Guurka Gabadha Aqoonta leh oo la ogaaday Faa’ido muhiim u leeyahay Cimriga Ninka iyo Sababta

 

Hargeysa (SLpost)- Daraasad ay aqoonyahano Reer Sweden ahi sameeyeen ayaa soo bandhigtay in Gabadha si fiican wax u baratay ay saamayn fiican ku leedahay fursadaha lammaanaheedu ku gaadhi karo nolol fiican oo dheer.

Oorida waxbarasho ka gaadhay ilaa heer dugsi wuxu ninkeedu 25% uga halis badan yahay inuu yaraan ku geeriyoodo marka la barbar dhigo haddii ay xaaskiisu tacliinta ka gaadhi lahayd heer jaamacadeed.

Khubarada daraasadda samaysay waxay qabaan in dumarka tacliinta leh ay fahmi karaan farriimaha caafimaad ee qoysaskoodu u baahan yihiin.

Muuqaalka Hoose Kaga Bogo Natiijada Daraasadda iyo Qodobbada ay culimadu u daliishatay baadhitaankooda