Hababka Fudud Ee Ay Kastamyadu Kula Dagaalamaan Koontarabaanka

 

Koontarabaanku waa alaab kaste oo si sharci daro ah wadan u soo gasha, alaabtaasi ama ha ahaato mid gabi ahaanba dalkaas ka mamnuuc ah ama ha ahaato alaab la xadidey soo galitaankeeda ama ha ahaato alaab cashuurta sharciga ah lagala baxsanayo. Intaa marka laga yimaad, koontarabaanku wuxu markaste culeeys ku yahay kastamyada, maadaama ay shaqadooda uu muhiimsan tahay in ay alaabta sharciga ah ee dalka soo galaaysa cashuraan, iyagoo mar kastena ku dedaalaya in ay fududeeyaan isu socodka alaabaha, hadana waxa ay la tacaalaan in ay la dagaalamaan alaabta sida sharci darada ah ku soo galaaysa wadanka, taasi oo laheeyn wakhti sugan oo ay soo gali karto iyo dariiqyo sugan oo ay soo raaci karto, maadaama ay tahay alaab lagu khamaarayo, khatar kastena loola badheedhayo.

Koontarabaanka badankiisa waxa ka shaqeeya silsilado dad ah oo xidhiidhsan, kuwaas oo u badheedha khatarta hawsha ay galayaan, adeegsadana wax kaste oo suurtagalinaya damacooga hadii ay tahay helida xog u fududeeysa hawlgaladooda iyo hadii ay tahay xoog ay adeegsadaan marka laga maarmi waayo. Dhinaca kale, badanka dadka koontarabaanka gudbiya waa dad garanaya korkana ka haya dhamaan deegaanka ay marinayaan alaabta wadooyinkiisa iyo meelaha lagu dhuuman karo. Mararka qaar lug bay isticmaalaan, mararkaa geel, fardo ama dameero ayeey isticmaalaan, mararka qaarna gawaadhi ayeey isticmaalaan, waxayna ku xidhantahay hadba xogta ay helaan iyo xaalada uu markaa deegaanka ay ka gudbayaan ku suganyahay.

Alaabta koontarabaanka ku timaadaa waa mid amaan ahaan iyo akhlaaq ahaanba diciifinaaysa dalka iyo dadka, mararka qaarna dhiig bax ku ah dhaqaalaha dalka. Hadaba si looga hortago, loolana dagaalamo koontarabaanka, dawladuhu waxa ay adeegsadaan laba dariiq midkood, dawladaha qaarna labada dariiqba way adeegsadaan.

  1. In xuduudaha dalka lagula dagaalamo: dawladaha qaar way ka hortagaan, oo alaabta sharci-darada ah inta aanay xadka ka soo gudbin ama magaalooyinka gaadhin bay la dagaalamaan. Habkan kharash faro-badan baa ku baxa. Sabatoo ah, wuxu u baahanyahay;
  • Hawlgallo joogto ah, oo aan saacad gaar ah iyo goob gaar ah ku xidhneeyn
  • Shaqaale fara badan oo ciidan iyo rayidba leh
  • Xog sirdoon oo gudaha iyo dibadaba ah.

Habka noocan ah, ka sokow in kharash badan ku baxo, dhibaatadiisa khasaarena way badantahay. Sababtoo ah, hawgalka badankiisu wuxu ka dhacayaa dhul furan, oo sahlaya in dagaal fool ka fool ahi dhaco, oo difaac iyo weerarba leh, kaasi oo hadhoow sababa dhibaato nafeed iyo mid hantiyeedba.

  1. In gudaha dalka lagula dagaalamo: Habkan labaad waxa weeyi, in la darso, xoogana la saaro goobaha lagu iibiyo shaayga koontarabaanka ah. Habkan badanka waxa loo adeegsadaa alaabaha dalka ka mamnuuca ah, wuuna ka dhibaato iyo kharash yaryahay habka hore, sidoo-kalena wuu ka waxtar badanyahay. Shaqada badankeedana waxa qabta unuga sirdoonka ee kastamyada. Unugan markaste wuxu ku dedaalaa in uu darso oo uu korka kala socda silsilada xidhiidhsan ee koontarabaanka, si uu si fudud silsildaa ugu kala furfuri karo. Mararka qaarna waxaba dhacda in unugaasi xubno ku yeesho silsiladaha khatarta badan, si ay mar kaste xog rasmi ah oo ay ku hawl-galaan u helaan.

Way jiraan wadamo labada dariiqba isticmaala, oo xuduudkana kula dagaalama, dalka gudihiisana kula dagaalama, in kaste oo ay marba mid xooga saaraan. Wadamadaas waxa ka mid ah Maraaykanka. Sidoo-kale, way jiraan wadamo hal dariiq uun isticmaala. Sida Australia iyo Ethiopia. Australia koontarabaanka waxa ay kula dagaalantaa goobaha lagu iibiyo, xalka Ethiopiayada jaarkeena ahina kaliya ay xuduudaha uun kula dagaalanto koontarabaanka. (Tusaale kooban; koontarabaanka Soomalidu Ethiopia u dirto, hadii uu xuduudka u dhaafo, suuqa Ethiopia way ku iibin karaan)

Hadaba maadaama dawladda Somaliland mamnuucday Jaadka mudo 25 cisho ah, go’aankaasi maalinkii uu hirgali lahaaba waxa biloowday in jaadka lagu keeno hab koontarabaan ah. Falcelintii dawladduna waxa ay noqotay in ay kula dagaalanto xuduudaha dalka. Taasi oo durtaba sababtay khasaare nafeed oo shacab ah iyo dhaawacyo soo gaadhay ciidanka iyo shacabkaba, hantina ku burburtay. Dhinaca kale, habeen kaste iyo maalin kaste dawladdu kharash bay ku bixisaa la dagaalanka qaadkaas koontarabaanka ah.

In kasta oo aan dalkeenu laheeyn unug sirdoon oo kastamyada u gaar ah, hadana waxa qurux badan, aadna uga kharash iyo khasaare yar in la hawlgaliyo tiro ka mid ah sirdoonka qaranka iyo booliska, jaadkana lagula dagaalamo gudaha magaalooyinka, laguna dedaalo in mar kaste la kala furo silsilada xidhiidhka ah ee uu marayo, kuwaas oo mararka qaar madax dawladeed oo macaash doon ah noqda. Goobta qaadka lagu iibinayo, qofka iibinaya iyo ka iibsanayana dhamaantood danbiilayaal noqdaan.

 

Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Ibraahin
M.A in Customs Administration
cabdiraxmanmid@gmail.comÂ