Ha Is Dilin!

 

 

Adiga oo qudha/nafta  iska jarin ayaa haddana aadan ka duwanaan karin qof birta iska aslay, waliba xilliyo ayey ka xuntahay kana xanuun badan tahay qof gacantiisa isku dilay oo nafta is dhaafiyey.

Siyaabo badan ayaa la isku khaarajiyaa, ama gacan kale ha ku khaarijiso ama gacantaada ba isku khaaraji yoo, mar waa adiga oo nafta lagaa jaro ama aad is dhaafiso, marna waa dhaawac curyaamin ah oo nolasha wax ba dhaamin oo laguu gaysto ama aad isku gaysato.

Waxa kale oo se jira mid ka duwan, nafna cidi kaama jarin ama is maad  birayn, sida oo kale na dhaawac dhulyaal u noqotana meelna kaagama iman, se adiga oo socda, caafimaad qaba, waraabana ka fayoow ayaa ka darnaan kartaa ka dhulyaalka ah ama adduunka la dhaafiyey.

Adiga oo meel kale xusuustaada gayn ama aadan ka raadin meel dheer waxa ay tahay arrintani, meel gaaban aan ka soo qabto, waa magac dil.

Magacu waa tilmaamaha qofnimadaada, waa sifeeyaha shakhsiyaddaada, waa kefad lagu miisaamo qiimaha shakhsiyadeed ee kugu duugan.

Ilaalinta magacaagu waxa uu ka tarjumayaa qiimaha qofnimadaada, waana hubaal haddii magacu mar uu dhulka kaaga dhaco sidii aad kor ugu soo qaadi lahayd in ay adag tahay.

Magaca waxa uu u taagan yahay sharafta, siyaabo badan ayaa sharafta qofku uga lumtaa ama uu isaga lumiyaa, isaga oo qofku mutaysta magac xumo, sumad bulshada la kaga gartana yeellanayo.

Magaca waxa dhaawacaya adiga oo beennaale ku caan baxa, war badane, cay badane, kibraani, khaayin, dirdiraalle, muuqo, qabyaaladda, macaasida iyo wax yaabo badan oo kale. Wixii intaa ka duwan waa astaan lagu dhowro magaca, se waxa qofka ay tahay in uu madaxa ku hayo, haddii uu khalad mar ka dhaco in sida ugu dhakhsiyaha badan uga laabto, taas oo muujisa iyaduna geesinimo ama bisaylnimo qofnimo.

 

Halkii qorigu kaa muday,

 

Mar labaad lugtaadiyo,

 

Cagtu yaanay kula marin,

 

 

 

Alle ha u naxariisto Ibraahim Gadhle, waxa uu tilmaam ka bixiyey magaca qiimaha uu leeyahay isaga oo leh:

 

Magacaagu yuu noqon,

 

Mid xumaan ka marag-kaca,

 

Sida macawisaa qaar,

 

Ninba maalin yuu xidhan,

 

Hadba kii muraadle ah,

 

Hawga dhigin maqaar-saar,

 

Mar waxaad dhandhamisiyo,

 

Mijin qaad ah haw dhiman,

 

Hana talin masiibiyo,

 

Wax makhluuqa kala dila,

 

Aragtida oo la kula yeesho ama la kugu shubto iyana waa mid ka mid ah waxa magaca dila, in qofku aragtidiisa u madax banaannaan waayo waxa ay astaan u tahay in qof sharaf leh uuna ahayn, mar kale waa kii Ibraahin Gadhle lahaa

 

Maskaxdaadu yay noqon,

 

Maqal lagula leeyahay,

 

Yaan toban muftaax iyo,

 

Lagu furan masaabiir,

 

Waxaad shalayto mudatiyo,

 

Mahadhada xusuusnoow,

 

Halkii qorigu kaa muday,

Mar labaad lugtaadiyo,

Cagtu yaanay kula marin,

 

 

W/Q Xuseen-Mahdi Xasan Xuseen