajisa doorashooyinka. “Haddaanay jirin cid u badheedha oo carqaladaysa, anigu waxaan aaminsanahay doorashadu way qabsoomaysa,” ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Cirro.

SOMALILANDPOST.NET