Guddoomiyeyaasha Labada Xisbi Mucaarad oo Ka hadlay Guusha ay ka Gaadheen Qabsoomidda Doodda Qaran

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI Eng Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ka hadlay dareenkooda ku aaddan mowqifka midaysan oo Xisbiyadu Qaranku iskula ogolaadeen qaabka loo qabanayo Doodda Qaran, ka dib kulamo sulux ah iyo dhex-dhexaadin laysaga dab-qaaday Xukuumadda iyo Axaabta Qaranka oo muddooyinku u dambeeyey isku mari la’aa arrintan.

 Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran iyo Guddoomiyaha Akedemiyadda Nabadda ayaa arrintan ku faahfaahiyey shir-jaraa’id oo ay maanta si wada-jir ah shir-jaraa’id ugu qabteen magaalada Hargeysa ka dib kulmo dhinacyo badan oo maalmihii u dambeeyey lagu soo af-jaray muran ka dhashay qaban-qaabada Dood Qaran oo axsaabta siyaasaddu ku baaqeen.

faysal cirroGuddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo isagu shirkaas jaraa’id ka hadlay, ayaa yidhi, “Arrintii waanu ku heshiinnay, Ajandahii (Dooddii Qaran) iyo Ciddii hoggaaminaysay waanu isla garannay, cid dhex-dhexaad ah oo noo siman ayaanu u dhiibnay, dhinacii UCID, WADDANI iyo MADASHA waanu ka soo saarnay. Waxaanu jecelnahay waliba inta aan Shirka hortiisa la tagin in saddexdayada Xisbi aanu kulano oo aanu qodob-qodob isla dul-taagno oo annaga oo midaysan oo isku feker ah shirka talooyinku ka soo baxayaan aanu tagno.”

Guddoomiye Faysal waxa uu Doodda Qaran qabsoomiddeeda ku tilmaamay markii u horreysay ee metelayaasha siyaasadda iyo bulshada Rayidka ahi isaga yimaadaan Jihaynta masiirka Qaranimada Somaliland, waxaanu rejo fiican ka muujiyey inay natiijo wax ku-ool-ahi ka soo bixi doonto Doodda Qaran. “Waxan aanu qabanaynaa maaha wax dan xisbi ah oo cid lagu xumaynayo; waxa weeye wax dalkeenna u dan ah oo dhaxal-gal ah inay ka soo baxaan ayaanu doonaynaa dooddaas qaran. Taariikhda Somaliland ayay gali doontaa Dooddaas Qaran, maxaa yeelay waa markii u horreysay 22-kaa sanno ee aynu jirnay aynu is-weydiinno maxaa innaga xumaaday, maxaynu yeelnaa? Ilaa maalintii Burco lagu go’aamiyey gooni-isu-taagga Somaliland, mar qudha oo dambe dib layskuma soo noqon oo lama odhan maxaynu yeelnaa,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa go’aanka ay axsaabta Qaranku wada gaadheen ku sifeeyey mid farxad iyo guul u ah dhammaan shacbi-weynaha Somaliland.

Guddoomiye Cirro oo arrimahan ka hadlayey waxa uu yidhi,  “Waxay ila tahay go’aankaas midaysan ee xisbiyada qaranku gaadheen uu yahay go’aan muddo dheer shacbiga Somaliland sugayay. Waxa farxad u ah Axsaabta Qaranka iyo Shacbigaba inaynu isla ogolaanay inaynu ka doodno arrimaha ina horyaala ee qaranku leeyahay. Waxaynu isla garannay inay cid dhex-dhexaad ah u dhiibno doodda.”

Md Cirro waxa uu suurto-gelinta iyo kaalintii ay ka geysteen arrintan uga mahad-celiyey hoggaanka Xisbiga Kulmiye, “Waxaan runtii aad ugu mahad-naqayaa geesinimada, laab-xaadhnaanta iyo furfurnaanta ay muujiyeen, gaar ahaan guddoomiyaha Xisbul-xaakimka iyo mujaahid Maxamed Kaahin oo runtii hawsha wax badan ka qaatay qaybtooda,” ayuu yidhi.

Guddoomiyuhu waxa uu ugu dambayntii u mahadceliyey madaxweyne Siilaanyo oo uu sheegay inay labadoodu shalay isku soo hor-fadhiisteen, “ Waxaan ugu bushaareynayaa Shacbiga in wixii dhammaystir ah ee ku saabsan axaabtana, way dhammaystirayaan, wixii kale ee xilliga laga qabanayona waxaynu ka sugaynaa akademiyadda Nabadda. Waxaan jecelahay inaan u mahad naqo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo runtii isagana aanu shalay is-aragnay, hawshaasna aanu ka wada hadalnay,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net