Hadalkii Digtoorku ma beer-laxowsi baa mise Filim buu Jilayay?

Bishii Febarwari ee sanadkii 2011 ayay ahayd xiligii Dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa ay la anfariireen  tiraab  ka ardnayd  milgaha masuuliyadda oo ka soo yeedhay  Wasiirkii hore ee  Daakhiliga Dr. Maxamed Cabdi Yuusuf (Gaboose), oo si yax-yaxleh uga hadlay dhacdo ugub ku ahayd dalka oo lagu gubay labaataneeyo guri oo ku yaalay degmadda Gacan-libaax ee caasimadda Hargeysa  oo ay deganaayeen dad dan-yar ahi.

 Wasiirku xiligaasi  wuxuu warbaahinta ka sheegay in wixii  gubtay ay ahayeen buulal, cooshaddo iyo sandaqado  isla markaana ay is gubeen dadka khasaarahaasi soo gaadhay laftoodu.  Dr. Gaboose wuxuu ilowsanaa in dadka danyarta ahi ay degan yihiin sabooyinka noocaas ah oo ay aanay buulashoodu uga laalaadin  mandaraha iyo saraha dhaadheer ee dabaqadaha digtoorka iyo inta la mid ahi ay  leeyihiin.  Layaabse malaha oo rayul caamka bulshaddu waxay  dhawaaqaasi ku micneeyeen tixdii  dhaxal-galka ahayd  ee Gabaygii  Abwaan Cabdi Iidan Faarax  ku yidhi  Habartii docdeediyo dagalkay ku noolayd daruuruhu ku hooreen, dadba wada hel moodoo, daad wararac bay tidhi!. Dibigii xareediyo dooxaddu u buuxdee, dinaahiyeeyay ee ciyay, duul-duulka karantiyo, dayrtiyo jidhaamaha, dareenkiisu kama foga!”

Waliba dadka guryahoodu gubteen waxay ahaayeen gol-jilic iyo dan yar ka soo jeeda ardaaga uu codka doonayo ee uu u yagleeshay urur-siyaasadeedka UMADDA  ee uu ku dhawaaqay daba-yaaqadii kal-hore. Hadalkaas xanafta lahaa wuxuu Wasiirka   ku  kiciyay mucaaridad xoog leh oo axsaabta  iyo shacbigu kaga gil-gisheen  kalmadihii tudhaale la’aanta ahaa ee uu ku wareeray dhibaneyaashii  uu baroor diiqda u muujin lahaa.

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waxaanu talladda ku darsan in bisaylka ummadda reer Somaliland  gaadhay heerkii u sareeyay oo aanay sabankan waxba ka hoos qaadaynin shakhsiyaadka dareenkood la hadalka ah ee jibadda iyo baadidoonka kursigu madax-martay. Marka ay badhida kursiga saaraanna  kooraysta faraska kibirka.

Dr. Gaboose waxa uu shalay si mixnad leh uga hadlay hawl-galka jidad banaynta Caasimadda Hargeysa iyo xadhigii Sabtidii magaaladda Gabiley lagu xidhay 11 Xildhibaan oo lagu eedeeyay inay rabashado ka sameeyeen xafiisyadda iyo xarunta dawladda Hoose ee Gabiley.

Markii uu arrintaasi ka hadlayay waxaad moodaysay  inuu jilayay   filim ah sidii inuu ka damqaday boqolaalka qof ee dawladda Hoose iyo wasaaraddii daakhiliga ee uu ka tagay ay ka rareen  Ganacsatada bagaashlayda jidadka suuqa dhexe ee caasimadda Hargeysa.

Ka sii darne’e  Wuxuu digtoorku  isku dayay inuu iska dul qaado fool-xumadda  masuuliyadda waraaqdii uu kaga tagay xafiiska oo uu ku xanibay inay Golaha deegaanka Gabiley ay qabsadaan fadhiyo aan caadi ahayn oo ay maamuuska kaga xayuubinayaan Hoggaankooda. Wuxuu si xirfad iyo indho isku qabad ah sharaxaad korka xaadis ah uga bixiyay qoraalka uu ku mamnuucay fadhiyada aan caadi ahayn ee golaha deegaanka.

Rayul caamka bulshadda ee ka doodayay shirkii Jaraa’id ee Dr. Gaboose waxay ku fasireen  hadal aan daacad laga ahayn oo uu  raali-gelin dadban kaga bixinayo qadafkii uu ka galay danyarta horaantii sanadkii tagay oo quluubta shacbiga ugu dhigmay si aan tir-tirmayn.

Waxa kale oo jiray qaar kale oo ku doodayay in hadalka Digtoorku uu ahaa mid is muujin ah ee uu ku xod-xodanayo taageeradda bulshada waayo-araga u ah  inay shiilaaan hadalada beerlaxowsiga ah siyaasiyiinta isbed-bedelka badan.

Waxa dadka qaar xusayeen inuu ahaa Wasiirkii xiligii Marxuum-Cigaal nashqadeeyay  wareegtadii lagu aasaasay  Gudiyadii nabad-gelyadda goboladda ee  sharci darrada ahaa  ee laga qayliyay oo  dhawr iyo toban sano ka dib  Madaxweyne Axmed Siilaanyo digreetada ku tir-tiray laba maalmood ka dib markii uu xafiiska la wareegay 27-kii July 2010-kii.

si kastaba arrintu ha ahaatee wax hubaal ah haddii hadalka Digtoorku  daacad  yahay iyo haddii uu   ilmo yaxaas yahayba,  waxa shacbiga Somaliland ay  maalin aan fogayn ay midigta ka saari doonaan  halka ay ka taagan yihiin. Iyadoo doorashadii u horeysay ee Goleyaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay 15-kii December ee 2002-dii  uu ururkiisii SAHAN uu ku guul-daraystay inuu ka mid noqdo sadexdii urur ee u soo gudbay heer xisbinimo.

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com