HADDAAD GARATID II SHEEG, w/q Cabdillaahi Cabdi (Cadde)

(SLPOST)Tuugii Noo soo dhacay mid ka nacasaysnaa) Waa Abbaara 2.30 habenimo, waa gudcur magan-gooyo, dhaxanta dhacaysa ma malayn kartid…………..Bal amarka Ilaahay habeenkaas hore uma seexan oo dhagtaa iska kay taagnayd….

Cade

Mar Allaala markii uu sidaas ugu soo dhacay guriga ee aan yara maqlayo sanqadha baxaysa, ayaa waxa aan ku so baraarugay codka dhawaaaqa dheer ee Mobilka (Nooca Chinese ka loo yaqaan) ee samadaas ka dayaamaya…Yaab….waar tolow maxa sanqadhay anoo hoos isu waydiinaya?? ayaa In yar ka dib oo aan wali hurdada sii macansanayo waxaan ku war helay codka ninka hadlaya ee leh waar igu soo celi guri baan u dhacaye(waa tuugii e garo)………kkkk intaan Naxdin iyo qosol isku daray ayaan dibadda usoo baxay saa waaba tuugga laftiisii.

kkk,, Ilaahay jaahaaga ma nuuro wuxu isku darsaday Tuugnimo, doqonniimo iyo Indho-adayg.….waar bal kaaya tanoo kale wali ma aragteen, mabuu cararine daaradda ayaabu is-qotomiyay isagoo aad mooddo maxbuus dagaal. Nasiib wanaag waxanu guriga ku hurudnay afar nin oo wada gaashaan-qaada.

Waxba yaanan hadalka kugu daaline, tuuggi qabannay oo figaynay. Waxase iswaydiintu tahay maxa laga yeelayaa???.. lagu muran haddaba ciqaabtii la marin lahaa tuuggan.. mid yidhaahda: mar-marka daaradda ku figeeya dhaxantuba ha dishee, mid yidhaahda aynu birayno… ninba ra’yi keen…. Anuu waxan jeclaa habeenkaas in ninkan tuuggaa arwaaxda la dhaafiyo si bulshadu uga raysato ficilladiisa,.. balse may dhicin oo waxa ugu dambayntii ku majeertay siina daayey ninka noogu wayn oo ilaahay ku mannaystay naxariista iyo dulqaad….

Waa sheeko xariiro ka turjumaysa dhacdo ugub ah oo dhawaan ka dhacday deegaan ka mid ah Jamhuriyaddan Somaliland.

Akhriste garaadkaaga la kaasho iskuna day inaad fasirto sheekadaas.

FG: La soco toddobaadka dambe iyo fasiraadda sheekadan..

By: Abdillahi Abdi (Cade)