HADAL-HAYNTA MAALMAHAN : La-ye waa subag Idaad, sanka waxay ka keeneen – W/Q: Boobe Y. Ducaale

Ilaahay ayaa mahadda leh. Abaal aan duugoobinna waxaanu u haynaa Golaha Guurtida, Odeyga Somaliland ee Xaaji Cabdikariim, Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Guurtida iyo ergadii dhexdhexaadinta togan ee loo aayay gashay. Go’aammo dhaxal-gal ah oo lagu qancay ayay keeneen. Dhinacna ma qadin. (win win).

GolahaDhallaan koraya ayuu ahaa. Galaangalgalkiisii iyo gacan-togaalayntiisii ayaa laga fadhiyi waayay. Maah-maaho ayaa ka dhashay. Waxay yidhaahdeen: “Maba dhalan ee dhowrtaysan ogaa.” Joogsan waa. Waantoobi waa. Waxay haddana yidhaahdeen: “Siddi siddidaada mooyiye, dhul-u-dhacaaga hubso.” Wixii waano lagu yidhi wax ku qaadan waa. “Dhegihii Ilaahay waaniyaa, waansan,” ayay hadalba ku jareen

Hore ayaa hadal uga taagnaa ragga sankooda oo caano-ri’yaad laga keeno. Hanjabaadda ayaa sidaas ahayd, sida laga weriyay muuqaal-arag baahiyayaasha. Fal iyo faalba waa la isku daray. Ciddiyo-ri’yaad iyo baal digaagba waa la isku ridqay. Abu-bidaarka la sadqeeyay ee sidii saloolka loo daadiyay hadalkiisa daa. Rag baa sidii diirta ridqay oo dabada ka tuuray. Mareegaha ayay ka buuxdaa. Qaran aayihii iyo arrinkii looma qaadan ee legdintii geel-jiraha ayaa dadka qaar ku soo maaxatay. Xagal iyo xuurto ayaa arrinka loo celiyay. Rag aan ducadoodu kicin oo aan abidkood kob caano leh ka soo durdurin ayaa loo qaatay weliyo sheellaa oo shirar aan shinkoodu go’in abaabulay. Sharaf-beel mooyiye, shalmad qurux leh laguma arag. Shaah iyo shadaab wixii ay maalmo shubanayeen, shaarubo kaga xiirma mooyiye, shaal iyo shax shax kama ay qaadin.

Halkii aynu caano-ri’yaad ka sugaynay, rag baa subag Idaad iyo sixin sankii ka keenay oo saaka oo dhan la sawiarayay. Dhankaana, dhan dheh.

Waa xilli xilligii. Iyaga se, xinka sokeeyaha iyo xistiga ayaa loo diray. Ma maqli jirteen: “Gardarrada sokeeyaha rag baa, gees Biciid u leh.” Waa waxan inagu habsaday ee aynaan u daban. Daaqsin-geel wax kama arkaan. Aragtidoodu waxay ku dabran tahay gondahooda iyo gur-gur qaanso. Wax adduunka ka dhacaya ma oga. Waxay ku hawlan yihiin sidee ayaad xukunka u sii haysan kartaan? Waxay ku hawlan yihiin sidii loo tir-tiri lahaa hay’adaha Qaranka ee dalka loogu maammuli lahaa wareegto Madaxweynuhu soo saaro. Waa ay degdegayaan, diihaalna way la sahayaan. Xagga dhaqaalaha iyo boobka lagu hayo hantida ummadda, waa kuwii uu Timacadde ku yidhi:

“Sida nimankan wada dhoofayeen, dhidib ka oollaynin,

  Ama aan u-dahalan bay arlada, uga dhammaysteen,”

Xataa Gumeysigii caddaa iyo Faqashtii nacabka ahayd ayaan sidan wax u diiran jirin, dhulkana u iibin jirin. Subxaan!

Waa sida ay jecel yihiin, waa se been. Ta Alle iyo ta ummadda ayay noqon doontaa, horena u ahaan jirtay.

Waa maalmo aawan. Waa maalmaheennii. Indhihii adduunka ayaa Xamar ka soo jeeda. Xaggeenna iyo xaaladaheenna ayay u soo jeedaan. Iskama ay keen jeclaan. Waayaha ayaa qaddaray. Kalgacal ma aha. Indhaha adduunku ina hayn maayaan oo xiise joogta ah la inoo qabi maayo. Wax la inaga filayo oo la inaga doonayo ayaa jira. Dantooda ma aha ee waa danteenna. Waa jiritaankeenna. Waa garsoorkeenna. Waa badhaadhaheenna iyo barwaaqadeenna.

Waxa danteenna ah oo la inooga fadhiyaa:

  1. In aynu isu diyaarinno doorashooyinka intooda badani muddo-dhaafka tahay: Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada,
  2. Doorashada Madaxweynaha ee sannadka iyo biluhu ka hadheen,
  3. Xeerarkii lagu geli lahaa waxa ka hadhsan,
  4. Diiwaan-gelintii cod-bixiyayaasha,
  5. Kharashkii doorashooyinka,
  6. Kicinta iyo toosinta xisbiga Kulmiye ee fadhiidka noqday,

Adduunyada indhaha inagu hayn meyso ee waa ay inaga sii jeedsanaysaa haddii:

  1. Aynu muddo-kordhin u iilanno,
  2. Diyaargarow togan la geli waayo,

Waa kaas dawga la inooga baahan yahay in aynu marno ama/iyo in aynu ka baydhnaba. Lacagta isku-dirkeenna ku baxaysa, meelahan aynu gelinno. Ajendayaal arrimahan wax ka tara aynu shirarkooda meel aan guriga Seylici ahayn ku qabsanno.

Cabdi Iidaan Faarax, ayaa laga hayay:

“Duqsi caano meel yaal,

Ku dabbaal-bartaa jiray,

Maalin buu dal-xiis tegay,

Disdi fuud ku jiro buu,

Dalaq yidhee ayaa dilay.”

 

Dhammaad, waa inoo Tirsiga 3aad haddii Eebbe idmo.