Waanigan oo fadhiya, barxadda gurigayga fiillada ah, ee aan dhistay sannadkii 2042kii. Kuna yaalla dhulka soomaalida. Shaah caddaysan oo inantayda ugu yari (oo hooyadeed u bixisay Suhuur, anna aan ugu yeedho Filkeed-ka-roon) ii soo karisay ayaan cabbayay, gambadh baanan daarradda ku fadhiyey si aan qorraxda isugu dhigo wakhtigaas. Xinne timaha madaxa iyo gadhka ay ii marisay, ayaan rabaa inuu igu qallalo. Cirku wakhtigaas daruurro ma lahayn, huur yar baana jiray, oo qorraxdu aad ayay u kululayd.
Samawada, oo curaddayda ah ayaa maanta subaxii i soo booqatay. Kadib, markii saygeeda Axmed iyo afartooda carruur ahi (anna aan awoow u ahay) ay gegeda diyaaraddaha ee magaalada Burco ka dhoofayeen, annaguna ku sii sagootinnay si ay uga duulaan. Madaarkan ayaa loogu wanqalay “ Zakeria International Airport”. Sababtoo ahayd, muddo aan toban sanno xilka madaxtinnimo hayey. Horena loo odhan jiray, “Burco International Airport”. Lana dhisay, wakhtigaan aan labaatan iyo shan jirka ahaa.
Shaahan, markii koobka qurraaradda ah laygu keenay, ayey Samawadi I soo agfadhiisatay. Waxaanay su’aalo darandoorri ah isu kay daba gelisay si ay noloshayda wax uga ogaato. “Aabbe, nin taariikh badan ayaad tahay, Eebbe magac, sharaf iyo maamusba siiyay. Ilaahay haku barakeeyee, aabbe aan jeclahay oo aan ku dhaato ayaad tahay – intaasna waxa ay hadalka iigu daraysay salaax madaxa ah iyo dhunkasho ay si kalgacal leh ii shuminaysay – aabbe waad ogtahay, inaan taariikhda dabagalo horena buugaag uga qoray. Waliba jacaylkaan taariikhda u qabo, waxaan doonayaa inaan sannadkan dambe taariikh nololeedkaaga buug ka qoro. Aabbe, bal iiga warran geeddi nololeedkaagii?” Samawada oo curadda qoyskayga ah baa intaas I waydiisay.
Intaan soo jalleecay, oo aan dhoolla caddeeyay ayaan u holladay uga warranka taariikhdayda mugga weyn. Waxaanan uga bilaabay …..
La soco, geeddiga xiga …..
W/Q : Sakariye Faysal Axmed Sakariye Waddani‘