Gudin Laba Af leh [Maanso] – W/T. Cabdiraxmaan Ubaxle

Maansadan oo soo baxday 7-12-2011 waxay iftiiminaysaa xeel dheerida murtida iyo xilkasnimada hal abuurka, dadka Alle ku manaystayna qofba in uu si ugu adeegto shar iyo khayr, xumaan iyo samaan, duudsi iyo sinaan balse qofkastaa meeshu doono hala maro e in ay ku tahay xujo iswaydiini ka danbayso qofkastaaba wuxuu dhitaysto ayuu yeelanayaa waajib baana ka saaran in gudashadeeda iyo ilaalinta sumcadeedaba waxaad moodaa in  marba marka ka danbaysan dunida samuhu ku sii yaraanayo inta ilaahay ku galaday waxa looga baahanyahay inaanay xaquuqdeeda ilaaliyaan mana habboona in niyad jab la muujiyo hadal iyo murti maansadu waxay ku bilaabmaysaa

Gocashiyo xasuusiyo

Mahadhada gudbaysiyo

Murtiyeey gob deeqeey

Gacal tuu wadagee

Guryo samo jeclaydeey

Sida gaawe caana ah

Galad laysu dhiibiyo

Godal iyo barwaaqiyo

Gaax iyo irmaaneey

 Nimcadii guyaadiyo

Godankiyo xareediyo

Gaxadhkiyo ugbaadkiyo

Hoobaan la goostaay

Gudbisada aqoontiyo

Garashada islaamkiyo

Gilgishada asluubtaay

Marna gurintir yaabliyo

Gudcur iyo humaagiyo

Gabgab iyo isqaadiyo

Galdaloolo badanneey

Tacolaada gudhisee

Gogol xaadhka fidisee

Gayigaba midaysee

Godob reebta noqotaay

Marna gacalo dooxiyo

Golxof loo afaystiyo

Warmihiyo garnaylkiyo

Gishigaamka laayiyo

Burbur iyo gumaadeey

Ta gumaysi diiddee

Gobonimo ku dirirtaay

Taqabiilka goysee

Geediga ka rarataay

Tagaraadka badanee

Gadhcadaha xishmaysee

Goolwacan ku taagtee

Guurtidu ku hirataay

Tagaliinka jamatee

Martidana u gogoshee

Yarad lagu gudoomaay

Tagayaanku doonee

Guurdoonku qaadee

Geenyada horqabatee

Geel lagu aroorshaay

Tagabaati noqotee

Guri lagu yagleelee

Gole lagu ilaystee

Aqal lagu gangaamay

Marna gole ka fuuliyo

Gibladiyo cayaartiyo

Gadgadoonka luuqdiyo

Galbiskiyo mashxaradiyo

Gurdan raaca sacabkee

Gabdho loogu heesaay

Tagarsoorka wacanee

Ina kala guraysee

Garyaqaanku sheegaay

Ta go’aanka fulisee

Gadh hayaha la talisee

Gambisee af qabatee

Garabkaba ka jabisee

Gudin laba aflaysaay

Marna gaalo lagadiyo

Gudbantii darwiishkiyo

Gadoodkii hargaysiyo

Gaashaanka adagiyo

Cadhadiyo galiilyiyo

Ciil iyo gubtahanyooy

Tagamaan ku joogtee

Gelin hore mirsiisee

Geeraar ka tirisaay

Tagaboodka noqotee

Giiryaale celisee

Geesiga xasilisee

Goombaar ka durugtee

Gaarida la socotaay

Marna geed sumeediyo

Gabangoobi halisiyo

Goblan iyo barooriyo

Guluf iyo colaadeey

Taxumaa ka gubatee

Gogol dhaafka necebee

Gaabsiga fashilisaay

Marna garangar muuniyo

Gudintiyo hangoolkiyo

Hayinkiyo gadhqabadkiyo

Gaadiidka noqotaay

Bulsho geediyaysaad

Gurgurshaa u tahayoo

Ana kaama gaabshee

Inta uu xil gaar ahi

Guudkeena sudhanyahay

Gam’i mayno nuuroow

Intaan gaaniyow nahay

Sida guumihii berri

Marba dhinac isula guday

Garo oo xalleefoow

Guubaabadaydiyo

Waxan uga gol leeyahay

Googaa ku soo sheeg

Adna galawga qayshiyo

Guuguule yeedhoow

Gudbi maansaddaydoo

Inta gabayga tirisiyo

Hal abuurka geeskiyo

Dunidoo dhan gaadhsii