HA DHIBIN MUWAADIN DHIBBAN

 

 

Marka aad dhex marayso Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland waxaad ku arkaysaa dad maskaxda ka xanuunsanaya oo aad u dhiban kuwaas oo la’a cid gacan qabata. Masuuliyada kowaad waxay saaran tahay dawlada, Marka labaad dadka ilahay waxa siiyey haday tahay mid aqoontiisa wax ugu qabta,mid hantidiisa wax ugu qabta,  iyo mid u hadlaba. Xanuunada maskaxda marka laga yimaado inta dhib ku dhacay ama dhaxlay waxaa inta badan keena mukhaadraadkan qaadka la yidhaahdo oo dadkeenii lagu imtixaamay, waxaad arkaysaa mid aad u dhiban oo gaajo soo gelisay gooba ama meherad laga cunteynayo oo intaanu soo gaadhin kii meherada haystay dadkii meesha ka cunteynayey ay iyagii ku sii qaylinayaa oo adhanaya naga saar, bal hadii maqaaxidii, hudheelkii, iyo macmacaalihiiba laga eryo xagee wax ka cunayaa?hadii kii u nixi lahaa ee wax siin lahaa ku qalinayo oo diidayo inuu meherada ugu soo galo yaa caawinaya? waxaan xalay ku arkay hudheel ka mid ah xudheelada magaalada oo aan wax ka cunayey  inta uu nin maskaxda ka xanuunsanayaa oo lacag sitaa soo galay oo loo diiday in wax laga iibiyo.

MISKIIN

 

Meeshan aad SAWIRKA ku arkaysaan waa Badhtamaha Magaalada Hargaysa, Waa Salaadii Jimce ka dib waxaa is dhex yaacaya dadweynaha oo qaarkood Gawaadhi ku qado tegayaan qaarna lugaynayaan, ninkaa idiin muuqaa waxuu fadhiyaa wadada dhexdeeda waa nin miskiin ah oo xanuunsanaya markuu waayey cid u gargaarta oo wax siis ayuu go’aansaday inuu wadadii gawaadhu cidhiidhiga ku maraysay inuu fadhiisto bal inuu in cidi ka naxdo helo oo bal wax la siiyo, iska daa in wax la siiyee waa lagu qaylinayaa “waar wadada nooga kac” isagu waa muwaadin dhiban oo muwaadinkii u gargaari lahaa naxaris ka waayey.

 

HA DHIBIN MID DHIBAN, UNA GARGAAR MASAAKIINTA, ILAHAY HA KUU GARGAAREE

Yaasiin Maxamed,
abkoo2012@gmail