Guddoomiyeyaasha iyo Kormeerayaasha Waxbarashada Gobollada dalka oo tabobar loo furay

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarshada iyo Tacliinta Sare Maxamed Xasan ayaa maanta tababar socon doona mudo toban cisho ah waxa uu huteelka Maansoor uga furay Guddoomiyaasha iyo Kormeerayaasha Lixda Gobol ee waaweyn ee Somaliland.

Tababarkan oo muddada uu socdo lagu baran doonoo  tababarkatababarayaasha gudiyada iskuulada, waxa ugu horreyn ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarshada iyo Tacliinta Sare Maxamed Xasan oo  tilmaamay muhiimada ay leedahay in la wanaajiyo habka maamulka dugsiyada isla markaana ay si wada jir ah arrintaas uga hawl galaan Maamulada dugsiyada hoose dhexe iyo Gudiyada Waalidiinta waxa uu agaasimaha guud sheegay in aqoon is weydaarsigan lagu baran doono duruus la xidhiidha tababarka tababarayaasha ee gudiyada iskuulada,waxaanu xusay in  Wasaarada Waxbarashadu ay dugsiyda hoose dhexe ee dawliga ah ay ka dhigtay in lacag la’aan lagu dhigto.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Maxamed Xasan waxa uu kula dardaarmay ka qayb galayaashu inay ka faa’iidaystaan mudada tobanka cisho ah ee tababarkani u socdo.

Rashiid Ismaaciil oo ka socda hay’ada Unicef ayaa sheegay in ujeedada aqoon isweydaarsigani ay salka ku hayso sidii loo xoojin lahaa habka tababarka tababarayaasha oo faa’ido badan u leh guud ahaan bah’da waxbarashada waxaanu ka waramay himilooyinka laga leeyahay mashruucan iyo marxaladihii uu soo maray isagoo xusay in isku xidh loo sameeyo maamulayaasha,Macalimiinta iyo gudiyada waxbarashada ay tayo badan gelinayso nidaamka wax dhigiseed ee dugsiyda dalka.

Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashadu waxa uu ka qayb galay aqoon isweydaarsi ku saabsan sidii manhajka Somaliland loogu  dabaqi lahaa Waxbarashada dalka kaas oo ay soo qaban qaabisay hay’ada African Education Trust .

SLpost News/Hargeysa