Habka loogu guulaysto dood siyaasadeed.

Hadii aad u taagan tahay masuuliyad ama xil ku sahabsan adeega bulshada waa lama huraan in suaalo lagaa waydiiyo kartida aad u leedahay shaqada ama in aad ka qayb gashid dodo ku sahabsan xilka, karitda iyo aqoonta qofka xilka u taagan shakhsi ahaan.

Doodu waa sida ay ku wada sheekaysan karaan qofka xilka u taagan (candidate) iyo qofka uu xilkaasi samyn ku yeelanayo oo codka laga doonayo (Voters).

Doodu hadii ay isu keento dadka u tartamaya hal meel ama ay doodu tahay hal qof oo waraysanaya qofka xilka doonaya, labada jeerba (voters ) codbixiyuhu waxa ay jaanis u helayaan in ay jawaabo u helaan suaalo ay u hayaan qofka xilka doonaya, ama in uu qofkaasi qanciyo codbixiyaha sida uu cod uga heli lahaa, oo loo arki karo qof karti, aqoon ama xirfad u leh xilka uu doonayo in uu igmado.

Hadaba in aad ku guulaysatid dood siyaasadeed waxa ugu muhiimsan diyaargarow aad diyaar u tahay suaalaha, oo aad dusha ka taqaanid arrimaha aad soo kordinaysid si cilmiyaysan oo micne u samaynaysa qofka ay samayn ku yeelanayso doorashadu.

Doodu marka ay dhamaato bulshadu ma xasuusan doonto sida aad suaalaha uga jawaabtay laakiin waxa ay xasuusan doonaan hadii aad suaal ka jawaabi kari waydid ama aad ku rafatid jawaabta.

Caalamaka marka uu qofku xil u taagan yahay arrin yaa ku kalifta, markaa qofka xilka doonaya arrimaha uu codka ku doonayo ayuu usoo bandhigaa dadka uu codka ka doonayo (manifesto).

Had iyo jeer waxa aad ku arkaysaa xibiyada somlida ama qofka xilka doonayaa in uu yiraahdo marka doorashada ay dhawr usbuuc ka hadheen ayaan soo bandhigaya hadii kale waa la iga qishaya.

Taasi waxa ay ku tusaysaa bulshada somalidu in ay iska xil jecel yiiin iyaga oo aan xirfad iyo aqoon u lahayn.

Mar marsiiyhaasi waxa uu ka hor istaagaya candidate ka in wax suaalo ah laga waydiiyo waxa uu u qabanaayo bulshada. Hadii ay ugu fiicnaadaan dhawr arrimood oo la dul maray ayay soo bandhigaan sida dadka shaqo ayaan u samaynayaa, laakiin xaqiiqdu waxa weeye (haddana ma

sheegi karo sida ay shaqooyinkaasi ku imaanayaan ama sidii lagu abuurayay, ama wax daraasaad ah ugama diyaarsana) Shaqa abuurku cirka kama soo dhacdo. Waa in bulshadala qancin karo loona sharaxo sidee baa shaqo lagu abuuraya, goorma ayaa lagu talo jiraa shaqo abuurku in ay bilaabanto, imisa qof ayaa shaqo loo balan qaadayaa, mushahar intee bay qaadanayaan.

Duub duub ahaan doodaha ama waci galinta bulshada isbedel doonka ah waa in loo sheego ama loosheegi karo sidii ay qaabkii isbadal faaido leh lagu keeni lahaa. Hadii caafimaadka laga hadalaayo waa in la faah faahin karo sida caafimaadka wax looga qabanaayo (step by step, dates, fact and figures) iyo sida uu isbedelkaasi horumar u keenayo 10 ama 20 ka sanadood ee soo socda, waa in la keeni karo factand figures not jargon.

Ahmed Mino.

london.