Guddoomiyihii Gobolka Togdheer, Axmed Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) oo xilka iska casilay iyo sababaha loo aanayno go’aankiisa

Guddooomiyihii gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje), ayaa iska casilay  xilkii Guddoomiyennimada ee gobolkaas, isaga oo la sheegay inuu maanta gelinkii hore warqaddii is-casilaaddiisa u gudbiyey Madaxweynaha Somaliland ka hor intaanu ka dhoofin dalka.

XamarjeSi aanu uga gun-gaadhno xaqiiqada iyo jiritaanka warkan, waxaanu isku daynay inaanu xidhiidh la samayno guddoomiye Xamarje, haseyeeshee noomay suurto-galin inaanu ku helno khadka telefoonka, balse Ilo-wareedyo ka ag-dhow Guddoomiye Xamarje, ayaa SOMALILANDPOST u xaqiijiyey inuu isaga casilay xilkaas sababo jira oo aanu weli bulshada u soo bandhigin awgood.

Guddoomiye Xamarje ayaa la sheegay inuu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo gelinkii hore ee maanta u gudbiyey warqad xambaarsan is-casilaaddiisa u gudbiyey, hase-yeeshee, ilo-wareedyada aanu xogtan ka helnay may xaqiijin inuu Madaxweynuhu ka aqbalay dalabka is-casilaadda ah ee Guddoomiyaha gobolka Togdheer u gudbiyey.

Lama oga sababta rasmiga ah ee dambaysa is-casilaadda guddoomiyaha haseyeeshee waxa laga war-hayaa inay magaalada Burco dul-hoganayaan daruuro xambaarsan duruufo qalafsan oo ka dhexjira shacabka gobolkaas qaybo ka mid ah iyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, taasoo soo taxnayd tan iyo mudaharaadkii lagaga soo hor jeeday xil ka qaadistii Taliyihii Booliiska Gobolka Ilkcase.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer ee la sheegay inuu warqaddiisa shaqo-ka-tegista u gudbiyey Madaxweynaha, ayaan isaguna weli ka hadal is-casilaadda, sababta uu isu casilayo iyo in Madaxweynuhu ka aqbalay.

SOMALILANDPOST.NET