Gurmadkii Shinnida

 

Waxaan doorbiday in aan fikirkayga la wadaago asxaabtayda u tafaxeydatay badbaada shinida oo ah khayraad ku qaaliya duulka uu Eebe ku manaysto, mudana in laga faa’idaysto wax soo saarkeeda dabeeciga ah.

Dharaarihii ugu dambeeyey waxaa mareegaha iyo baraha bulshadeena haystay wacyigelin loogu magac daray “ololaha wacyi-gelinnta badbaada shinida”. ilaahay wuxuu inoo sheegay marka inaga oo bili’aadan ah aynu isku naxariisano in inagana samada laynooga naxariisanaayo, tusaalena waxaa inoogu filan gabdhii kabteeda ku waraabisay eygii haraadanaa ee ceelka ka cabi kari waayey,taas oo ku kasbatay inay jano ku gasho

Shinidu waxay ka mid tahay noolaha xawayaanka kuwa ugu dabciga wanaagsan, uguna dulqaadka badan, isla markaana jecel wada  jirka iyo wax wada qabsiga joogtada ah, waxaanay u shaqeeyaan koox koox iyo keli keli, laakin yoolkaada ugu weyni waa sidii ay wax soo saar midho dhal ah u gaadhi lahaayeen, waxaanay leeyihiin cid hogaamisa oo ah boqorka shinida, kaas oo looga dambeeyo hadba hadlkii uu geediga ku furo.

Kooxda sama wadayaasha ee ay ka midka yihiin Cabdishakuur Xaaji Maxamuud Muuse, (Heersare), Xamse Cumar Ku-joog, Huda Cali Banfas, Cumar Cali Xasan (Seerbiya), Xamse Cali Jeesto iyo Cabdiweli Maxamed Gaaxnuug, waxaan ula baxay gurmadkii shinida.

Waxaan arkay oo aan maqlay inay shinidii meelaha ku dayacnayd ay daryeeleen, kuna guulaysteen inay gacanta u galiyaan cidii u ehelka ahayd, afkastaba hakula hadlaane. Wax kaleba ha joogaane shinidii koobka shaaha ah ku dhici jirtay ayey samatobixin u sameeyeen oo ay inoo soo bandhigeen.

Faa’ido kale oo aan la filayn ayaaba ka soo baxday waxaana dhaci karta in dad badani shaqo abuur ka samaystaan daryeelka shinida, kuwaas oo aan hore u heli jirin fursad ay ku helaan shini isku duubaan. Waxaan aad u bogaadinayaa gurmada shinida oo qabtay hawl aad loogu baahnaa. Ilaahayna waxaan uga baryayaa inuu badal khayr qaba ka siiyo, waayo Hargeysa iyo deegaano ka mid ah gobolada galbeedka Somaliland oo ay Gabiley ka mi tahay, dadkuba aad ayey arrintaas uga helaan. Halkaas ka sii wada, balankeenuna waa gurmadka shinida, in kasta oo aanan anigu afkeeda aqoon u lahayn.

Ibraahim Qaasim

Hargeysa-Somaliland

Qaasin05@hotmail.com

ibraahimqaasim@yahoo.com