Gudoomiyihii Hore ee Degmada Allaybaday Arinkiisu Ma Nin Daad Qaaday Xunbo Cuskaybaa? – W/Q: Maxamed Haldoor

Salaan ka  dib,  masuul kasta oo umad xil u qabtaa waxa uu kasbadaa sharaf haddii uu wax-qabad la taaban karo iyo taariikh kaga tago bulshada dhexdeeda, laakiin waxa karaamadiisa iyo sharaftiisa ay gooni u tilmaamnaadaan marka uu magac xumo kaga tago xilka uu umadda u hayey, walibana uu ka daba hadlo marka xilka loo dhiibtay laga qaado.

Waxaan uga socdaa, qalinkana aan u qaatay, haddallo ka soo yeedhay Gudoomiyihii  Hore ee Degmada Alaybaday ee Xilka laga Qaaday oo   ilaa hadda u qaadan la’ xil ka qaadistii lagu sameeyay, isla markaana kala garana in xilkii uu hayo iyo inkale.  Waayo, waxaad arkaysaa isagoo had iyo jeer ka hadlaya warbaahinta oo hawlihii xafiiska  iyo arrimo aan hada isaga khusayn uu  meelahaa kaga hadlo.

Waxaa iska caado ah in  Marka   Masuul, la badalo  ay afkiisa ka soo baxaaan  Waxyaabo aan looga fadhiyin oo aan munaasib ahayn.

Waxa  ay  Bulshada Reer Alaybaday ka wada dharagsantahay  Mudadii uu xilka hayay waxqabadkiisii oo   bulshadu aad ayay uga dharagsantahay Qof wal oo  masuul ah oo soo marayba  Xumihiisa, iyo Wanaagiisa.

Haddaba,  Ex Gudoomiyihii Dauud  Xuseen Jaamac  Hore Waxaanu ku sheegaynaa Haddii cidi haddii cidi bulshada kula dhexjirtay  Muaamaraad iyo hadalo aan munaasibad ahayn, Maamul xumo, musuqmaasuq  iwm  adiga ayaa ka kow ah. Waxaana ka makhraati kacaya,  Bulashada Reer Alaybaday waa  Bulsho taageersan Madaxdeeda iyo Dawladeeda oo ay Marwalbana la garab taagan hiil iyo hooba.

Qurba jooga Reer Alaybaday iyo  dadkooduna waa kuwa  dhisan kara  Waddo Wanaagsan awoodaana way leeyihiin,

 Waxaanu Talo kuugu soo  jeedinaynaaa  Arimahan hoos ku qoran:-

1-    Inaad  ka dhawarsoonaato,  Waxyaabaha  Mustaxiilka ah ee aad  Bulshada Reer Alaybaday kula dhex wareegayso.

2-   Inaad  Iska dayso  Waxka sheega  Madaxada Qaranka  Dadka  Maamulka maanta haya, Waayo  Shalay  ayaad xilka haysay,   Barina Waad  iman kartaaa, Taariikhda ayaa idinka kala sheegi doonta adiga iyo Maamulka hadda jira mid waliba wuxuu u taray iyo  wuxuu qabtay.

Talo ku Socoto  Bulshada Reer Alaybaday : –

a) Waxaan  Bulshada waynta Reer Allaybaday  kula talin lahaa in aanay dhagaysan Daacayada Raqiiska ah ee  Ex Gudoomiyihii  Hore kula Dhex wareegayo Degmada.

b)  Maamulka Cusub ee Degmadana Mid baan  leeyahay,  Faraska usha waxa loogu dhuftaa ha kasii badiyo haddii bulshada aad maamulka u tihiin ay  idinka yimaadaan dhaliilo waa toosintiina,    Dacaayadaha Raqiiska ee  ex Gudoomiyihii hore ee Daaud Xuseen Jaamac wadana, Waxay ka dhigantahay  Riyo  hadday dub leeyihiin Dabadooda ayay ku qarin lahaayeen,  Haduu Wax qabanayo  Ex gudoomiyihii   hore Wakhtigii uu  Xilka hayay ayuu qaban lahaa.  Haddii se aad la mid noqotaan kii hore waddadii uu maray ayaad  Mari doontaan idinkuna, dadkuna way  kaa tashan doonaan ee ka taxaddir ayaan leenahay, dawladyadana waanu jecelnahay, Madaxda waanu jecelni  hadal qof yidhaahdaan waxba  kama tarayo in bulshada  lagu marin habaabiyo.

Alaa  Mahad leh

Maxamed  Haldoor

Haldoor01@hotmail.com