Guddoomiye Saleebaan Oo Ka Hadlay Geeddi-socodka dhex-dhexaadinta Muranka Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida ee Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan oo maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 79aad ee Golaha, ayaa ka hadlay geeddi-socodka dhex-dhexaadintii laga dhex-waday Saddexda Xisbi Qaran iyo Xukuumadda Somaliland oo ku muransan qabsoomidda Doorashooyinka ururrada Siyaasadda iyo Madaxtooyada.

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo warbaahinta la hadlay, waxa uu sheegay inaanay jirin wax ka qabsoomay xalka khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan, waxaanu masuuliyadda arrintaas ku riixay Saddexda Xisbi Qaran.

Guddoomiye Saleebaan waxa uu ku dooday inaanu jiri doonin xal dhammeystiran oo laga gaadho khilaafka siyaasadeed haddii aanay Saddexda Xisbi Qaran ka go’nayn inay is hor-fadhiistaan oo si wada-jir ah heshiis uga gaadhaan khilaafka jira.