Haddaan Qarankani Quluubta Midayn waxaynu Raadinaaba waa Qadaf – W/Q: Suleymaan Cabdisitaar

suleiman
suleiman
suleiman

Waxaan qalinka maanta u qaatay qormadan koobana igu qaaday inaan bulshada u qadimaa, Tan iyo intii aynu doorashadii Golayaasha deegaanka ka soo baxnayba waxa bulshadeena iyo guud ahaaan shacabka kala duwan ee goboladeena ka soo baxayey Tabashooyin la xidhiidha sidii loo maamulay doorashooyinkaas, iyadoo eedaymo gaara loo jeedinayay komishanka, xukuumada iyo xisbiyada dhexdoodaba.

Tabashooyinkaas bulshada qaybeheeda ka sokow waxa jira Khilaafaadyo aan asturmin oo xukuumada talada haysa ka soo baxaya iyadoo arinta damqashada lihi ay tahay khilaafka ooda jebiyey ee Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa soo kala dhex galay todobaadkii horena sababi gaadhay shaqo ka tegis madaxweyne kuxigeenku ku sigtay inuu is casilo intuu saxaafada la hadlo, halka dhanka kalena laga soo werinayay inay madaxda xukuumadu lakala safatay labada garab ee is hayay.

Isweydiintu waxay tahay inakoo gudeheena is cunayna, shacabkeenu qamuunyooyin iyo arimo hoose laabahooda ka gurxamayaan, Madaxdii ugu saraysay ee qarankanina iyagu isu muuqda oo ficiltan iyo hebelo faquuqidi ay tahay shaqada ugu weyn ee xafiisyadooda ay ku hayaan sideebaynu u gaadhi karnaa Ujeedada guud ee aynu leenahay amaba sideebaynu uga midho dhalin karnaa qadiyada jiritaanka qarankeena?

Waxaad ogtihiin intiina aragtida furan  cadawga Somalilandna si gaara ula socda  in laynagula jiro dagaal cad oo qaawan, aduunkiina la dhigay qorshe guud ahaan qaranimadeena lagu waxyeelaynayo, gudaha dalkeenana lagag kicinayo canaasiir iyo qorshayaal aduunku dabada ka riixayo oo la rabo inta la khalkhaliyo nabadgelyadeena ka dib gacmoshisheeye soo farageliyaan gudeheena iyo maamulkeena ka dibna si dhib yar looga fushado qorshe kasta oo la rabo oo xataa ay kujirto burburinta qadiyada gooni isutaageena.

Hadaba  guud ahaan shacabka reer Somaliland, isimada nabada, culimada, siyaasiyiinta, Xisbiyada, Golayaasha qaranka iyo Xukuumada waxaan u soo jeedin lahaa in quluubteena aynu midayno si qorshayaasheena qarameed iyo qadiyadeena gooni isu taagana uga midho dhalino, si aynu u hello nolol ka wanaagsan tan, oo ugu hoos noolaano qaran is ilaaliya bilaa musuqmaasuq ah cadaaladana inagu haga waa in aynu ku fooganaano wax wadaqabsi iyo wadashaqayn dhaba oo inaga dhaxaysa guud ahaanteen.

Xukuumada Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed M.Maxamud (Siilaanyo)na waxaan u soo jeedinayaa in aan maanta loo baahnayn in iyagu is ilaashadaan, iska dabashaqeeyaan oo xafiisyadooda ku xafiiltamaan ee looga baahan yahay inay bulshada u hagaan nolol taama iyo horumar isla markaana bulshada u cadaalad sameeyaan kana fogeeyaan xafiisyadooda Musuq maasuqa iyo xatooyada xoolaha umada.

Intaan qormadayda qalad galay shaydaanbaa leh, mana aha midaan u qasdiyey  Intaan saxayna Eeebaa I waafajiyey kuna Mahadsan

 

Agronomist Suleymaan Cabdisitaar Dubad

Hargeysa  Jamhuuriyada  Somaliland

cabdisitaar@hotmail.com

00252-2-4430873/9430873