Guddoomiye-xigeenka Guddida Nabadgelyada ee Wakiillada oo Sheegay in Aannay Jabhaddii Wabar Wali isasoo Wada Dhiibin

Hargeysa (SLpost)-Xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale, oo ka mid ah Golaha Wakiillada, isla markaana ah guddoomiye ku xigeenka Guddida Arrimaha Guddaha iyo Nabadgaliyada ee Wakiilada, ayaa sheegay in qaar ka mid ah jabhadii Wabar aanay wali soo xeroon, oo wali ku sugan yihiin halkii ay joogeen,.

Xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale, oo wareysi siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale waxa uu ka warbixiyey kormeer iyo hawl shaqo oo ay ku tageen Gobolada Saaxil iyo Awdal, waxaanu ugu hadalkiisi ku bilaabay sidan “Waxaanu hawl shaqo ku tagnay gobolada Saaxil iyo Awdal, si aanu u soo ogaano xaaladda nabadgaliyo ee halkaas ka jira, anaga oo gudunayna xilkaygaa, madaama aannu Golaha Wakiilada wakiil uga nahay Arrimaha Guddaha iyo Nabadgaliyada,waxaanu soo ogaanay oo naloo sheegay markii aanu ku sugnayn Boorama ama Gobolka Awdal in aanay wali isa soo dhiibin qaar ka mid ah Jabhadii Wabar hogaamiyaha ka ahaa, inkasta oo ay intii badnayd isa soo dhiibeen, oo sida naloo sheegay Jabhad yari wali hadhay, waxaan ugu baaqayaa inay isa soo dhiibaan, oo dadkooda dhinaca ka raacan, inay dibada iyo duurka joogaan waxba u tari mayse”.

Xildhibaan Baashir Tukaale ayaa mar uu ka hadlaayey Nabadgaliyada waxa uu yidhi “Bulshada waxa aan leeyahay Xukuumaddii waad aragtaan ee Nabadgaliyadiina ilaashada, oo midnimadiina dhinaca uga soo wada jeesta, dantiina ka taliya, oo wixii nabadgaliyo wada iska qabta.”

Source- Geeska