Gudoomiyaha Golaha Guurtida Oo Ku Baaqay In Xal Loo Helo Sixirbararka Dalka Ka Jira

Hargeysa(SLpost)-Gudoomiyaha golaha guuritda ayaa ku baaqay inta isku yimaado in la jabiyo qiimaha alaabooyinka lagu kala iibsado.

Waxaanu gudoomiyahu iswaydiiyay sababta alaabta loo jabin waayay maadaama oo doolarkii uu haatan dhulka galay, waxaana isaga oo arintan si kooban uga hadlaayay uu yidhi”Mar hadii doolarkii dhacay waxii dibada laga soo iibsado doolar ayaa lagu soo iibsadaa in ay alaabtuna la dhacdaabay ahayd, ganacsatada iyo dawladoo dhan inta laysku tago in xal la helo weeye .”