Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Iyo Maayarka Magaalada Oo Dhagax-Dhigay Dhisme Loogu Tallo-Galay Guriga Martida

Gabiley, (SLpost)– Badhasaabka Gobolka Gabiley Cali Aadan Meecaad iyo Maayarka Magaalada Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh) dhagax dhigay dhisme ballaadhan oo loo qorsheeyey in uu noqdo Gurigii Martida, kaasi oo loogu talo galay Madaxda iyo Martida timaada Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley .
Gurigan oo laga binaynayo dhinaca Waqooyi ee Magaalada ayaa Munaasibadii lagu dhagax dhigayey oo Barqadii maanta ka dhacday isla goobta laga dhisayey ayaa waxa wehelinayey Masuuliyiintii Dhagax-dhigaysay Xog-hayaha Dawlada/Hoose ee Gabiley, Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley, Cuqaal tiro badan, iyo Marti-Sharaf kale.
Munaasibadii Dhagax-dhigaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Gabiley KHadra Xaaji Gaydh oo sheegtay in ay Maamulku ku jireen Guri kiro ah, maantana ay bilaabeen Dhismaha Gurigii Martida, waxaanay tidhi: “Waxaanu maanta Dhagax-dhigaynaa Guri aanu ugu tallo-galnay Martida, taasi oo Labaatan sano oo Xukuumada S/land jirtay iyo Toban sano oo Goluhu jireenba intaaba aanu ku jirnay Guri kiro ah. Waxa nasiib darro in Dhulkii laga dhisayey ay Dawladu iibsatay, oo Dawladii wayday Dhul Dan-guud ah. Laakiin taasi waa mid ka horreysay Golaha Deegaanka. Annaguna Gole-Deegaan ahaaneed ugumaanaan iman wax dhul Dan-guud ah oo Magaalada yaala, isla markaana waxay nagu qasabtay in aanu Dad shicib ah ka iibsano Dhul, si aanu Gurigii Martida uga dhisno”. ayay Tidhi Marwo Khadra Xaaji Gaydh.
Xog-hayaha Dawlada/hoose ee Gabiley C/raxmaan Nuur Abokor oo isaguna ka hadlay Xafladii dhagax-dhiga ayaa ka xog waramay Cabirka uu ku fadhiyo Guriga Martidu, iyo inta Gaadhi ee uu qaadi karo gudaha Gurigu. waxaanu yidhi: “Waxaan doonaynaa in Gurigani noqdo Guri qaada Martida Gobolka oo dhan yimaada, Gurigan Cabirkiisuna waxa uu ku fadhiyaa 80 Mitir, ilaa 120 Mitir, waxa soo gali kara Gurigan gudihiisa ilaa Boqol Gaadhi, Waxaanu ugu talo galnay Dhagaxaantan Waawayn in ay kaga duwanaadaan Guryaha Martida ee Gobolada kale bilic ahaan”. ayuu yidhi Xog-hayaha Dawlada/hoose ee Gabiley C/raxmaan Nuur Abokor.
Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Cali Aadan Meecaad oo gaba-gabadii Xafladaa ka hadlay ayaa isna yidhi: “Gurigani Waxa uu u yahay Magac Cid kasta oo wax ka qabatay, Qof kasta oo Wax-qabad muuqda qabtana waxa qori doonta Taariikhda, Maayarkana waxaan Ilaahay uga baryayaa in Alle ka abaal mariyo Wax-qabadkan”. Ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Cali Aadan Meecaad.
Dhagax-dhiga Gurigan Martida ee Maamulka Gabiley sameeyeen ayaa noqonaya Mashruucii Afraad ee Bishan gudaheeda la dhagax dhigay, iyada oo dhawaan la dhagax dhigay Jid laami ah oo dhererkiisu dhan yahay 500 mitir oo ay hir-galinayso D/hoose ee Gabiley, kana fulinayso Tuulada Kalabaydh, waxa kale oo ay isla Bishan gudaheeda dhagax-dhigtay Maayarka Gabiley Dugsi hoose dhexe oo sidoo kale ay ka fulinayaan Deegaanka Gogaysa oo qiyaas 10 kiiloo mitir ka xigta dhinaca Waqooyi ee Magaalada.

SLpost News Desk

kaafi20@hotmail.com