Guushii Sawsan

 

Muddaba ma deggena xaalkiisu, saaxibbadii way wada socdeen oo isaga ayuunbaa ka jooga. Subixii guriga hore uga ma baxo oo illaa tobannada waxa uu iska jiifaa sariirta, habeenkiina hore uma soo hoydo oo waxa uu ku raagaa dhowr kale oo ay isku fikir yihiin oo uu midiba daan ka yimi. Gabbalkii dhaca iyo waagii baryaba waa u anbabax iyo diyaar garaw. Dadka waxa uu ugu jecel yahay ka yidhaa “ma baxaysaa?” Mar hore ayuu bixi lahaa hase ahaate cabsi baa haysa oo waxa uu is leeyahay “armaad badda ama saxaraha ku dhimataa.” Sawsan, waa gabadha uu haween oo dhan ugu jecel yahay. Dhowr gu’ ayay sheeko-wadaag ahaayeen wali se ismay guursan. Wuu jecel yahay oo waxyaabaha ugu badan ee uu la tagi la’ yahayba waa iyada jacaylkeeda.

Iyadu tahriibta way necbayd oo dharaar kaliya maankeeda may galin. Dalka wax ka baro, shaqayso oo ku guurso ayuu hadafkeedu yahay, waxa se wax walba ka jeedisay oo nacsiisay saaxiibaddeed Muhiim. Subax hore ayay ku soo kallahday, kolkaas ayay u sheegtay in ay tegayso, iyaduna ay raacdo. Sawsan way ka cabsanaysaa tahriibka wayna ka naxaysaa, balse Muhiim waxa ay isku dayaysaa in ay ku qanciso si ay isu sii raacaan. Waxa ay u sheegtay in uu jidku sahlan yahay wax kharashana aan imika laga rabin oo marka ay tagaan uun la soo shubaayo lacagta. Wax yar oo ay jicsin ka dhigtaanna ay iyadu hayso. Sawsan aad bay u soo dhoweysay waloow haddana ay werwersan tahay oo ay Saleebaan niyadda ku hayso. Yeelkee iska tag bay go’aan ku gaadhay, isagana waxba in aanay u sheegin ayay ku heshiiyeen saaxibaddeed.

Aroortii danbe ayaa la baxay. Isla malintiiba magaalada way ka bexeen iyada oo aan la tebin. Habeennimadii ayuu teleefankeedii soo wacay mise waaba xidhan yahay. Habeenkii uu iska seexday haddana subaxii ayuu is yidhi la hadal waadigii xalay waayee, nasiib-xumo weli ma furna. Abbaaro 4-tii galabnimo markay gaadhay ayuu is yidhi “wallee wax baa jira malaha waa kan telkeedi xidhan uune”. Waxa uu weydiiyay walaasheed oo ka yar iskuna ogayd. Waxa ay u sheegtay in la waayay illaa xalay. Wuu yaabay sababta oo ah ka muu fikirayn in ay Sawsan tahriibi doonto. laba dharaarood kadib ayay  la soo hadashay una sheegtay in ay Itoobiya joogto oo ay ka baxayso berri.

Mar alla markii uu warkaa maqlay ayuu isna gaadhi ka daba raacay. Wax uu socdo oo lays daba socdana, Sudan ayuu ku gaadhay. Sidan ayaa la iska raacay. Dhib iyo rafaad wax la maraba hadda waxa ay ku wada noolyihiin dalka Norway oo ay ku haystaan laba carruur ah. Muhiim oo ah gabadhii sababta lammaanahan lahayd waxa ay ugu magic dareen inantoodii curad, markastana way u duceeyaan oo ay u mahad celiyaan. Saleebaan iyo Sawsanna waxa ay bilawdeen nolol ay ku faraxsan yihiin iyaga iyo labadooda ubad ahiba.

Nada Yuusuf Cumar

Hargeisa, Somaliland

 

Sheeko Wadareed Bahda Hiilqalin/ Tahriib