Haasaawihii Hungoobey! Qeybtii 3aad & 4aad

Haasaawihii Hungoobey

Qeybtii 3aad

Rabi talo u daa, Warsan oon ogeyn iney aduunyo dabadeed baaba,day, buulkii xumaayee ay xayndaabeysayna dabeyshu la tagtey ayaa soo gashay oo damacdey iney Nuura la yara qososho, Nuura oo cadho wajigeedu buluug maree noqdey, ayaa indho arxan daran ku gubtey, Iyaa! Naa maxaa ku helay? Bey si baraadla iska tidhi tii Warsan.

 

 

Nuura oo dilaac ku dhaweyd cadhada ay u hayso darteed ayaa hadal aan kala go, laheyn ku bilawdey , dhurankeedii waxa ka mid ahaa, “noloshaydii baad ku ciyaartey, jar baad iiga talaabsatey, inankaan jeclaa een islahaa mustaqbalka aad guri wada yagleeshaan baad nakala geysay, waxey qeylisoba waxey hadal kusoo afjartay” Naa ma sidaasaad saxiibadey ku ahayd bahalyahey dhimatey een waxba isku faleyn, anaa ku aaminey oo kaa daran, laakiin waad iga heli waxaad iga raadsatey”.

 

 

Warsan baa iyana markeedii iskala quftey ileen talo waa ku cadahee, waxey tidhi iyadoo garta dhankeeda u soo leexsaneysa “idhageyso Nuuraay, waad I taqaaney waligeyba oo maan helin nolol wanaagsan sidaadoo kale hooyadey anoo yar bey aduunkan ka tagtey, Aabaheyna cidaan ahey ima aqoon, tu ii edo ah oo gumeysi iyo qeylo nafta igaga jartey baan lasoo koray, kolkaan wax garad noqdayna, waxan dan moodey inaan suuqa iska soo galo oon raadsado hungurigeyga, hugeyga iyo hoygayga, wax kasta oon ku gaadhayo taana, waan sameynayaa oo cidna kala tashan maayo, sidaan aniguba u dhibaateysanahayna iney cid walba noqoto wax iga jecel majirto….. iyadoon dhameys tirin ayaaba dhirbaaxo aad moodoo tu nin geel jire ah oo shan iyo laabatan jir ah gacantiisii kasoo go,dey ayey indhaha ugu dhufatey, bes, wataa inantii Warsan, dhinbiilaa ka duuley wajigeedii, waa lasoo kala gaadhey oo gacanta lagu dhagey Nuura, buuq yar kadib lagu kala yaac meeshi.

Isla kobta waxa yimi Rooble oo buuqa iyo sawaxanka ku soo baydhay, muu ogeyn iney Nuuri meesha joogto, iyo iney tahay cida buuqani ka dhashay toona, oo yaa u sheegay? Cidna. Indha indheyn buu ku bilaabey meeshii, jaleecadiiba waxa uu isha qac ku siiyay waa Nuura oo uu hadal iyo hugunba ka waayey baryahan garana la,aa sababta keentay is badalka lakiin se wuxu markiiba ku warhelay xaalka jira iyo waxa laysku qoonsadey ta kale waxa u qaadan waa iyo dhabano heys ku noqotey markuu arkey Warsan oo iyana badda ku jirta, markii buuqii yaraadey buu u yimi Nuura, waxaanu ka codsadey inuu gaar ula hadlo oo ay meel cagtu ku yar tahay ay u yara dhaqaaqaan, laysku waafaq qodobkaa, sidiina la yeel Rooble oo hadalka bilaabey ayaa yidhi “Nuuraay horta laba qof oo aan laykaga warameyn ayeynu nahey, waayo badana oo wadcigooda lahaana waynu soo wadaagney qofkuna hadduu khaldamo hubsiimaa wax lagu saxaa, wararka hadda isoo gaadhayey waxey ii tibaaxeen in aad adiga iyo Warsan asxaab tihiin taasna anigu kuguma ogeyn, meelahan oo kalena inaad timaadid oo taqaanid maba modeyn…..” Nuura oo ilmo indhaheeda kusoo istaageen ayaa hadalkii kusoo boodey aniga balaayo aan adiga aheynba layma soo dirin Roobloow, heer kasta oo aan maanta joogana adigaa ayaa ka masuula iyo hadalo kaloo fara badan oo ay ku tibaaxdey siday meesha ku timi iyo wacdarahey Warsan badeyba. Al xaasil al muraad Rooblaa hadalkii la wareegey isagoo is leh bal furfur arimaha ku ye runta haddii lagu wada noolado waxba ma xumadaan, Nuuraay ugu horeyn aniga kooxahan si aanan dhaadaneyn baan usoo dhex galey markii danbena way ila daba dheeratey, Warsana markii hore qof wanaagsan bay iila muuqatey, xaalado badana way iga saartey laakiin isla habeenkaa aad isheegtay inaad kulanteen Warsan ayaa hawl ii dirsatey, waliba mid aanan ka fursaneyn inaan isla amintaa u dhaqaaqo anoon ku ogeysiin, maalintaa iyo wixii ka danbeeyayna waxay aad iigu mashquulisey iney I barto hablo kala duwan iyadoo igu dhiiri galineysay inaan faraha ka qaado Nuuradan afka igaga dhagtey, wax walba way dhacaan lakiin waayo aragnimo ayuunbay inoo tahay labadeenaba adna imaad sheegin waxaad tabaneysid ana cudur daarkii rasmiga ahaa maan bixin watii horeba loo yidhi “Raga Nimaan hal seegayn misna habari may dhaline” maxaa inooo dan ah imika.

 

 

Dood dheer kadib Nuuri waxey tiri, horta qofka heerkan I keenay saw adiga maaha? horaanan kuu aaminey oo imika wax kastaa hadday dhacaan lagama yaabo ineynu sideynu bari aheyn kusoo noqono ee nabadeey….

 

Midba geestii u jaqaafi, go,aankaasina wuxu ahaa mid labadoodaba ku adag, haddana waxa lagama maarmaan noqotey in la aqbalo oo duduubkiisa lagu liqo. Waxaaba garab taagneyd Xamda oo u socotey iney meesha kaba kaxeyso Nuura, ayaamaa kasoo wareegay, usbuucyaabey iska noqdeen Nuurina jahawareerbay ku jirtaa arinteedu, amintu waa duhur cadceedu dadka dhafoorka ka galeyso, waa xiligii xitaa diigu xaroon jirey, waxa wadada maraya Xamda iyo Nuura, gaadhi laankuusar ah ayaa hoonka u tumey. Jaleecaday eegeenba sa waaba wiil ay Xamda ilma adeer yihiin oo dhawaan qurbaha ka yimi, waliba qorshihiisuna wuxu ahaa inuu guursado, Xamdi judhiiba way garatey oo ku tidhi Nuura “Naa bal in keen kanuu Illahay inosoo diree cadceeda mabaynu socon karneene” Xamdi shidhka horey ku dhacdey oo inankii lays wareystay, halka ay Nuurina kursiga danbe iska fadhiisatey oo aaney juuqna odhan, Xamdaa lasoo boodey waar bal aan saxiibadeyna ku baree, waxa layidhaa inantan quruxda badan Nuura waa asxaabteyda cusub waa qof edeb badan, edebtaaba kala dhacdey, Ninka maxey u hodeysaa sawta taqaana Nuurada cusub, gar daranaa gabadhu.

 

 

Nuura ood moodo iney meel ku maqneyd ayaa hadaladii saxiibadeed sheeg sheegaysay kusoo hambabartey oo lasoo boodey barasho wanaagsan walaal, magacaagiina layma sheegine, wuxu si degan u yidhi waa runtaa walaal aniga waxa lay yidhaahdaa Cabdirisaaq.

 

 

Kobtii ay rabeen ayaa lagaadhey, iska qulqule hablihii, Cabdirisaaq se waxa uu sii eegayaa Nuura isagoo aad ula dhacsan, hoostaana kaleh “reer aan rabey roob maka galey”. Wagii danbe ayey Xamdi tilifoon usoo dirtey Nuura, Hello saxiib waa anigiiye arinbaan ku hayaaye meel hebla iskugu keen keen.

 

 

 

Waa meel laysla yaqaaney e, la gaadh meel heblaayadii lasheegayey is xaal wareysi yar kadib Xamdaa arinkii laga sugayey shiraaqa ka qaadey  “Nuuraay I dhageyso Cabdirisaaq waa Inderkay, Maraykankuu in muddo ah dagenaa wadankana wuxuu u yimi si uu u guursado, waana nin shaqeysta oo reerkooda aad usoo taakuleeyay intuu qurbaha jirey, maanta ayuu tilifoon isoo direy, adigaanu I kaa weydiiyey, xaaladaadana cidi iiga warami mayso oo wixii kugu dhaceyba goob joog ayaan u ahaa. Anigu waxan kugula talin lahaa inaad aqbasho codsiga Cabdirisaaq, waliba ku darsoo magaaladana asxaab badan kuma laha oo wuxu kaa ogaanayaaba iska yar.

La soco Qeybaha hadhey…..

 

 

 

 

Qeybtii Afraad

Majirto, xaasha sabab ay ku aaminto qof danbe oo ay saxiib yihiin laakiin se Xamda marnaba ugamey baran iney dadka xumeyso, waxey goor iyo ayaanba u taagantahey iney dadka tubta fiican iyo danahooda kala taliso. Ka dib markii ay goob-joog u aheyd Nuura iyo wacdarihii soo mareyna aad bay danaheeda guud iyo kuweeda gaarka ah ba ugu dhuundalooshaa wixii ay u aragto iney danteeda yihiina u sheegta.

 

Nuuri waxey tiri waayahey saaxiib, laakiin se ilaa caawa aniga iga warsug oo waxba hala socodsiin, sidey isku ogaayeena caawadii iyadoo diyaar u ah iney arinkaa ka hawl gasho ayey lasoo xidhiidhey Xamda. Xamdina Cabdirisaaq bey warkii u tabisey, muddo yar gudaheedba waa laysku fahmey isna wuxuu u carabaabey in wakhtigii uu fasaxa ku joogey gabo-gabo ku sii dhaw yahey, hawsha guurkana iney hore ka bilaabaan ay u fiicantahey, laysuma diidine loo dhaqaaq arinkii la dhamee Cabdirisaaq isagu nin hawlo ka qabyo ahaayeen ayuu ahaa wuxu ku guryo noqdey xagaa iyo mareykanka, intii aanu tagin se wuxu u dhisey Nuura guri aad u qurux badan qaabkiisana talo badan ay ku laheyd, wax kastana waa loo dhex dhigey,  waxaanu u balan qaadey inuu biilkeeda bil walba hore kasoo diri doono, wixii dheerada eey u baahatana ay la soo socodsiiso.

 

Intii ay arooska aheyd iyana aadbey isku dhawrtey oo iska dhigtey marwo la yaqaan, laakiin waxey ka war la,ayd in aduunku kursi kuwada fadhiyo oo wixii dhacaba miridh gudihii meelkasta oo aduunka ka mid ah looga ogaan karo.

 

Isla markiiba gurigii shacabkiisu wuu batey, waliba marka casarkii la adimo kabaha soo galaya hadaad is tidhaahdo tiri adaaba daali, dad nooc walba leh baa kusoo qulqula waxa ay noqotey Nuuri safiirka dumarka ragoodu dabedda ku maqan yihiin, iyo wakiil hablaha qayila.

 

Waxa yimaada gawaadhi tiro badan ood moodo habeen kasta in meesha muqumad (oodkac) lagu  furtey iyo dad aad u labisan. waxba yaanan hadal kugu daaline sidii layskaga nimcaysnaa ayuunbaa maalintii danbe tilifoon u soo dhacey Nuura xili ay gurigeeda ku sugnaayeen asxaab tiro badan. Dhililin…dhililin….dhililin. indhahay saarteyba waa lambarkii Cabdirisaaq, Iyaa! Xiligan maxaa helay maanta waligii wakhtigan oo kale ima soo wicine ayey niyada iska leedahay iyadoo sii ordeysa. Intey dibadda u boodey bay uga bilawdey “xabiibi iska waran, maxaa soo kordhey maanta, wakhtigaad shaqada ku jirtey miyaanay aheyn? Iyadoo sidii ay uga baratey aan jawaab uga helin ayuu usheegay inaaney dhibi jirin, su,aaleyna halka ay ku sugantahey. Run ahaantii hadalkiisa iyo su,aaluhu waydiiyeyba Nuura shaki bey galiyeen, balse wax yar kadiba mirqaankeediibay dhex xuluulatey oo aduunba war kamey hayn.

 

 

Shaw mid wariifa oo ay Cabdirisaaq qaraabo fog yihiin kana mid ah kooxaha gurigiisa ku qayila ayaa shaleyto warka u laba labeeyay in kala oo saa,iidana u raaciyey. Cabdirisaaqna wuxuu ahaa nin hinaasiya oo wuxuu inan mareykan joogtaba u guursan waayey waxa u sabab aheyd aamin la,aanta uu ka qabo hablaha qurbaha jooga, hadda se talaa ku ciirtey oo ilaa xaley muu seexan, Nuurina say ugu warantey may cajabin. Oo ma wuxu doonayey iney ku tidhaahdo gurigii oo asxaabi ka buuxdaan dhex jooga, haka yaabin.

 

 

Ugu danbeyn wuxu go,aan ku gaadhey inuu todobaadka danbeba Hargeysa yimaado waxey doontaba haku qaadatee,  goor habeenimo ah saq dhexe ayey Nuura oon war kaheyn go,aankiisa cusub is tidhi bal waa kii xaajigu shaley yara didsanaaye la hadal oo iska qabooji. Fikir gaaban ka dibna waxey go,aan ku gaadhey iney ka dhaadhiciso iney “isaga uur u leedahay” malaheeda si uu biilka ugu soo kordhiyo oo mudaddii afarta bilood aheyd ee uu sii maqnaa bishii u horeysay mooyaane intii kaleba ay dhawr iyo tobanka bishaba wax la,aan bay soo istaageysay.

 

 

Lahadashey wadheediina ridatey, isna warka oonu si diiran uga dhageysan iyo shaqaan ku jiraaye nabadeey buu ugu jawaabey, iney wax si yihiin dareentay laakiin dhinac ay uqaado garan wayday.

 

Goortu waxey ahayd abaaro shantii galabnimo, markii albaabka guriga lasoo garaacey, waxa albaabka furtey gabadh yar oo adeegto ah, waxaaney waydiisay cidda u yahey iyo waxa uu u socdo,  u sheeg inuu Nuura u socdo, tii yareydna maba is lurine hore u soco qolkaa fadhigaa lagu jiraaye, waa qol kabuhu agtiisa raseysmeen,  isagoo markii hore la anfariirsanaa waxa gawaadhi baarkinka ku jirta ayuu eegana kabihii badnaantooda la wareeray.

 

 

 

Qolkii buu dhex istaagey sa waaba Nuura oo meel wajahadiisa ah si balaadhan u soo fadhida, timaheediina midiba meel ka caweynayso qosolka iyo farxadana aad moodo in janadii loogu bishaareeyay, iyo koox badan oo rag iyo dumar ba leh oo is wada dhex fadhfadhida oo buuro jaad ahina hortooda qotonto, shaaha falaasado camiran yihiin, buuri tufaaxu is qabsadey oo ay u daarantey heesta ay Khadra daahir ku luuqeyso ee tidhaahda.

 

 

cudurka kaa gala fardahaa

haddii laga gubo dameer

dawada lama gaadhayee

anoon wali kuu gad bixin

gad dheer bay saarantahey

god dhab, iyo gawraciyo

aan goor inuu xaalkan tagey

gartana aan kala laheyn

ayaan gogol kula hurdaa…..

markii indhaha qac laysku siiyey, horta Nuura aduunkiiba ku yaraadey waaney kacaa fadhiisatey, intii kalee meesha joogtey ini danba kamey galin oo hawshooda halkiibey kasii wateen, inkale oo ay Xamdi ka kaw aheydna istaagbey ku qalaleen, kama danbeystiina reerkaasi halkaasuu kugu daayey.

 

Dhamaad……..

 

W/Q Hibo Ciise Maxamed(Basbaaso)

hibafaakhir@gmail.com