Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha gobolka Maroodijeex iyo Garsooreyaal oo markii u horreysay Si badheedh ah uga hadlay faro-gelin Qaawan oo Xukuumaddu ku hayso Garsoorka Dalka

garsoorHargeysa (SLpost)- Guddoomiyaasha  Maxkamadaha gobolka Maroodijeex oo ay weheliyaan qaar ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadaha, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeyey in ay farogalin qaawan ku hayso garsoorkii dalka.

Guddoomiyayaasha Maxkamadda Gobolka, ta Degmada iyo Rafcaan iyo xubno garsooryasha ka mid ah oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in xukumadu faro galin qaawan ku hawso garsoorka dalka, iyaga oo si gaar ah u sheegay in wasiir ku-xigeenka Amniga Cabdilaahi Abokor  uu si badheedh ah ugu soo qoray warqad ka hadlaysa dhul beered laysku haysto oo dacwaddiisu ay maxkamada ka socoto, taas oo uu ku amray in la joojiyo.

HALKAN GUJI SI AAD U DAAWATO

 

 

 

SOMALILANDPOST.NET/HARGEYSA