Guddoomiyeyaasha Gobollada Gabiley iyo Awdal oo ka hadlay Xaaladda nabadda, Hawl-galladii u dambeeyey ee Ciidamada Amaanka iyo kulamadii Madax-dhaqameedka

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyeyaasha Goboladda Awdal iyo Gabiley ayaa ka hadlay xaaladda ammaanka ee deegaanada u dhaxeeya labada gobol ee xiisadda nabadgelyo-darro ka taagan tahay. Guddoomiyaha Awdal Md. Axmed Xaddi Sidci oo shalay booqday deegaanka Seemaal ee ay habeen saddexaadkii ka dhaceen dilkii foosha xumaa ee lagu dilay sadexda qof, ayaa ka warramay xaaladda deegaanka uu booqday iyo cidda ku wehelisay socdaalkiisa. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in isaga iyo madax-dhaqameedka weheliyey ay deegaankaasu tageen si ay uga qayb-qaataan dejinta xaaladda dadka isla markaana ay ku qanciyaan inaan wax tallaabo la qaadin inta xukuumaddu gacanta ku soo dhigayso gacan-ku-dhiiglayaasha. Isaga oo ka hadlaya waxa uu yidhi,  “Waxaan maanta (shalay) tagay deegaankii habeen hore dilku ka dhacay waxaanan sii kaxeeyay odayaal mudakar ah oo aanu doonaynay inay wacyigelin ka sameeyaan jiidaasi oo ay beesha Awdal ka soo jeeda ee wax tabanaysay ay ku adkeeyaan inaanay qaadin wax tallaabo ah oo aargudasho ah oo ay ka war sugaan xukuumadda oo go’aanka ay qaadatay waxgaradka Awdal aad ugu mabsuudeen.”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in kulan dhex maray xukuumadda iyo madax-dhaqameedka beesha dhibta loo geystay loo ballanqaaday inay xukuumadda ka go’an tahay tallaabo adag oo ay qaaddo, isla markaana ay odayaashu dhankooda ka ballan-qaadeen inay u hoggaansamayaan go’aanka xukuumadda, “Iyadoo waxgaradka iyo odayaasha dhibta tirsanayay ay xukuumaddu kulan la yeelatay waxay ku balan qaaday inay tallaabo adag ka qaadayso, odayaashuna waxay balan qaadeen inay go’aankaasi u hoggaansamayaan, iyadoo sidaasi jirtay ayaan shalay duhurkii maqalay war dhiilo leh ka dibna markii aanu meeshii tagnay ee aanu waraysanay waxa naloo sheegay in ninka la dilay aan la weerarin ee laba kooxood oo hubaysan oo sahanna oo iska horyimid ay is rasaaseeyeen ka dibna uu ninkaasi sidaasi ku geeriyooday,” ayuu yidhi Guddoomiye Xaddi.

Axmed Xaddi Sidci wuxuu sheegay xaaladda ammaanka aad loo adkeeyay oo ciidan badan la dejiyay deegaanka Buqdhada oo u dhow deegaanka Seemaal ee sadexda qof lagu dilay, waxaanu xusay inuu halkaasi kula kulmay Taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Maxamed Saqadhi Dubad. “Dadkii deganaa Seemaal iyo guud ahaan jiidaasi waxaanu ku wayci gelinay inaanay qaadan wax tallaabo ah oo ay sugaan xukuumadda Somaliland oo ay ka go’an tahay inay tallaabo cad ka qaado dadkii geystay dilkan foosha xun,”ayuu yidhi Badhasaabka Awdal, waxaanu intaasi raaciyay “Taliyaha qeybta booliska Awdal oo isna wuxuu tagay dhinaca jiida Dilla waxaanu odayaasha ku boorinayay adkaynta nabadgelyada iyo inaanay wax aargoosi ah samaynin.”

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Md. Cali Aw Aadan Meecaad ayaa sheegay inay xalay Gabiley lagu aasay nin ka soo jeeda gobolkiisa oo shalay lagu dilay agagaarka meesha la yidhaahdo Buqdhada. Isaga oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Maanta (shalay) barqadii ayaa nin ka soo jeeda Gabiley lagu dilay agagaarka meeshii habeen hore sadexda qof lagu dilay, markii ay kulmeen sadex nin oo aan hubaysnayn oo reer Gabiley ah iyo koox hubaysan oo ka soo jeeda deegaanka Dilla oo hubaysnaa, ka dibna ninkaasi oo gooni u cararay waxa dhabarka kaga dhacay sadex xabadood,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay oo kale in ciidamo badan oo boolis ah la dejiyay buqdhada iyo deegaanada Ceelbardaalle xaaladuna degan tahay waxaanu dhambaal tacsi ah u diray eheladii dadkii ku dhintay halkaasi oo uu ilaahay uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo dadkii ku dhintay dhacdadii Seemaal isla markaana samir iyo iimaan ka siiyo dadkii ay ka baxeen.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net