Ilaa maalintii lagu dhawaqay kala miirida ururada waxaa sida maayadaha ugu soo dhacaayey dhagaha dadka,ururbaa mudaharaaday, bari baa lo balansanyahay
Macna kalaa naloo riday iyo ku qanacsanaan la’aan go’aankii gudida
Marse haday gudidii u marisay warbaahinta meelahay ku liiteen soo inay mooganaanta iska dhaafaan maaha
Bal qabso dhawr kalmadood oo qaafiyadaysan kuna difaacaayo gudida, ururada hadhayna aan leeyahay guryaha ha lala fadhiisto guul daradu way jirtaayee
Gudidii fulintee
Faafreebka ururadu
Haday soo faqeen dhaliilihii
Soo kuwan fasilay
Fadhfadha ururan
Ku fail garoobay
Foomkii loo diray
Inay tahay filim hore
Loo duubiyo
Faaqidaada ciyaaraha
Nooc laysla fahmaayoo
Guushu kay ka fogaata
Fawdo uu abuuro
La iskama feegarin
Qabiilna looma fiirinee
Saaxiibkay dhagawayne
Hadii uu filanaayey
Figta sare inuu fuulo
Fadkiyo daruuruhu soo kuwan
Kusoo foorarsadeen maaha
Fariin aan diree
Very sorry mujaahid
Farsamo kale maaahee
Sharcigaa saa faray
Xisbiyada filkaagana
Faynalka keenee
Fursahaa badanee
Ama la falgal urur kale
Ama ta inagu soo fooda leh
Iyo foomka dambe buuxso
Bal imikana nimanka ururada dhacay wata ee gobalada dawakhiyey aynu eegno
Sandoon iyo guruubkiisiyo
Gidi ururada hadhee kacay
Iyo nuurkaa gurxamayee
Garabsaday jamhuuriga
Gar kuma joogaanee
Gadoodkay ku baaqeen
Nabaday ku gubayaan
Liiskaa guduudanee
Laydinka garan waayey
Godkii aakhir maahoo
Kamaydun galban aduunkee
Idinkaa is gabee
Guuxa yareeya
Bal xaga wadaadan in yar aan ka idhaahdo
Wadaadadaa foomiyaha
Lasoo fuulay siyaadu
Fasirka diinta
Faas haday ku yihiin
Face kalay leedahay taniyoo
Farahaa layskula hadlaayee
Hadii fagaaraha
Face bookga laydinka waayey
Sharcigaan ula foofaynaa
Iyo fahamka khaladkaa dhaafoo
Fardowsa camalkeedii iyo
Hawleheenii fiicnaa iyo
Ufeegignaada aakhiro
Imikana aynu eegno marwa foosiya oo tidi haweenkaa meel lagaga dhacay
Markii ay soo bixi wayday
Waa laga fiirsadaayee
Hadaad timi fagaaraha
Firfircoonibaa foosiya
Faynalka lagu gaadhaayee
Haddii xafiisyadaad furtay
Five person laga waayey
Guul darada inaad filataa
Soo maaha
Fanashadii buurta
Hadaad la fahmi wayday
Fashilaada dhacday
Dumarbaa la faquuqay
Ma inaad kula firaysaabaa
Qore: Abdisamad Aw Dahir Ismail(Sumcad)