Guddoomiyihii hore ee Togdheer oo ka hadlay Heerka Xidhiidhka ay wadaagaan Madaxweyne Siilaanyo

XamarjeHargeysa (SLpost)- Guddoomiyihiii hore ee goboka Togdheer Axmed Cumar Cabdilaahi (Xamarji) oo wakhtigan ka tirsan Xisbiga Mucaaradak ah ee Waddani, ayaa markii u horeysay tan iyo markii uu madaxweynuhu xilka ka qaaday, waxa uu ka hadlay nooca xidhiidh ee ay wadaagaan Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay soo wada-halgameen wakhtigii Xisbigii Kulmiye mucaaradka ahaa.

Axmed Cumar oo maanta warbaabinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inuu xidhiidh wanaagsan oo saaxiibnimo ka dhexeeyo madaxweybaha Somaliland wakhtigan, balse ay ku kala fogaadeen dhinaca afkaarta siyaasadeed iyo hoggaaminta.

“Ma Jirto Colaad Aniga iyo Madaxwayne Siilanyo naga dhaxaysaa, heshiis ayaanu nahay Madaxwaynaha, Saaxiib isku dhawna waanu nahay, aad iyo aad ayuu u wanaagsan yahay Xidhiidhka naga dhexeeyaa laakiin Xagga afkaarta iyo hoggaaaminta ayaanu ku kala duwanahay,” ayuu yidhi Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi.

Xamarje oo la weydiiyey sida uu u arko socdaalkii la magac-baxay Buur iyo Bannaan ee madaxweyuhu ku maray gobollada dalka qaarkood, waxa uu ku jawaabay, “Socdaalkaas anigu waxaan u arkaa Intiisa badani waxa uu ahaa mid aan micno wayn ku fadhiyin, waxa uu salka ku hayana aan la garanayn oo aan ahayn Safar Loogu kuur galayo Xaalada dadka ayuu ahaa,” ayuu yidhi Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi.