Guddoomiyihii Hore Maxkamadda Sare Oo Xil Ka-qaadistiisa Ku Tilmaamay Sharci-darro

Hargeysa, (SLP)- Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Yuusuf Ismaaciil Cali ee dhawaan Madaxweyne Siilaanyo Xilka ka qaaday, isla markaana maanta cod aqlabiyad ah labada gole fadhi ay yeesheen ugu codeeyeen, kuna xalaaleeyeen xilka qaadistaas ayaa ku tilmaamay erigiisa mid sharci darro ah, isla markaana aan loo marin dastuurka qaranka iyo dariiqii saxda ahaa.guddoomiyaha maxkamada sare

Yuusuf Ismaaciil Cali la hadlay idaacada BBC, laanteeda afka Soomaaliga ayaa madaxweynaha ku eedeeyay inuu baal-maray sharciga dalka, isla markaana xil-qaadistiisu ahayd mid qayru dastuuri ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare in xil-qaadistiisa ay sababeen dad damac siyaasaddeed iyo dano gaar ah lihi. “Xil ka qaadista iyo magacaabista guddoomiyaha maxkamadda sare labadaba waxa koobsanaya qodobka 105 ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland, marka uu madaxweynuhu doono inuu xilka ka qaado guddoomiyaha maxkamadda sare, waxa uu u gudbinayaa labada, fadhi iyo naaqishaad ka dib sababaha uu madaxweynuhu soo sheegay waxay awood u leeyihiin inay aqbalaan iyo inaanay aqbalin. Arrintan imika ee xil ka qaadistayda looma marin dariiqaas, qodobka saddexaad waxa uu odhanayaa madaxweynuhu xilka wuu ka qaadi karaa guddoomiyaha maxkamadda sare isaga oo u baahan ogolaanshaha golaha wakiillada iyo golaha guurtida.” ayuu yidhi Yuusuf Ismaaciil Cali, isagoo hadalkiisa sii watan waxa uu intaas ku daray.  “Taydana waxa horeysay xil ka qaadistayda, isagoo ku sababeeyay guddida cadaaladda ila shaqayn kari waayay, arrintaas oo ah sharci-darro, guddida cadaalada waxa uu la tashanayaa marka uu doonayo inuu magacaabo guddoomiye maxkamadda sare oo uu shuruudaha qodobka 105 cuskanayaa, arrinta xil ka qaadistu waa qayrul dastuuri isaga oo aan haysan labada gole ogolaanshahooda. Maanta arrinta ay u codeeyeen waxaan filayay inay marka hore ajandahooda ku darsadaan oo ay dood ka galaan, digreetadan madaxweynuhu dariiqii sharciga ahaa ma idiinku timi, mise idiinkumay iman.”

Guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare oo ka hadlay waxa sababay xil-qaadistiisa waxa uu yidhi. “Maxkamaddaha go’aannadooda ayaa kala dambeeya, go’aankana haddii lagu qanci waayo waa cabasho, waxaanay cabashadu imanaysaa maxkamadda sare, cabashaduna maaha mid madaxtooyada loo qoranayo ama uu madaxweynuhu ku sababayn karo cabashada dadweynaha, xabsiyadana lagama soo caban. Damac dad isku haya oo dan gaar ah leh ayaa cabashada loo tixgeliyay waxna la igama waydiin.”

Somalilandpost.net