Guddoomiyeyaasha ururrada JAMHUURIGA iyo NDP oo Xabsiga loo taxaabay

Hargeysa (SLpost)-  Ciidamada booliska magaalada Hargeysa ayaa xabsiga u taxaabay Guddoomiyeyaasha ururada JAMHUURIGA Axmed sandoon iyo NDB Marwo Foosiya Xaaji Aadan iyo Masuuliyiin kale Ka dib markii ay saaka isku dayeen in ay magaalada Hargeysa ka sameeyaan mudaharaad salmi ah oo ay kaga cabanayaan go’aankii guddiga Diiwaan gelinta ururada siyaasaddu ay soo saareen.

Masuuliyiinta ururrada ayaa markiiba loo dhaadhiyey Saldhigga Dhexe ee booliska oo ilaa hadda lagu hayo.

Dhanka kale, shaarciyada magaalada Hargeysa ayaa saaka lagu arkayey ciidamo boolis ah oo ku gaashaan baabuurta ciidamada, waxa kale oo ciidamada badan la dhigay xafiisyada ururrada mudaharaadka ku baaqay ku leeyihiin gobollada dalka sida magaalooyinka Burco iyo Berbera.

La soco wixii warar ah ee ka soo kordha xadhigga masuuliyiintan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net