Haasaawihii Hungoobey! Qaybtii 2aad

Haa masaasey wax u jireen intey si daciifa u tidhi ayey usii raacisey anaa hadhaw kugu soo celin imika hawl baan wadaaye, dhii..dhii. wuu go,ayba , jawaaba kamey sugin, waabey ku dhigtay. Markii kadib waxey go’aan ku gaadhay inay Warsan ka daba tagto oo ay war buuxa ka soo hesho. Waxey toos u abaartey guri ay warsan eedadeed laheyd oo ay ku nooleyd Warsan markii iskugu danbeysay oo ay saaxiibo afka wax ku kala goosta ahaayeen.

Markey gurigii gar garaacdey hore loogama furin, laakiin ugu danbeyn waxa ka furtay inan gadeeda ah oo guriga ay horeba ugu ogeyd si fiicana isku yaqaaneen, may sug suginbee waxey ku tidhi “warsan ma joogtaa iigu yeedh walaalo Nimcooy” inantii oo yaaban baa ku tidhi naa hoogto, wali miyaad la socotaa Warsan, sawta inantii fadaro iyo faraha laga qaad noqotey, barimaa noogu danbeysay, wakaa tilifoonkeediiye kala hadal.

Nuura warkaasi muu farxad galin laakiin se wax badan kamey soo qaadin oo waxey horaba u ogeyd in aaney Nimco iyo Warsan isku uur sameyn, oo ay Nimco marwalba wax xun ka sheega Warsan ku dhiiraneyd, talana waxey kusoo idlaatey iney sugto uun xiliga ay tilifoon ka hesho Warsan. Maalintiiyoo dhan Nuura jawigeedu muu fiicneyn hadalkeeduna wuu yaraa, dhoola cadeyntii looga barteyna mooji.

Waxa niyadeeda kolba kusoo dhaceysay, ninka ay aamintey ee saa u galaya haddii waxaa la sheegay ku dhaboobaanba, waxey dib u milicsatey hees ku jirtey riwaayadii la magac baxdey “Cilmi & caado” oo odhan jirtey “anigu horanaw ma guursan, haddana guur dooni mayo” markii sababta la waydiiyeyna ay ku hal celisay, Saynab Cali (Baxsan) oo heesta ku luuqeynaysay “anigu guur waxaan ku diidey, Ragoo idil nawga giigey, Gayaan kuma jiro u doortey” “Gayaan baan jirin la qaatoon gar iyo gardaraba u daacaayey”. Iyadoo nafteeda ku sabaaleynaysa in xaalka aduun saa yahay, ayey ku war heshay Warsan iyo hadalkeedii, way soo haabhaabatey oo kaga hortimi qolka kadinkiisa, salaan diiran ka dib waxey u sheegtay iney ka maqashey iney raadineysay balse ay wayday oo ay ka raali galisey, nin walba meeshi buktaa isagey balbashaaye, Nuuri waxey hiifaysaa hadalada kale ee ay u wado, waxaaney aad ugu heelantahay iney afkeeda ka maqasho waxey ka rajaynayso, Warsan oo wajigeeda ka akhrisatey inaaney warkale dooneyn saxiibadeed, ayaa hadal ku bilawdey “waan ogahey saxiib in warkii Rooble kugu weyn yahay, u qaadan waa iyo dhabano haysna kugu tahey, laakiin anaa kaaga balan qaadaya inaan warkiisa taako taako kusiinayo walibana aan ku geyn doono goobaha uu wakhtigiisa badi ku qaato. Ka waran haddaynu bari fiidka is raacno, imika ana meel baan kusii cararayee”.Nuura oo intey dooneysay ka maqashay Warsan afkeeda ayaa ku tiraabtey “Haye saaxiib” waa inoo bari iyo fiidka.

Barridii la gaadh oo maanta noqotey, fiidkiina wax la sugaba wuu iska ahaadey, Nuura iyo Warsan sidii ay balantu aheyd way is raaceen iyagoo ay wahelinayaan koox hablo kala ah oo ay Warsan is garanayeen balse aaney Nuuri wax aqoon hore ah u laheyn, Nuura dabcigeedu muu ahayn dadka, dadka hore u dhex gala ee way ka gaabsan jirtey cidii aaney is garaneyn, oo habeenkii intii ay hablaha wada joogjoogeen sheeko badan ma ay wadaagin, balse Xamda oo aheyd inan aad u furfuran ayaa kolba waraysanaysay oo sheeko khasab la wadaageysay si aaney ugu dhex cidloon hablahan isla haysta ee qosolka iyo sheekada gunta dheeri u socoto, Runtii Nuura lafteedu waa u bogtey Xamda.

Goobtu waxey aad ugu eegtahay tii ay iyada iyo Rooble iskusoo raaceen, horey u socdeen, gudahana waxey ku arkayeen xaflad ka socota iyo heeso kor u daaran oo lagu ciyaarayo, waa run oo Rooble muuqiisi way aragtey laakiin nasiib daro hadal lamay gaadhi kareyn, oo yaa tusey? Ma cid kale Warsan baa farta ugu fiiqdey. Waxaaney u sheegtay iney iyadu geyn doonto halka uu ku jiro ee ay sii sugto. Intii ay kamaqneydna, Xamda ayaa sheeko wadaag la ahaa, laakiin umey tibaaxin ujeedada rasmiga ah ee ay usoo raacdey Warsan iyo asxaabteeda kale, waxaaney meel halkana kasoo dhufatey shiishad oo ay bilawdey iney nuugto. Naxdin iyo anfariir bay ku noqotey inantii Nuura laakiin waxey ku khasbaneyd iney meesheeda uun iska fadhido jaba waaka danbeeye Xamda oo aan war ka heyn waxa qalbigeeda ka guuxaya ayaa usoo fidisay tuunbo dheer oo ay qiiq ka jiideysay “Hoo walaalo, hadaanad ciyaareyn wakhtiga isku dhaafi” ma cabo ayey cod gaaban ku tiri Nuuri iyadoo xishood, baqdin  iyo yaab ay ka muuqdaan wajiga isla markaana ixtiraameysa inanta wanaagsan ee ilaa maanta u wehel yeelaysay.

Waxey habeenkiyo dhan iska ag fadhido cid u jawaabtana wayday bay markii danbe isku dayday iney la wadaagto Xamda hawshii ay wadey. Dawakhaad aan xad laheyn oo ay gaadhey heer ay miyir beesho ayaa lasoo daristey Nuura markii ay badeecadii nuugtey, markii baa duni ugu danbeysay iyo waagii oo ugu baryey guri aaney waligeed arag naxdin ileen ma dhimatid.

Iyadoo jaha wareersan oo wax ku dhacey iyo wax halkan keenayba kala garan la ayay kadinka kasoo gashey Xamda oo usheegtay sidey wax u dhaceen iyo iney hablihii oo dhami xagan joogan oo ay Hoygan dagen yihiin, Warsan baa kasoo daba juq tiri “alla saxiib iga raali ahaw sidaan ninkii u raadinayey baan daaley markaan imina adoo isla maqan baan imi waanan ogahey in xaafadiini aad ka baqo qabto, xaley baan wacey hooyadaa waxaanan usheegay inaan aad u xanuusadey oo aad aniga dhakhtar ila joogtey”

Nuuri markiiba waxey garatey inay khalad weyn gashay oo aaney ahayn iney bahashaa u dhawaato, laakiin waxey yara nafistey markey aragtey hablaha badan ee quruxda aad daawato ee gurigan iskugu yimi  ee kuligood iska wada jiidaya bahashii ay xaley ku dawakhdey iyo iyadoo loo sheegay in xagii reerkii lagala Hadle, si uu madax xanuunkan badani uga ba,ona waxa loo sheegay iney mar labaad iska cabto oo ay bogsan doonto.

Galinkii danbe ayay gurigoodi abaartey iyadoo ay wehelinayaan laba gabdhood oo ay Warsana ku jirto, intii dhexda lagu sii jirey waxey waydiisey waxa meesha iskugu keenay iyo cida gurigan intan le,eg ku biilisa madaama oo aney arkeyn wax shaqo u baxey iyo wax quud raadinayaa toona.

Xamda ood moodo iney jawaabaha agteeda kasoo qaadqaadeyso, ayaa tiri oo walaal ma anagoo dhabankaa leh ayaanu qadi illaah baan kugu dhaarshee, qosolna kaga daba dhufatey. Warsan oo iyadu la socota Nuura iyo xaaladeeda kana ilaalineysa waxa ay soo wado Xamda ayaa soo boodey oo tiri “ naa naga aamus afka goosee inantii way kula yaabtee”

Baryo ayaa kasoo wareegay Nuurina dhawr ayaamoodba way raacdey oo Xamdaabey imika aad iskula haystaan, maalin iyada iyo Warsan oo faqaya Rooblena ku daba jooga ayaa waxa u timi Xamda oo markaa garatey sababta dhabta ah ee ay Nuuri kooxdan ugu soo biirtey.

Alahoow nimaan waxba ogeyn ha cadaabin bay hoosta iska tiri Xamdi, lakiin waxey go,aan ku gaadhey inay u waranto miskiinta, dhanka kale Rooble markasta wuu soo wacaa telefoonka Nuura, iyadana saxiibadeed Warsan baa ku dhiiri galisey inaaney ka qaban intey go,aan fiican ka gaadheyso amaba ay u helayso eedaymo macquul ah oo ay ku oogto si xidhiidhkoodu u af-jarmo.

Xamda oo raadineysay fursad ay ugu waranto Nuura ayaa heshay wakhti ay firaaqo laheyd waxaaney u tibaaxdey iney Warsan jar uga talaabsatey oo ay boholo keentay, iyadoo yaab iyo amakaag hayo ayey Xamda ku tiri “Yaa” , warkii way u cad cadeysay waxaney isla markiiba u sheegtey iney Warsantan ay Wehelka moodeysaa tahey sakiimad hoos ka naban ah.

“Inankan Rooblaha la leeyaheyna baryo dhaweyd bay qaar ay asxaab yihiin keeneen meelahan, isna wuu iska jeclaystey, deedna Warsan baa ka dhamaan la,ayd markii iigu danbeysay oo lacagtiisa iyo amuurihiisa damac ka galey”.

Talo farahey ka haadey Nuuri waxey qabatintey cabista shiishada  iyo maandooriyaal kale intii ay Rooble ku daba jirtey, saaxiibadeeday aamintayna wataa wax looga sheegay.

Lasoco qeybaha danbe……….

W/Q- Hibo Ciise Maxamed (Basbaaso)

hibafaakhir@gmail.com

W/Q- Hibo Ciise Maxamed (Basbaaso)

hibafaakhir@gmail.com