Guddoomiyihii Jaamacadda Hargeysa oo is-casilay iyo sababta keentay Xilligan kala-guurka ah

Hargeysa 09, September, 2011(Ogaal)- Guddoomiyihii jaamacadda Hargeysa Prof. Cabdiraxmaan Axmed Xuseen, ayaa iska casilay guddoomiyenimadii Jaamacadda oo uu muddo gaaban xilkeeda hayay.

In kasta oo aanu si rasmiya u shaacin guddoomiyuhu is-casilaaddiisa, haddana sida ay sheegayaan ilo ka ag dhow maamulka Jaamacadda, waxa in guddoomiyuhu iska caslilay guddoomiyemimadii jaamacadda Hargeysa, ka dib markii uu shaqo ka helay akademiga nabadda iyo horumarinta ee Somaliland.

Wararku waxa uu intan ku darayaa inuu guddoomiyuhu sheegay in shaqada Jaamacaddu kaga eeg tahay 15 bishan September, inta ka horraysana uu iscasilaadiisa u gudbin doono wasaaradda waxbarashada.

Ilahaasi waxa ay xaqiijeen  in Prof. Cabdiraxmaan Axmed oo ka mid ah aqoonyahanka sida weyn ugu xeesha dheer qoraalka iyo cilmi-baadhista, in shaqadan uu akademiga nabadda iyo horumarinta  ka helay  la xidhiidho cilmi-baadhista iyo diyaarinta qoraallada aqooneed ee afka ingriisiga.

Prof. Cabdiraxmaan Axmed ayaa xilka guddoomiyenimada Jaamacadda Hargeysa la wareegay ka dib markii Gudoomiyihii hore ee Jaamacaddu Marxuum Muuse Cabdi Cilmi uu shil gaadhi ku geeriyooday 12-kii bishii Jully ee sannadkan.

Dhanka kale, waxa la sheegay in guddiga Jaamacadda ay xilkii guddoomiye-nimo u magacaabeen inuu sii hayo Muuse Aadan Maxamed oo ahaa Madaxa Arrimaha Ardayda (Dean of Student Affairs) tan iyo inta laga magacaabayo guddoomiye rasmi ah oo jaamacaddu yeelato.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net