Gudoomiyaha Qaban qaabada Shirka DOOD QARAN Mr Mohamed Osman Fadal ma wuxuu Mashruuc ka wataa Dawlada Soomalia si uu u Burburiyo Somaliland?

Gudoomiyaha Qaban qaabada Shirka DOOD QARAN Mr Mohamed Osman Fadal oo Mashruuc ka wata Dawlada Soomalia si uu u Burburiyo Somaliland. Waxaa beryahan isa soo tarayay muran ku saabsan shirka DOOD QARAN ee ay wadaan labada xisbi mucaarad UCID iyo WADANI. Hadaba bilawgii waxaa hawshan bilaabay Gudoomiyaha UCID Faysal cali waraabe kadib kulankii UK uu kula yeeshay Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Mohamud iyo Wasiirkiisa Arimaha debeda Fosia Yusuf X. Aadan. Wadahadalkaa waxaa laysla qaatay in Faysal ka shaqeeyo sidii uu Dadka Somaliland iyo Dawladiisa ugu soo dabaali lahaa in wax laga bedelo qorshaha gooni u goosadka taa bedelkeedana laga caawiyo sidii kharashka falanqaynta arintaa ay bixiyaan lagana taageero xaga dhaqaalaha. Waxa arintaa barbar socota in la taliyaha Gudoomiyaha WADANI Nuur Ahmed Faarah uu wasiir fozia kula kulmay UK taas oo looga wada hadlay sidii wadani ula qaban lahaa UCID shirka DOOD QARAN oo lagala soo wareego odayadii hore u waday. Waxaa daba socotay taa in Foziya kula kulantay Walaasheed Zainab Yusub X.Aadan magaalada Toronto iyadoo laga wada hadlay sidii odaygeeda Dr Mohamed Osman Fadal u qaadan lahaa Hormuudnimada arintaa lana soo hadlay intii ay fozia joogtay Gurigiisa oo ku yaala Toronto.

Xidhiidhkan Sadexgeesoodka ah ee ay Yeesheen UCID WADANI iyo SOMALIA ayaa noqday saska dawlada Somaliland ka qaaday Shirka DOOD QARAN taasoo Xeerka Somaliland dhigayo in la shiri karo laakiin ay xukuumadu u leedahay sharci in ay isugu yeedho dhabaan bulshada sidii looga doodi lahaa Wax ay dawladu kala maarmi wayday shacabkeeda oo ah GOAAN QARAN. Wasiir warancade ayaa isna ka dhawaajiyay in dawlada Somalia faraha kula jirto arimaha Somaliland taas oo uu ogyahay xidhiidhka SOMALIA,UCID iyo WADANI. Warancade oo wax badan ka og gudaha reerkiisa iyo xisbiga UCID ayaa noqonaysa Fashilkii u horeeyay ee lagu kashifo UCID ,WADANI iyo GOLE QARAN. Waxaa kaloo isha lagu hayaa in UCID oo laba xisbi noqday awalba isku siyaasad iyo ujeedo ahaa kana soo jeedo beel qudha, u qaban karo DOOD QARAN iyagoo Beelaha Somaliland aan lagalaga tashan.

Mustafe Dubbe

Miami, Florida