Guulaha Isdaba Joogaa Xukumada Cusub Somaliland Firkaxa Cadowga Somaliland Suuldaarada iyo Jalaafada Mucaaradka Somaliland – Q. 1aad

20 Sanadood daaladhac siyaasadeed oo taagan  ah maalinkasta doorsha dib u dhacda iyo qilaaf siyaasadeed oo maalinwalba taagan badalaad gudoomiyayal doorasho iyo baarlamaan laxidho iyo kooto ganacsi dhaqaale xumo qaran niyadjab yool la,aan qaran tahriib dhalinyaro safar geeriyood ubaxa siyaasad xumo iyo horumar la,aan kutalax tagida hantida uma tacadiga  saxafiyiinta qaran xidhista siyaasiyiin qaran oo jeelka lootaxaabay dhaqaale xumo siyasad aan dajisayn iyo musuq maasuq xadhiga goostay  horumar la,aan waxbarasho ku kaliftay inay ardaybadani Iskuulada katagaan kadib markay wayeen fiigii Iskuulka cidkabixisa waxa aynu ku egaynaa maqaalka manta qaybtiisa koobaad.

Qormada maanta Rabitaanka Shacabka Jamuuriyada Dumuq Raadiga Somaliland

Hooyalka iyo geediga qaran curdina oo kasoo baxay gacan aan naxariistu ka dheertahay oo kaligii taliyaa dagaal dheer oo socday 11 sanadood 1980-1991 kadib waxa dhidibada lootagay calan kowsaday sadax midab oo kala ah Cadaan iyo Casaan iyo Doog towxiidka ilahayna ku qoran yahay lana yidhaahdo Jamuuriyada Dumuq raadiga Somaliland waxa lagu doortay xumuukad dhamaystiran,Waxa taas badashay midkale oo iyana lasoodoortay,waxa taana badashay xukuumadii sadaxaad oo iyana lasoo doortay siyaasigu waa jecel yahay kursiga maqaan kiisu sareeyo ee yaala guri ka qurux badan guryaha ka dhisan majuuriyada Somaliland lakiin jacaylkaa waxa halbacad lagu lisay kadhigay shacab raba inay latartamaan calam dhisnaa inka badan 20 Qarni dhaxlayna namaad iyo kala danbayn iyo waxsoor iyo dowladnimo kuwaas loogu yeedho wadamada Horu umaray,Shacabka Somaliland hankoodu ka weyn inay isla meel dhigaan kuwa fadhiidkaa ee aan iyagu samayn horumarka sida qaarada Africa qayb ka yihiin lana wadaag dhaqan iyo xuduud kana taliyaan kaligood taliyayaal naxariistu ka dheertay oo aan jixin jixa aqoon

Yoolka Shacabka Somaliland iyo rabitaankiisu waxay lajaan qaadayaa kuna dayanayaan waa Ingiriiska aduunyada gumaystay iyo quwada Mareynkanka ee ku horumaray isbadalka iyo dumuqraadiyada cilmiga iyo aqoonta Shiinaha hada noqday quwada soocota ee aduun yada taasna waxa markhaati cadka ah sayday u donayaan waxa ay rabaan oo ah horumar iyo inay ka mid noqdaan caalamka kuwa iyagu hanka iyo kalsoonididu ka muuqato ee lagu tilmaamo umad hadafka leh  nolosha raadku reebta aduunyada rabana inay wax ku sookordhiyaan caalamka intaasi kale,Waxa aynu intan ku soo gaba gabaynanaa rabitaanka Shacabka Somaliland qaybta danbana waxa aynu ku qadadhiganaa bi,idmilaah tacalaa arimaha siyaasada

Laso qaybta Danbe ahna arimaha siyaasada

Suleiman Saeed Kabadhe (Danjiree)

Coventry City Uk

International relations (IR)

(international studies (IS)

 Study of relationships between countries,