Gudhubaa-gadhaa afka wada-guracan, ereyada gefka ah kuma badisee garo  

Waxa yaab ah oo yaabka-yaabkiis ah cayda sida dharka loo xidhanayo iyo hanjabaadda xadhka goosatay kuna socota madaxweynaha iyo reerkiisa guud, aan u kala qaado saddex qolo:-

1 ) Qolo maskax-guurkii doorashadi 2017 wali la dawakhsan, wax daweeyana weyday

2 ) Qolo kuwaas hore Role Model u yihiin oon “Ishta la barin”

3 ) Iyo kuwo madaxweynaha reerkooda ahaan loo adeegsanayo oon hami raganimo lahayn iyo garasho dheer oo mijinta qaadka ah ku siman

Aan u soo noqdo qolada hore, xooluhu waxay maraan sadex nololood 1) mar waa cosob daaq 2) marna waa calyo daaq 3) marna waa celiyaay-mariyaay o ah markay xaab dhulka ka qaadi waayaan ay meelwalba madaxa ku dhuftaan waa kuwaa xaalkoodu marayo shirbeeleed baanu ku dhawaaqi 2022 “ka salaamiyo yaab.

2) Waa qaar aan “ishta la barin” oo laamida soo raacay kana muuqato badawnimada halka ugu danbeysa qayladu waa ismuujin kalsooni la’aani hageyso laakiin dharka loo xidhay akhlaaqdi shicibka magaalada dhexdiisa iyo xishoodki way ka madhanyiin kuwaa waxanu leenahay awrku markuu sagaal jir gaadho waxa layidhaa mici-maraar loogana jeedo wuxu qabto dib looguma yeedho ninku markuu 40 sanadood siyaasad ku so jiro adigu u magac bixi “tolow yaw sheega”

3) Waa qaar aan “qashar ugu jirin” ninka reer miyiga ahi waa colaad u joog goor walba markaa marwalba waa inuu haystaa qorigii iyo xabadihiisi o waliba qaar dhuunta ugu jiraan ninka aan xabado haysan ayaa reer migigu markay mid dhaliilayaan ayey odhan jireen hebel “qashar uguma jiro”wa caqli gaab ku idhiyaa

Waa qaar sida huuryada xoolaha qoonta loo adeegsado cayda madaxweynaha, qaar hamigii ka dhintay o qaar ku qanceen mujaahid hebel. waa kuwa raganimo kaga hadhay oo horjooga Maansoor si ay u sugaan gabbaati iyo inan la meherinayo.

Waa kuwa xildhibaanadii soo saari kari waayey intii loo dirayey cayda madaxweynaha.

Kuwaasi hayga gudooman tuducan:

“Nimankii abtirsiintiyo ehelkooda yiqiin alle hawnaxariiste ifka wey ka tegeeno

Uu asoolka shisheeye niman aad u yaqaaniyo

Axal aan naf lahaynba albaabada hada taagan

Erey aan dux lahayno=axmadow nin shisheeye

Ka yidhaaho afkiisiyo-sacabkay alwiyaan

Hadaan ku noqdo micnaha ciwaanka maqaalka waa “alle waraabow maxaan muu kaa maqlay”

 

Dhawrkan tuduc Waxan u hibeeyey madaxweynaha:

Jiilaal hawaarsaday=dadka o haraad qaba

Awrku heeryadi dhigay=duunyadiina hoobteen

Hogoshi u curate=haro wada biyeyse

Raha ciida hoosiyo= shimiruhu u heeseen

Hoodaale yaad tahay

Hayin aan dakaamayn=ubad loo dulhooyiyo

Habasaha kaliilaha=damal la hadhsadad tahay

Geesigi haldoorke maalintay haboonayd

Fule u ka haajiray noo hiiliyad tahay, noo hagar baxaad tahay

Hooto caana badanoo= horaadada nasiisiyo

Haadi camal -san baad tahay

 

Somalilandeey laguuma baqo

Guuuuul Somaliland

Dal- jir Ibraahim Aadam Cilmi-galaan (Qumaash)