Guddoomiye Saleebaan Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Muddo Kordhintii Guurtida

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa markii u horraysay ka hadlay go’aanka ay muddada ugu kordhiyeen xukuumadda ee muranka siyaasadeed dhaliyay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu yahay go’aan gole oo sharci ah. “Guurtida cid ka cabaynaysaa ma jirto, guurtiduna go’aan bay gaadhay, shuruucda dalkana waa ka mid” ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aaden, waxaanu intaas ku daray oo uu sheegay inaan go’aankaas laga noqonayn. ”Go’aankaas lagama Noqonayo waana go’aan guurti,waana go’aan baarlaman oo ah sharci qaran,anigu idin odhan maayo cidbaa wax ka noqonaysa iyo wax laga noqday ayaa jira.”

Saleebaan-Gaal oo ka hadlay Kulan Dhexmaray Guddoomiye Cirro iyo Go’aanka hakadka geliyey Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Hadalka guddoomiyaha ayaa yimi ka dib markii uu kulan la yeeshay safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Neil Wigan oo safar ku jooga Hargeysa.

Somalilandpost.net